
08/01/2025
Xeerka Miisaaniyadda Barnaamijyada La Xidhiidha Amniga Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, iyo Somaliland oo ka soo dhex muuqatay.
Kongareeska Mareykanka ayaa faray Xoghayaha Arrimaha Dibadda in uu gudbiyo warbixin rasmi ah 120 maalmood gudahood kadib marka uu dhaqan galo xeerka miisaaniyadda ee la xidhiidha arrimaha amniga qaranka iyo wasaaradda arrimaha dibadda.
Warbixintan ayaa diiradda saaraysa sidii Mareykanka uu u horumarin lahaa xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland, iyadoo laga eegaayo afar dhinac oo muhiim ah:
• Amniga (Security)
• Diblumaasiyadda (Diplomacy)
• Ganacsiga (Trade)
• Horumarinta (Development)
Maxay tani muujinaysa,dhinaca siyaasada.
1. Tallaabo siyaasadeed muhiim ah oo Somaliland waxaa si cad loogu daray xeer miisaaniyadeed federaal ah, arrin muujinaysa in laga fiirsaday muhiimaddeeda siyaasadeed.
2.Kalsoonida gobolka, tani waxay Somaliland ka dhigaysaa meel la isku halleyn karo marka laga eego danaha istaraatiijiyadeed ee reer Galbeedka, gaar ahaan Geeska Afrika.
3. Gogol-xaadh u ah mustaqbal siyaasadeed, Warbixintani waxay noqon doontaa saldhig rasmi ah oo Congress-ku ka ambaqaadi karo marka uu diyaarinayo hindisayaal cusub oo la xiriira xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka.