30/03/2024
adiis Qudsi ah ayaa waxa uu odhanayaa
Ibna Aadam uurka hooyadaa ayaan kaa yeelay oo wejigaaga waxa aan ku daboolay indho shareer si aadan uurka uga fogaan oo waxa aan wejigaaga ujeediyey dhabarka hooyadaa si aanay urta cuntadu kuu dhibin waxa aan ka yeelay midigtaada meel aad ku tiirsato bidixdaadana meel aad ku tiirsato
midigtaada waxaa kaa xiggey beerka hooyada bidixdana waxaa kaa xiggey beeryaradeeda hooyadaa waxa aan ku baray in aad istaagto oo fadhiisato uurka hooyadaa ma jiraa mid kale oo aan aniga ahayn oo taa samayn karaa ? markii ay dhamaatay mudadii aad ku jirtey uurka hooyadaa waxa aan uwaxyoodey malaga uurka in uu kusoo saaro waxa uu kugu soo saaray baal kamid ah baalashiisa ma aad lahayn ilig wax kuu gooya ama gacan aad wax ku dhufato ama addin aad ku ordo midna
kadib waxa aanu kuu soo diray laba xidid oo dhuudhuuban oo naasaha hooyadaa ku jira oo ay la socdaan caano saafi ah oo kulayl ah xiliga jiilaalka oo qabow ah xiliga xagaaga waxa aanu Jacayl kuu geliney qalbiga waalidkaa ma dhergaan ilaa aad dheregto ma seexdaan ilaa aad seexato marka dhabarkaagu xoog yeesho ee aad waynaato ee aad keligaa tahay dembiyo ayaad igu abaal gudaa igama aad xishoon taas oo jirta haddana haddii aad ii yeedho waan kuu jawaabaa haddii aad iwaydisato waan ku siiyaa haddii aad ii toobad keento waan kaa aqbalaa waxa uu yidhi Rasuulku "scw" iga weriya aayadna ha noqotee
waa mid ka mid ah waxyaalihii ugu quruxda badnaa ee aan akhriyay cajaa'ib badanidee Ibna Aadam marka aad dhalato waxa lagugu addimaa eedaan aan salaad lahayn marka aad dhimatana waxa lagugu tukadaa salaad aan eeddaan lahayn marka aad dhalato ma ogid cidda kaa soo saartay caloosha hooyadaa marka aad dhimatana ma ogid cidda kugu qaaday garbaha
marka aad dhalato waa lagu nadiifiyaa oo waa laguu maydhaa marka aad dhimato waa lagu nadiifiyaa oo waa laguu maydhaa marka aad dhalato waxaa kugu farxa waalidkaa iyo sokeeyahaa marka aad dhimato waxaa kuu ooya waalidkaa iyo sokeeyahaa Ibna Aadam waxaa lagaa Abuuray ciid waxaa xumaan ka nasahan ka kaa yeeli doona in aad ciida gasho geeri kadib markii aad ku jirtey uurka hooyadaa waxa aad ku sugnayd meel cidhiidhi ah oo mugdi ah marka aad dhimatana waxa aad ku sugnaan doontaa meel cidhiidhi ah oo mugdi ah markii aad dhalatay waxaa lagug duubay marro si ay kuu asturto marka aad dhimatana waxaa lagug duubaya marro si ay kuu asturto markii aad dhalatay oo aad weynaatay dadku waxa ay ku waydiiyeen waayo aragaaga shaqo "khibrada aad leedahay" marka aad dhimatana keliya waxaa lagu waydiinayaa camalkaaga wanaagsan maxaad diyaarisay ?!
~Abdulla Farah. See less