Hal Wadaag

Hal Wadaag Hal Wadaag waa madal aan ku qaada dhigi doono dhaqamada, aragtiyaha, iyo dhacdooyinka dunida taariik

08/05/2024

Soomaaliyada weyn, waa mid ka mid ah beenaha faafey! Waa mid lagu xalaaleysto dad dhulkood, sidoo kale la isku qabto sheekooyin aan xidhiidh laheyn. Qeybtan taariilkhda iyo asalka Soomaaliyada weyn ayaan ku qaada dhigeynaa; daawasho wacan.

Lifaaqa hoose ka daawo

https://youtu.be/OI9YZBrHFv4?si=NIwCSg6wk1escmyZ

Maanta  Dharaar qodobkeenu waa Indiya iyo kor dhaqaalaha Indiya. Dhageysi wacan.
03/02/2024

Maanta Dharaar qodobkeenu waa Indiya iyo kor dhaqaalaha Indiya. Dhageysi wacan.

Listen to kor u kaca wax soo saarka Indhiya from Dharaar . Wax soo saarka Indhiya oo kor u kacaya dhinacyada elaktariga ah. Gobolka Tamil Nadu ayaa saameyn weyn ku leh dhaqaalaha dalkaas. dhinaca kale, waxa uu soo jiidanaya indhaha maalgashatada caalamiga ah.

14/01/2024

Qeybta koowaad ee silsiladan taariikhda Somaliland, waxaan ka hadalney qaababka kala duwan ee xadaaradihii h**e Somaliland uga hadleen. Xidhiidhka ganacsi ee ay xeebaha qaarkood ee Somaliland dunida la lahaayeen iyo ahmiyadooda. Qeybtan waxaan xoog saarney isbadalada Somaliland ka dhacey 1960kii ka hor. Daawasho Wacan.

03/01/2024

Dhaqaaluhu waa mid taariikh dheer leh, balse fahanka dhaqaalaha iyo aragtiyaha dhaqaaluhuwaa mid inoo fududeyneysa fahanka bulshooyinka. Qeybtan Cabdinaasir oo falanqeeye dhaqaale ah ayaa martiqaadaney. Cabdinaasir waxaan ka wareysaney dhaqaalaha, diiradana ku saarney wareysigan Hanti-Wadaag, bar bilawga taariikheed, tiirarka Hanti-wadaag. Dhinaca kale, waxaan ka hadalney dhaliilaha Hanti-wadaaga. Dhageysi wacan.

02/01/2024

Dhaqaaluhu waa mid taariikh dheer leh, balse fahanka dhaqaalaha iyo aragtiyaha dhaqaaluhu waa mid inoo fududeyneysa fahanka bulshooyinka. Qeybtan Cabdinaasir oo falanqeeye dhaqaale ah ayaan ka wareysaney dhaqaalaha, diiradana ku saarney wareysigan Hanti-Wadaag, bar bilawga taariikheed, tiirarka Hanti-wadaag. Dhinaca kale waxaan ka hadalney dhaliilaha Hanti-wadaaga. Wareysiga oo dhameystiran habeen danbe baahineynaa.

25/12/2023

Isbadalka Cimilada waa mid ka mid ah isbadalada ugu weyn ee dhacaya wakhtigeenan.Markan Hal Wadaag waxa noo casuuman Injineer.Hodo Axmed Saxardiid, oo ah khabiir ka hadasha isbadalka Cimilada iyo sababaha Isbadalka Cimilada. Qeybtan Hodo waxey ka hadashey sababaha Isbadalka CImilada iyo saameynta uu inagu leeyey inaga ; dhageysi wacan.

20/12/2023

Warbaahintu waa mid ka mid ah hubabka jiheynta dareenka Bulshada. Taariikh ahaan Israa'iil waxey laheyd awooda jiheynta warbaahinta Reer- Galbeedka. qeybtan Hal Wadaag waxaan raad raaceynaa hababka ay Israa'iil u jiheyso Warbaahinta Reer-Galbeedka.

16/12/2023

Mareykanka ayaa sheegey in haysashada magaalada Qasa ee Israa’iil mudo dheer ay tahey khad cas. Wuxuuna dhinaca kale sheegey in maamulka magaalada Qasa Xamaas ka dib ay la wareegto maamulka Falastiinyiinta ee Daana-Galbeed. Dhinaca kale Israa’iil oo sii wada gumaadka iyo xasuuqa dadyawga ku nool Qasa.

15/12/2023

Fiinlaan ayaa dib u xireysa xududa ay la leedahey Ruushka. Dhinaca kale, Fiinlaan ayaa ku eedeysay Ruushka iney khalkhal galineyso amniga Fiinlaan. dadyawga nabad galyo doonka oo ku soo badanaya galitaanka Fiinlaan ayaa qeyb ka ah is af-garanwaaga u dhaxeeya labada dal.

14/12/2023

Roobab waaweyn oo ka da’ay Qasa taas oo xaalada dadka ku nool Qasa sii xumeyneysa. waxa jira baqdino laga qabo in sababto in faafida cuduro. Dhinaca kale, dadku ma haystaan hoy iyo goobo ay ka galaan roobka taas oo xaalada magaalada sii xumeyneysa.

12/12/2023

Shir uu la galey Erdogan ayaa Raa'isul Wasaaraha Iskotland dawlada Boqortooyada Ingriisku ugu hanjabtey iney hakin doonaan wada shaqeynta ka dhaxeysa.

07/12/2023

Madaxweynaha Ruushka oo safar gaaban ku jooga Bariga Dhexe. Tan iyo bilawgii dagaalka Ruushka iyo Yukreyn Madaxweyne Buutin ayaa naadir ahaa in dalka dibadiisa u baxo, talaabadan uu ku yimid Bariga Dhexe ayaa ah mid su’aalo badan ku xeeran yihiin. Waqitagan oo dagaalka Xamaas iyo isra’il uu socdo ayaa Bariga Dhexe ka dhigeysa mid xasaasi ah. Halka dhinaca kale Su’aalo ku xeeran yihiin Qaabka uu arkaan Mareykanka oo xulafo badan ku leh Bariga Dhexe.

Address

Hargesa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hal Wadaag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hal Wadaag:

Share