25/10/2025
Gantaalka Dark Eagle waa mid ka mid ah mashaariicda ugu casrisan ee Maraykanku tijaabinayo, waa jiilka cusub ee gantaalaha hypersonic-ka, kuwaas oo si aad ah u beddelay aragtida dagaalka casriga ah. Magaciisa rasmiga ah waa “Long-Range Hypersonic Weapon” (LRHW), waxaana soo saaray Ciidanka Dhulka ee Mareykanka, iyagoo la kaashanaya shirkadaha waaweyn ee warshadaha difaaca, sida Lockheed Martin iyo Dynetics. Ujeeddada gantaal kaan cusub waa in uu awood u yeesho weerarro aad u fog waliba isagoo dhul ka laga tuurayo, kana gudbaya difaacyada cadowga iyadoo aan la dareemin waqtiga weerarka.
Magaca “Dark Eagle” waxaa la siiyay gantaalkan bishii Abriil 2025 kadib markii la dhamaystiray tijaabadii ugu weynayd ee lagu xaqiijiyay awooddiisa duulimaad. Erayga “Dark” waxaa loogu tilmaamay awooddiisa qarsoon iyo sida uu u jebin karo nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah, halka “Eagle” uu muujinayo xawaaraha iyo awoodda uu ku leexan karo sidii gorgor cirka ku jira. Waxaa loo arkaa calaamad muujinaysa soo laabashada awoodda farsamo ee Mareykanka, iyadoo la doonayo in la helo gantaal ka jawaabi kara horumarka ay sameeyeen Ruushka iyo Shiinaha ee dhanka hubka hypersonic-ka.
Gantaal ka Dark Eagle wuxuu ka kooban yahay labo qaybood oo waaweyn: qaybta gantaalka riixda (booster) iyo qaybta madaxa duusha ee loo yaqaan “Common Hypersonic Glide Body” ama C-HGB. Marka gantaalka la tuuro, boosters-ku waxay geliyaan hawada sare iyo ku riixaya xawaare aad u sarreeya, kadibna waxay sii daayaan Glide Body-ga oo si madax-bannaan u sii duula isagoo isticmaalaya awoodda cuf-is-jiidad ka. Qaybtan duulaysa waxay leedahay awood ay ku leexan karto ama ku beddeli karto jihada duulimaadka, taas oo ka dhigaysa mid aad u adag in la ogaado ama la toogto, xitaa iyadoo la adeegsanayo nidaamyada difaaca ee ugu awoodda badan.
Gantaalka Dark Eagle waxaa la tijaabiyay marxalado kala duwan tan iyo sanadkii 2020. Tijaabooyinka ugu horreeya waxay ahaayeen kuwo dhulka lagu sameeyay si loo cabbiro awoodda mishiinnada adag ee ku jira. Tijaabadii ugu horreysay ee dhamaystiran oo gantaalka oo dhan la tuuray ayaa la sameeyay dabayaaqadii 2024, halka natiijadii tijaabadaasi ay keentay in loo aqoonsado mid guul ah oo muujisay in gantaal ku si buuxda u shaqeyn karo. Qorshaha ciidanka Mareykanku wuxuu ahaa in la hawlgeliyo qaybtii ugu horreysay ee Dark Eagle sanadkii 2023, balse cilado farsamo iyo arrimo la xiriiray isku xirka qalabka ayaa keenay dib u dhac. Hadda, sanadkan 2025, gantaal kaan waxaa loo arkaa in si dhammaystiran loo hawl gelin karo.
Xawaaraha gantaalkan ayaa ah mid ka mid ah sifooyinkiisa ugu cajiibsan. Inkastoo xogta rasmiga ah aysan si cad u shaacin xawaaraha saxda ah, warbixino dhowr ah ayaa sheegaya inuu dhaafayo Mach 5 — taas oo la micno ah in uu shan jeer ka dhaqsiyo badan yahay codka. Warbixino kale ayaa xitaa tilmaamaya in marka uu gaaro duulimaadka ugu sarreeya, xawaaruhu uu taaban karo heer Mach 17, taas oo ah xawaare aad u sarreeya oo ku dhow in uu gaaro meelaha orbit-ka hoose. Xawaaraha sidan ah ayaa siinaya awood uu ku garaaci karo bartilmaameedyo ku sugan 2,700 kiiloomitir meel u jirta dhowr daqiiqo oo keliya, taas oo si buuxda u beddeleysa xisaabta dagaalka caalamiga ah.
Culayska guud ee gantaalkan waa ku dhowaad 7,400 kiiloogaraam, waxaana dhererkiisu lagu qiyaasaa 10 mitir. Madaxiisa duulaya ee C-HGB waa mid isku dhafan oo lagu farsameeyay agab adkaysi u leh kulaylka xad-dhaafka ah ee dhasha marka uu hawada ku socdo xawaare hypersonic ah. Nidaamkiisa hagista wuxuu isku daraa qalab casri ah oo isugu jira GPS, kombiyuutar gudaha ku jira, iyo dareemayaal u oggolaanaya in uu si sax ah u helo bartilmaameedka — inkastoo uu hawada ku socdo isagoo mararka qaar si ula kac ah u beddelaya jihadiisa.
Gantaalka Dark Eagle waxaa loo arkaa mid ka mid ah hubka Maraykanka ee lagu jebinayo nidaamyada difaaca hawada ee waddamada uu arko cadowga cadowga sida Ruushka ama Shiinaha, kuwaas oo leh nidaamyo difaac oo aad u horumarsan sida S-300, S-400, iyo xitaa S-500. Sababta ugu weyn ee ka dhigaysa mid khatar ah waa in nidaamyadaas difaaca aysan heli karin waqti ku filan oo ay kaga falceliyaan xawaarihiisa. Intaa waxaa dheer, duulimaadkiisa hoose iyo beddelka jihada ayaa adkeynaya in lagu ogaado radar-yada caadiga ah.
Marka la eego istaraatiijiyadda caalamiga ah, gantaalka Dark Eagle wuxuu qayb muhiim ah ka noqday qorshaha Mareykanka ee lagu xoojinayo joogitaankiisa milatari ee Asia-Pacific. Sanadkan 2025, warbixino la xaqiijiyay ayaa sheegaya in nidaamkan markii ugu horreysay dibadda loo daabulay, gaar ahaan gudaha Australia, intii lagu guda jiray dhoolatus kii milatari ee Talisman Saber 2025. Tallaabadan waxay calaamad u tahay in Washington doonayso in ay muujiso awooddeeda lagu difaaci karo xulafadeeda gobolka, isla markaana fariin u dirto Shiinaha oo si xawli ah u horumarinaya hubka hypersonic-ka ee DF-27 iyo DF-ZF.
Inkasta oo horumarkiisu uu la yaab ku noqday dunida, haddana weli waxaa jira su’aalo ku saabsan heerka awoodda burburinta ee gantaalkan. Pentagon-ka laftiisa ayaa qirtay in xogta tijaabooyinka dhabta ah ay weli kooban tahay, isla markaana la doonayo tijaabooyin dheeraad ah si loo hubiyo tayadaa ama awoodda uu si dhab ah u leeyahay marka uu gaaro bartilmaameedka. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha sare ee ciidanka waxay sheegeen in tijaabooyinkii h**e ay ahaayeen kuwo guul ah, ayna filayaan in gantaal ku si buuxda u galo adeegga milatari bilaha soo socda.
Dark Eagle wuxuu noqday mid ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee muujinaya tartanka tignoolajiyada ee u dhexeeya quwadaha waaweyn. Horumarkiisu wuxuu Maraykanka siinayaa fursad uu dib ugu helo hoggaankiisii wax soo saar ka hub ka casriga oo halis ugu jirtay inuu ku waayo tartanka hypersonic-ka. Waqtiga la joogo, Ruushka iyo Shiinaha ayaa h**ey u adeegsanayay noocyo la mid ah sida gantaalka Avangard iyo DF-17, laakiin Dark Eagle ayaa la rumeysan yahay inuu leeyahay tayo iyo xakamayn ka sarreeya labadooda.
Ugu dambayntii, gantaalka Dark Eagle wuxuu astaan u yahay wejiga cusub ee dagaalka casriga ah. Waa isku darka awood, xawaare, iyo farsamooyin ku wajahan in la jebiyo xeerarkii h**e ee dagaalka. Inkasta oo uu weli ku jiro marxalad tijaabo iyo hagaajin, haddana khubaradu waxay rumeysan yihiin in marka uu si rasmi ah u shaqo galo, uu noqon doono hub wax ka beddeli doona is-dheellitirka awoodda caalamka, gaar ahaan marka uu ku biiro hub kaMaraykanka ee xambaarsan gantaalaha nuclear Waxaa la dhihi karaa Dark Eagle waa gorgor madow oo ku socda xawaare naxdin leh, kaas oo Maraykanka u siinaya gacansarrayn cusub oo aan h**e loo arag tan iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa.