27/11/2025
Ururka Caawiye waxa uu abaal mariyay xubnihii ugu maaraynta iyo xakamaynta fiicnaa hab la dhaqanka xanuunka macaanka.
Xubnahani waxa ay ka soo baxeen ku dhawaad 400 oo buke, oo Ururku gacanta ku hayo kuwaa oo uu ururka caawiye ka taageero dhanka dawo qaadashada (dawo siin qofkii aan awoodayn inuu iibsada dawada, habka isticmaalkeeda iyo ku kormeerkeeda) iyo talo(tilmaan caafimaad iyo taageero wacyigalineed.
Xubnaha Ururka caawiye waa diranayaal u taagan taageerada iyo tilmaanta dadka xanuunka macaanku saameeyay.