22/06/2025
Xaalka bariga dhexe ayaa galay marxaladdii ugu xumayd ka dib markii dawlada Maraykanku ay si rasmi ah ugu soo biirtay dagaalka iyada oo duqaysay saddex goobood oo ahaa Xaruumihiii Nuclear-ka ee Iran.
Maraykanka oo adeegsanaya diyaaradda B-2 oo lagu soo rakibay gantaalka GBU-ayaa duqayn la eegatay saddex goobood oo kala ah Isfahaan, Fordow iyo Natanz kuwaas oo ay Washington sheegtay in ay gaadhsiisay khasaare aad u xooggan.
Inkasta oo sida xoguhu tibaaxayaan aanu Maraykanku wada gaadhin hadafkii uu duqaymahan kalaha ahaa, haddana waxa soo baxaysa cabsi xooggan oo ku wajahan jawaabta ka imanaysa dhinaca Iran.
Waddamada Carabta ee bariga dhexe ayaa si gaar ah wadnaha farta ugu haya.
Arrimaha ay ka cabsanayaan waxa ka mid ah;
1:In Iran duqaymo la eegato saldhigyada uu Maraykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka sida Qatar, Imaaraadka iyo Sucuudiga taas oo h**e Iran ugu hanjabatay. Haddii ay taasi dhacdo waxa ay noqon doontaa tallaabi si toos ah u saamaynaysa amniga waddamada Khaliijka.
2: In uu sameeyo shucaaca ka dhalanaya xaruumaha Iran ee duqaymaha lagu sameeyey oo ay la kulmaan dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah.
3: In ay Iran ku dhawaaqdo xidhitaanka gacanka Hormus oo ah marinka ay ka gudbaan 20% wax soo saarka shidaalka ee Caalamka. Waana cabsida ugu xooggan ee haysta waddamada shidaalka soo saara.
Saddexan arrimood oo ah kuwo sida toos ah u taaabanaya waddamada Carabtu waa kuwo abuuray cabsi aad u balaadhaan waxaana la sugayaa go'aanka Iran ee gooraha soo socda.
Gallaydh TV