Abdinasir ismail

"Waxaan dilnay 320 xubnood oo ka tirsan TPLF oo kasoo tallaabay Xadka Suudaan" Militeriga Ethiopia.
15/05/2021

"Waxaan dilnay 320 xubnood oo ka tirsan TPLF oo kasoo tallaabay Xadka Suudaan" Militeriga Ethiopia.

15/05/2021

Madaxweynaha Masar, General Abdifitah Al-sisi ayaa sheegay inuu go'aansaday in albaabada loo furo Isbitaalada Masar si loogu soo dhaweeyo Dhaawacyada Falastiiniyiinta ee laga keenayo marinka Gaza.

Masar waxay dhawaan sheegtay iney ku fashilantay labo iskuday oo Israa'iil ay kaga codsatey xabad joojin kadib markii Israa'iil ay ku gacan saydhay codsiyaadooda.

Ugu dambeynse Dowlada Masar waxay u muuqataa mid awoodi wayday talaabo kale oo aan ka ahayn iney Isbitaaladeeda kusoo dhawayso dhaawaca Falastiiniyiinta.

Isha :- VOSS

04/05/2021

Barnaamij Qiimo Badan.

04/05/2021

Khadar keeyow iyo barnaamijka qaraaxo
and

04/05/2021

RIWAAYAD QOSOL BADAN REER JABUUTI RAMADDAANKA 😂ILAA DAAWO ADIGA QOSOL DOONE...
DHEH

29/04/2021

Dawlada cusmaaniyiinta 54/2

25/04/2021

Xisaab xumo ayaa Muqdisho taal

Dawladdii Dhexe ee Somalia markii ay burburtay 1991, dagaallo wejiyo badan leh oo kala duwan ayaa ka dhacay Somalia (the former Italian colony). Sanadkii 2004 dawladdi lagu soo dhisay Kiiniya qaladkii u horayay ee ay samaysay ayay dawlad walba oo ku xigtay tuurta ku qaadatay. Iyaga oo aan meel maamulin oo aan dib-u-heshiisiin samayn si dadka is-dilay isku aamino, ayay aamineen inay dawlad yihiin oo u dhaqmeen sidii dawlad. 17kaas sanadood hadii ay awoodda saari lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabad dhiska iyo dawlad dhiska xaalku sida uu caawa yahay wuu dhaami lahaa.

Madaxwayne Farmaajo si la mid ah odayadii ka horeeyey waxa uu isku qaatay inuu yahay madaxwayne maamula dal. Runtu waxa ay tahay in dawladdu haysatay aqoonsi debedeed (external recognition), balse inaanay dalka gudihiisa wada xukumin. Sidaasdarteed, hadii u doorasho hal cod iyo hal qof ah uu ku samayn kari waayay mudadii la doortay, waxa ay ahayd inuu qabto waxa suurtagalka ah. Ilmuhu isma taago isaga oo aan weli fadhiisan oo aan guurguuran. Dal doorasho k**a qaban kartid adiga oo aan xitaa 1/3 xukumin. Korodhsiga oo ah dhaqan qaldan waxa uu keenay in lagala noqday aqoonsigii debedeed ama ugu yaraan hoos loo dhigay.

Caawa waxa la gudboon Madaxwayne Farmaajo inuu garwaaqsado taagta Somalia oo uu aqballo wada hadal uu la gallo dhinacyda oo dhan. Wada hadalkaas oo ku biyo shubta wax heshiis lagu yahay. Waxa aan shaki ku jirin in Muqdisho aanay u baahnayn dagaal hor leh. Waxa ay taasi u dan tahay al Shabaab. Waxa ay hallis ku sii tahay amaanka Geeska Afrika oo dhan.
Guuleed dafac

Baydhabo:Gabadh ayaa maseyr awgiis fooq isaga soo tuurtay, warbaahinta gobolka Bay ayaana ku warramaysaa in iyada iyo od...
24/04/2021

Baydhabo:Gabadh ayaa maseyr awgiis fooq isaga soo tuurtay, warbaahinta gobolka Bay ayaana ku warramaysaa in iyada iyo oday ay ku dhul dhacday lagu dabiibayo cisbitaal.

Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay Namibia  ayaa hindisay Taleefan 'Simless'  iyo 'Airtime free'. Ah leh ,   hadii Si kale ...
21/04/2021

Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay Namibia ayaa hindisay Taleefan 'Simless' iyo 'Airtime free'. Ah leh , hadii Si kale loo dhigo ma leh Wax lafta telefoonada ah mana hoos iman doono Wax Shirkad Ah iyado loogu Hadli Karo Si Xor Ah

Simon Petrus wuxuu sameeyay taleefanka oo ku shaqeeynaya mowjadaha Hawada, wacitaanada ayaa looga diri karaa qof walba

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo maanta la kulantay Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed,...
18/04/2021

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo maanta la kulantay Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, ayaa sheegtay in markale ay ku celisay in aanay UK taageeri doonnin muddo kordhinta ay sameeyeen golaha shacabka.

"Waxaan carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si deg deg ah loogu laabto qaab doorasho oo ku saleysan is afgarad" ayay tidhi Kate Foster.

Wasaarada beeraha Somaliland, ayaa bilowday in ay beeralayda u qaybiso Abuur waddani ah oo ka kooban Galley, Hadhuudh iy...
18/04/2021

Wasaarada beeraha Somaliland, ayaa bilowday in ay beeralayda u qaybiso Abuur waddani ah oo ka kooban Galley, Hadhuudh iyo Digir.

Abuurkan Waddaniga ah oo muddo 3 sano iyo badh ah ay waasaaradu ku kaydinaysay xarunta cilmibaadhista beeraha ee Abuuriin, ayaa la gaadhsiin doona beeralayda Somaliland, xilligan ay bilowdeen roobabkii Gu'ga.

Somaliland ayaa dalka Ethiopia ka heshay 370 kaalmo deeq waxbarasho oo heerka koowaad ah.
15/04/2021

Somaliland ayaa dalka Ethiopia ka heshay 370 kaalmo deeq waxbarasho oo heerka koowaad ah.

Is Barbar dhiga doorashooyinkii Somaliland.  - - - - - - - -   - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - -...
11/04/2021

Is Barbar dhiga doorashooyinkii Somaliland.
- - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - -
AAN KU HOR MARNO SOMALIA

Marka Laga Hadlayo Xeerarka Caalamiga ah Ee dawladaha Dunidu Ku heshiiyeen Somaliya Waa Dal Ay caalamku Aqoonsanyihiin Balse Malaha Dawlad dalka ka talisa,siyaasad Arimo dibadeed mid Arimo gudeed, Mid maaliyadeed iyo Xataa ciidan uu dalku Ku Midaysanyahay Xataa Dalku Malaha Hal Madaxwayne oo ka taliya maamulka Dawladuna masoo dhaafo Caasimada iyo xareeraheeda.
Hadii khilaaf dhex yimaado madaxda Tirada badan Ee Somaliya Ma jirto Maxk**ad ay ku kala baxaan Ee go'aanka udambeeya Waxa Leh Beesha Caalamka.
Tusaale. Madaxda Somalia Markii Ay isla afgaran Waayeen qorshaha doorashada madaxtinnimada ee sanadkan 2021 dalka ka dhacaysa waxay Beesha caalamku Ku qasabtay inay Yimaadaan teendhada Xalane Waliba waxay ugu hanjabtay in Hadii Ay xal k**a Dambaysa gaadhiwaayaan ay cuno qabatayn saari doonaan.
Dhanka kale waxaaba laga cabsi qabaa in dalku qalalaase galo oo Waxa Muqdisho kuwada sugan ciidan ka amar qaadanaya Madaxwaynaha oo ay mucaaridku Ku tilmaameen Inay Yihiin Maleeshiyaad Uu Nin dictator Ahi Ku adeeganayo iyo ciidamo ay waataan garabyada mucaaridka oo ay dawladu u aqoonsantahay maleeshiyo beeleedyo.

SOMALILAND.

Marka la eegayo Xeerarka Caalamiga ah somaliland maaha dal la aqoonsanyahay Balse Waxa ka jira system dawladnimo oo u dhigma ama ka wanaagsan kuwa Dawladaha la aqoonsanyahay.
Somaliland Waxay leedahay Madaxwayne kaliya(muuse Biixi) sidoo kale waxay leedahay siyaasad,ciidan iyo dhaqaale Midaysan.
Somaliland Waxa ka dhaca doorashooyin Madaxtinimo oo Ay shacabku Si nabada Kusoo doortaan Madaxwaynaha ay Rabaan inuu hogaamiyo 5ta sano ee soo socota.
Ilaalada Musaharixiinta Amaankooda iyo kharashaadka Xisbiyada Kaga baxa ololayaashooda Waxa ka masuula dawlada mana jiro Musharrax haysta Maleeshiyaad hubaysan.
Doorashooyinka somaliland waxa maamula komishanka doorashooyinka qaranka oo Kala Saara musharaxiinta.
Maxk**ada Sare ee dalku Waa Meesha udambaysa ee lagu kala baxo.

Maxk**adda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa muddo laba sannadood oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Kornayl Jaamac Dool...
11/04/2021

Maxk**adda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa muddo laba sannadood oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Kornayl Jaamac Doolaal sida ay ii xaqiijisay gabadh uu dhalay oo lagu magacaabo Ubax Jaamac Doolaal.

Maxk**adda ayaa Doolaal, sababta xukunkiisa ku sheegtay in uu xidhiidh la sameeyay qof ku sugan Muqdisho.

ARDAYDA REER SOMALILAND WAA INAY ISU HIILIYAAN!In caruurtii yaryarayd ee Noradin qaar ka mid ahi ay xidhxidhan yihiin oo...
08/04/2021

ARDAYDA REER SOMALILAND WAA INAY ISU HIILIYAAN!

In caruurtii yaryarayd ee Noradin qaar ka mid ahi ay xidhxidhan yihiin oo waliba qaarkood imtixaankii la seejiyey waynu u wada joognaa e, cid dugsigii Wasaaradu tidhi waanu xaqiijinay:

1. Inuu uu si gef ah ardayda ugu khasbo inay buugta kaligii ka iibsadaan
2. Inuu ardayda ku khasbay in nususaacaha khasab kaga iibsadaan dugsiga dhexdiisa
3. Inuu jabiyey habraacii COVID-19 oo uu fasal kasta ku xareeyay tiro ka badan tii loogu talogalay
4. Inuu si gef ah u isticmaalay buugtii manhajka oo uu magaciisa ku qortay IWM

Wali ma aragteen ama ma maqasheen cid Noradin talaabo ka qaatay iyo cid ciqaabtay toona? Hadii aanay jirin, tani hal macne ayuun baa ay sheegaysaa: Inta awooda dawlada iyo lacagta isu haysa ayuun baa isu hiilinaysa si ay u duleystaan, una dulmiyaan inta la tun jileecsanayo oo ay ardaydu ku jirto! Bes!

Maxaa la gudboon ardayda reer Somaliland? Waxa la gudbooni waa in ay dhamaantood isu hiiliyaan oo ay dalbadaan in lala xisaabtamo Noradin iyo inta la mid ah! Haa, waa in ay isu hiiliyaan. Waa in ay dalbadaan in ardaydaa xidhani ay cadaalad helaan.

13/03/2021

Waraysiyo Aan Waxba laysu reeban

10/03/2021

Muuqaal sir ah oo aad u baahan tahay ? Maxaadan ka ogayn kiiska badda ?

Address

Hargesa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdinasir ismail posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdinasir ismail:

Share