05/05/2022
Waxaan u haystay in hooyadda soomaaliyeed saaxadda dacwada iyo tacliimta aysan sidaa uga muuqan....
LAAKIIN waxaan soo xaqiiqsaday inay jiraan hooyooyin 30meeyo sannadood kusoo dhax jiray dacwada, culuumta heer ka garay laakiin qarsoon....
Waxaan soo arkay hooyooyin caalimaad ah oo todobaatameeyadii MAJMUUCA imaamu nawawi meersan jiray oo akhrisan jiray......
Waxaan soo arkay hooyooyin dhagax bilow u ahaa bilowgii saxwada islaamiga ah ee soomaalida.....
Waxaan soo arkay hooyooyin master iyo PHD ka haysta cilmu nafsiga iyo diraasaadka islaamiga ah....
Waxaan soo arkay hooyooyin hirgaliyay madaaris iyo goobo waxbarasho oo qaarkood ay 10 neeyo sanno jiraan, haddana faracyo sii yeelanaya....
Waxaan soo arkay hooyooyin ay murug ku hayso dacwada iyo waxbarashada gabdhaha soomaaliyeed ayagoo da' ah runtii....
Waan jeclaa oo waan jeclaa inaan buug iyo qalin, makaroofan iyo kamiradba la daba fariisto oo aan ka reebanno dhaxalka aqooneed, iyo khibradda 40ka sanno dhaaftay oo ay leeyihiin laakiin iima suurtagalin, allah ayaanse ka rajaynayaa inuu markale ii rumeeyo riyadaa...
Waxaan soo arkay hooyooyin qudwo ama ku dayasho fiican u noqon kara gabadha soomaaliyeed ee mustaqbalka rabta inay dhaxal waara ka tagto oo ummadaan ay wax tarto.....
Qoraal kuma soo koobi karo tilmaan bixintooda se intaas ayaan jecleystay inaan ka kaydiyo xasuusahayga....
Mahadsanidiin walaalayaal...
Mahadsanidiin Gabdhaha Ixsaan منظمة الإحسان قسم النساء ... oo sabab u ahaa inaan la kulmo hooyooyinkaa qiimaha badan....
أولئك أمهاتي ❤....
Xigasho: Dr Zahra mahamed