18/06/2025
Iran iyo Israa’iil waxay isku tuurayaan gantaallo, duniduna wey daawanaysaa,laakiin haddii Maraykanku si toos ah ugu biiro dagaalkan, waa maxay waxa la filan karo?
Mareykanku weligiis wuu ka fiirsadaa dagaalka tooska ah, laakiin duruufaha haatan taagan k**a duwana kuwo horay uga dhigay inuu dagaallo galo. Waxaa jira cadaadis ah in uu difaaco Israa’iil – xulafada ugu dhow ee uu gobolka ku leeyahay – taasoo hadda si cad ula kulmeysa weerarro toos ah oo uga imanaya Iran. Taageerada la’aanta Maraykanka waxaa dhici kartaa in ay curyaamiso sumcadiisa amni, ayna muujiso in aanu diyaar u ahayn inuu difaaco xulafadiisa marka la garaacayo.
Haddii Mareykanku go’aansado inuu weerar ku qaado Iran, khasaaraha dagaalkaas laga dhaxli karo ma noqon doono mid gobolka ku kooban. Iran si sahlan uma jabto,waa qaran leh ciidan tiradiisu badan yahay, awood gantaal, xiriiryo wakiillo ciidan ah oo ka howl-gala gobolka, iyo karti dagaal oo aan la dhayalsan karin.
Iran waxay u arkaysaa dagaal kasta oo ay Mareykanka la gasho inuu yahay dagaal nolol iyo geeri ah — taasoo ka dhigaysa inaysan oggolaan wax jab ah, xitaa haddii ay khasaaro badan la kulanto.
Mareykanka, inkastoo uu leeyahay awood ciidan oo aan lala tartami karin, haddana dagaal uu la galo Iran wuxuu noqon karaa mid daba dheeraada, oo u dhigma dagaalladii uu ku lug lahaa ee aan guul cad laga gaarin, sida Vietnam, Afgaanistaan, iyo Ciraaq. Waxaa la filan karaa in Iran ay weerarto saldhigyada Mareykanka ee gobolka, oo ay xirto marinka shidaalka ee Gacanka Xurmuz, islamarkaana ay howlgeliso xulafadeeda sida Xisbullah iyo Xuutiyiinta si ay dagaalka uga dhigto mid baaxad leh oo aan lahayn jiiddo kaliya.
Dagaalkani sidoo kale wuu ka sii fidi karaa gobolka. Dalal sida Suuriya, Ciraaq, Lubnaan iyo xataa Yemen ayaa noqon kara goobaha ay saameynta ugu horreysa ka bilaabato. Suuqa caalamka, gaar ahaan qiimaha shidaalka iyo silsiladda sahayda, waxaa ku dhici kara burbur degdeg ah. Saamiyadu waxay noqon doonaan kuwo hoos u dhac ku yimaado,