Radio Hargaysa

Radio Hargaysa Radio Hargeisa was established in 1942. This is the official page of Radio Hargeisa.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐ข๐› ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ง๐จ๐๐š๐ฒ.Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo safar di...
20/12/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐ข๐› ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ง๐จ๐๐š๐ฒ.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo safar dibadeed ku maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo noqda.
Madaxweyne-ku-xigeenka waxa Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada JSL,
Agaasimayaal Guud, Guddoomiyeyaasha Gobollada Maroodijeex iyo Togdheer.
Ugu horayn, waxa halkaasi hadal kooban oo soo dhawayn ah ka jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Mudane Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiye ku'xigeenka 2-aad ee ee Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn uga mahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Allah SWT ka baryey in uu inaga soo jabiyo Abaaraha adag ee ka jira Gobollada Dalka oo dhan.

20/12/2025

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa Soo Saartey Awaamiir Xoogan oo ku Saabsan Nidaamka Waddo-marista dalka.

 : Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdirashiid Magaal...
20/12/2025

: Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdirashiid Magaalo, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sanaag iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag, ayaa gaadhay degmada Maydh.

Ujeeddada safarkan ayaa ahayd u kuurgalidda xaaladda guud ee degmada Maydh.

20/12/2025

Wararka iadaacada ee Radio Hargaysa.

๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐ž๐ž ๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐‰๐ฌ๐ฅ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐1.Fadhigii 46-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda ...
20/12/2025

๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐ž๐ž ๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐‰๐ฌ๐ฅ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

1.Fadhigii 46-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada kaas oo lagaga hadlay qodobo muhiim u ah qarnimada iyo jiritaanka Somaliland.

2.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan diblomaasiyadeed oo muhiim ah kula yeeshay Safiir ku-xigeenka Dawladda Faransiiska u fadhiya Jamhuuriyadda Kenya, Mudane ๐‘๐จ๐ฆ๐š๐ข๐ง ๐‰๐Ž๐‹๐˜ iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Somaliland.

3.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Dhakhtarka Guud ee Hargeysa ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boorama.

4.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si rasmi ah u Daah-furay Bandhigga Carwada Macdanaha Somaliland (SOMALILAND MINERALS EXPO 2025) oo lagu qabtay Hoteel Maansoor.

5.Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Muuse Askar Guuleed ahna ku simaha wasiirka wasaarada warfaafinta ayaa si rasmi ah oo xilkii kala wareegay wasiirkii h**e ee wasaaradda ee dhawaan shaqada ka tegay Axmed Yassiin Sheekh Cali Ayaanle.

6.Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay deegaanka taariikhiga ah ee Laasgeel, isaga oo ay wehelinayeen wafti ka socday dalka Faransiiska, kuwaas oo uu hoggaaminayay Safiir-ku-xigeenka Faransiiska u fadhiya dalka Kiiniya, Mudane Romain Joly.

7.Wasiir ku-xigeenka ahna ku-simaha Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Muuse Askar Guuleed oo uu weheliyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cabdisalaan Maxamuud Ducaale, ayaa kulan la xidhiidha dardargelinta shaqada la yeeshay agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee Wasaaraddaas.

8.Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa Magaaladda Hargeysa ka daah-furtey qorshaha shanta sanno ee soo socda.

9.Shirka Wacyi-gelinta Mudnaanaha Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad ayaa lagu qabtay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer

10.Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL iyo Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL ayaa Kala Saxeexday Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Habraaca Maamul-Daadajinta Waxbarashada Aasaasiga ah (2025)

11.Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Marwo Milgo Maxamed Cilmi, ayaa si rasmi ah u soo xidhay Shirweynihii Qaran ee Daryeelka Arrimaha Bulshada.

12.Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa si rasmi ah dalka Itoobiya ugu qaaday bukaano ay dhaawacyo ka soo gaadheen mudaharaadkii ka dhacay magaalada Boorama.

13.Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka Jsl Md.Maxamed Yuusuf Cali ayaa kulan la qaatay madaxa siyaasada u qaabilsan geeska Africa safaarada France ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Joly Romain

14.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tagay deegaanada Xagal iyo Laasciidle ee Gobolka Saaxil, ayaa u kuurgalay xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka iyo nolosha bulshada halkaasi ku dhaqan.

๐–๐š๐ฑ๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ฅ๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ฐ๐š๐ค๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐’๐Ž๐‹๐๐€

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaam...
19/12/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay deegaanada Xagal iyo Laasciidle ee Gobolka Saaxil, si ay ugu kuurgalaan xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka.

Safarka Agaasimaha Guud waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Talaallada iyo Caafimaadka Carruurta, Madaxa Qaybta Nafaqada ee Wasaaradda, Xidhiidhiyaha Gobollada, iyo Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Saaxil.

Waftigu waxa ay ugu horrayn gaadheen Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee Xagal, halkaas oo ay kulamo midho-dhal ah kula yeesheen maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka, iyaga oo ka dhagaystay warbixino la xidhiidha adeegyada caafimaad ee ka jira deegaanka.

Intaas kadib, waftigu waxa ay u gudbeen deegaanka Laasciidle, halkaas oo ay kormeer ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee Laasciidle, isla markaana ay kulamo kala duwan la yeesheen maamulka caafimaadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxa kale oo ay ka dhagaysteen warbixino dhamaystiran oo ku saabsan xaaladda guud ee caafimaadka deegaanka.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa ku wareejiyay maamulka caafimaadka ee deegaanka Laasciidle agab caafimaad oo isugu jira dawooyin iyo qalab caafimaad, kuwaas oo wax weyn ka tari doona kor u qaadista adeegyada caafimaad ee bulshada deegaanka.

19/12/2025

Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Badhsaab Gobolka Iyo Ag Guud Ee W Ciyaaraha Ayaa Ka Qayb Galay Xidhitaanka Tartanka Horyaalka Gobolka Gabiley.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa ka digay faafinta xog...
19/12/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa ka digay faafinta xog khaldan oo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aan la hubin isha warkaasi ka soo baxay, kuwaasi oo ku saabsan xogta la xidhiidha xafiiska Mareykanku ka furanaayo Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyay Wargeyska Dawan, wuxuu ku caddeeyey in arrinta ku saabsan furitaanka xafiis diblomaasiyadeed ee Maraykanku ka furanayo Somaliland iyo in digniinta safarka laga qaado Somaliland oo kaliyi ay ku jiraan Hindise-Sharciyeedka Oggolaanshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, kaas oo ay ansixiyeen Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada (House Foreign Affairs Committee). Wuxuu intaa ku daray in hindise-sharciyeedkani aanu weli marin Golaha Wakiillada oo dhan ama Golaha Senate-ka Maraykanka.

Agaasimaha Guud wuxuu intaa ku daray in Hindise-Sharciyeedka Miisaaniyadda Difaaca Qaranka Maraykanka ee sannadka 2026 (FY2026 NDAA) aanay haba yaraatee wax qodoba ahi ugu jirin Somaliland, taas oo meesha ka saaraysa wararka iyo xogaha khaldan ee arrintaasi laga faafinayo.

Isagoo arrintaas ka duulaya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu warbaahinta qaranka iyo hayโ€™adaha kale ku boorriyay inay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin, gaar ahaan kuwa ku faafaya baraha bulshada, isla markaana ay ku dadaalaan hubinta saxnaanta xog kasta.

Qoraalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Md. Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, waxa uu si cad u muujiyay in faham qaldan iyo xog aan la hubin ay dhaawici karto sumcadda hayโ€™adaha qaranka, isla markaana ay lama huraan tahay in wararka la xidhiidha arrimaha dibadda lagu saleeyo xaqiiqo sharciyeed iyo xog rasmi ah oo la hubo.

19/12/2025

Layla Ibraahim Cumar ayaa agabka dhaxanta gaadhsiisay dadka qaba xannuunka maanka ee lagu daweeyo Cisbitaalka Dabiib ee Magaalada Hargaysa.

Warbixin ay soo saartay Hay'adda maalgashiga caalamiga ah u qaabilsan UK, ayaa casriyeynta dekedda Berbera ku tilmaantay...
19/12/2025

Warbixin ay soo saartay Hay'adda maalgashiga caalamiga ah u qaabilsan UK, ayaa casriyeynta dekedda Berbera ku tilmaantay mashruuc istiraatiji ah oo leh saamayn dhaqaale oo ballaadhan.

Hay'adda maalgashiga caalamiga ah ee Ingiriisku waxa ay xustay inkastoo aanu weli dhammaystirmin casriysynta dekedda Berbera ee ay wado shirkadda DP World, hase ahaatee ballaadhinta marsadu ay tusaale u tahay sida maalgelinta dekedaha ee suuqyada soo korayaa ay u furi karaan fursado ganacsi, una yarayn karaan kharashaadka gaadiidka, kuwaasi dardargelinaya kobaca dhaqaalaha.

Warbixinta Hay'adda maalgashiga caalamiga ah ee UK oo ay soo xigatsy Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashi lala yeesho hawl-wadeennada caalamiga ah ee khibradda leh, iyo isku-xidhka dekedda iyo mashaariic kale oo uu ka mid yahay Aagga Dhaqaalaha Berbera (Berbera Economic Zone).

Gebogebadii, warbixintu waxay iftiimisay in faaโ€™iidooyinka dhabta ah ee Dekedda Berbera ay ka badan yihiin inta la cabbiray, isla markaana ay dekeddu leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ka baxsan adeegga dekedda, iyadoo noqon doonta tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo horumarka dhaqaale ee Somaliland iyo guud ahaan mandaqada gobolka oo dhan.

19/12/2025

Isuduwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa habeenimadii xalay booqasho ku tagay kawaanka Xoolaha ee magaalada Berbera.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, oo uu weheliyo Wasiirka ...
19/12/2025

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Badhasaabka cusub ee Gobolka Awdal, ayaa si wadajir ah booqasho shaqo ugu tagay Cusbitaalka Guud ee Borama, halkaas oo ay ku booqdeen bukaanadii dhaawacyadu ka soo gaadheen mudaharaadkii dhawaan ka dhacay magaalada Borama.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si gaar ah mid mid ugu dul istaagay bukaanada, isaga oo masuuliyiinta caafimaadka ka dhagaystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladdooda caafimaad ee hadda, nooca daaweynta la siiyay, iyo heerka daryeelka caafimaad ee ay bukaanadu heleen.

Intaa kadib, Wasiirka ayaa Cusbitaalka Guud ee Borama ku wareejiyay deeq ka kooban dawooyin iyo agab caafimaad oo kala duwan, kuwaas oo qayb ka noqon doona dadaallada lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaad iyo kor u qaadidda xaaladda caafimaad ee bulshada gobolka.

Booqashadan ayaa muujinaysa sida ay Xukuumadda Somaliland uga goโ€™an tahay daryeelka bukaannada, xoojinta adeegyada caafimaadka, iyo garab istaagga muwaadiniinta ku waxyeelloobay dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay gobolka.

Address

Idaacada
Hargeysa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Hargaysa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share