03/06/2026
Jawaab Ku Socota Eedaha Loo Jeediyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga, Prof. Sharmaake Cabdi Muuse.
Maalmahan waxaa baraha lagu arkayey eedo loo jeediyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland, Prof. Sharmaake Cabdi Muuse, kuwaas oo la xidhiidha inuu wax u qaban waayey dhalinyarada deegaankiisa iyo jufadiisa. Hase yeeshee, doodaasi waxay u baahan tahay in lagu saleeyo xaqiiqooyinka sharci iyo masuuliyadeed ee xilka uu hayo.
Marka h**e, wasiir ku-xigeenku waa masuul Qaran oo ka tirsan xukuumada, xilkiisuna kuma salaysna matalaada qabiil, jufo ama koox gaar ah. Masuuliyada ugu weyn ee saaran waa gudashada waajibaadka Qaranka ee loo igmaday iyo ka qayb qaadashada hirgelinta siyaasadaha iyo qorshayaasha wasaarada uu ka tirsan yahay.
Sidaa darteed, ma jirto masuuliyad sharci ama dastuuri ah oo si gaar ah uga saaran wasiir ku-xigeenka inuu shaqooyin, dhaqaale ama adeegyo gaar ah siiyo dhalinyarada jufadiisa hoose ama beeshiisa. Haddii masuuliyiinta Qaranka lagu qiimeeyo inta ay beeshooda u qabtaan, halkii lagu qiimayn lahaa adeega ay u hayaan shacabka oo dhan, waxa dhaawacmaya mabda’a dawladnimada, sinaanta muwaadiniinta iyo maamulka suuban.
Dhanka kale, baahiyaha ka jira deegaanada kala duwan ee dalka ma aha kuwo uu masuul keli ahi xallin karo. Waxay ku xidhan yihiin qorshayaal Qaran, miisaaniyad dawladeed iyo wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee Qaranka. Sidaas awgeed, in dhammaan culayska lagu soo koobo hal masuul waxay ka fog tahay xaqiiqada maamulka dawliga ah.
Bulshada iyo dhalinyaraduba waxay xaq u leeyihiin inay cabashadooda muujiyaan, laakiin waxa muhiim ah in dhaliishu ku dhisnaato caddayn, qiimayn caddaalad ah iyo faham sax ah oo ku saabsan awoodaha iyo waajibaadka xilka la hayo.
Ugu dambayn, Prof. Sharmaake waa masuul Qaran oo xilkiisu u adeegayo dhammaan shacabka Somaliland, mana jiro waajib sharci ah oo ku khasbaya inuu mudnaan gaar ah siiyo jufo ama beel gaar ah. Waxa lagu qiimayn karaa waxqabad