Ardaa Media

Ardaa Media Ardaa Media Group

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu rajaynayo in dalalka Carbeed ee ay kamid yihiin Jordan...
26/01/2025

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu rajaynayo in dalalka Carbeed ee ay kamid yihiin Jordan iyo Masar ay aqbalaan qaxoonti badan oo reer Qasa ah; taasi oo suuragal ka dhigeysa in dad badan laga saaro aagga colaadda, sida uu hadalka u dhigey.

“Waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaadato dad badan, qiyaastii hal milyan iyo badh oo qof, markaa si fudud ayaan u nadiifin karnaa [Qasa]..Waxaan jeclaan lahaa in [Jordan] ay qaadato dadkale, waayo waxaan hadda eegayaa dhammaan Xerooyinka Qasa, waana musiibo xaaladda ka taagan.” - Ayuu yidhi Trump.

Tallaabooyinkan ayaa si cad uga hor imanaya aqoonsiga dhul iyo dowlad ay yeeshaan dadka reer Falastiin ee Qaza.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu booqashadiisa koowaad ku tegay dalka Sucuudiga ka dib mark...
26/01/2025

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu booqashadiisa koowaad ku tegay dalka Sucuudiga ka dib markii uu dhaxal sugaha dalkaasi ogolaaday lacagtii uu Trump shardiga uga dhigay. Trump ayaa sidaa kaga baaqanaya dalka Ingiriiska oo uu safarkiisa koowaad ku tegi lahaa maaddama oo uu helay waddan la diyaara lacag dhan 600 Bilyan oo Dollar oo maalgashi ah.

"Haddii Donald Trump 2020-kii la dooran lahaa muu qarxeen dagaalka Ukraine" Putin.Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Pu...
25/01/2025

"Haddii Donald Trump 2020-kii la dooran lahaa muu qarxeen dagaalka Ukraine" Putin.

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa hoosta ka xariiqay kala duwanaashiyaha Donald Trump iyo Joe Biden ee dhanka xidhiidhka caalamiga ah.

Putin oo arrimahan ka hadlay xili uu waraysi siinayay telefishanka Ruushka ee Roosiya 1, ayaa sheegay in Ruushku diyaar u yahay wadahadal nabadeed isla markaana uu soo fadhiisan doono miiska wada xaajoodka mar walba. Putin ayaa sidoo kale, sheegay in uusan weligii diidin xidhiidh dhex mara xukuumaddiisa iyo Maraykanka balse Biden uu taas laalay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Mustafe Cabdi Xasan u  Magacaabay Abaandulaha Ciidanka Milatariga Somaliland.Mustafe wuxuu ...
25/01/2025

Madaxweynaha Somaliland ayaa Mustafe Cabdi Xasan u Magacaabay Abaandulaha Ciidanka Milatariga Somaliland.

Mustafe wuxuu ka mid ka ahaa dhalinyaradii 2006dii Tababarka Milatari ugu baxay Itoobiya, waxaanu tan iyo Xilligaasi ka tirsanaa Milatariga Somaliland.

Dawladda Maraykanka ayaa hakisay dhammaanba deeqihii ay siin jirtay dalalka Caalamka marka laga reebo Masar iyo Israa'ii...
25/01/2025

Dawladda Maraykanka ayaa hakisay dhammaanba deeqihii ay siin jirtay dalalka Caalamka marka laga reebo Masar iyo Israa'iil. Taas oo ka dhigan in la joojinayo dhammaanba deeqihii la soo gaadhsiin jirey Qaaradda Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya oo aad ugu tiirsan gargaarka Caalamiga ah.

Waxana jira hindise ay wadaan xubno ka mida Congress Maraykanka oo ku dooday in Masar laga joojiyo kaalmada la siiyo iyada oo lagu eedeeyey in ay ku xadgudubtay heshiiskii ay h**e ula gashay Israa'iil.

22/01/2025

ARDAA Coming soon....

Address

Hargeysa

Telephone

+252634250742

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ardaa Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ardaa Media:

Share