
28/08/2025
Jowhar Dowlad maka jirtaa ? ( Qeybta 1-aad)
Maalin maalmaha kamid ah waxaan soo istaagnay bar koontarool oo lagasoo galo Magaalada Jowhar inagoo ka imaanay magaalada banaankeeda,waxaa meel daash ah kasoo baxay wiil macawuus wato tusbaxna qoorta ugu jiro xabad sigaar dheerna u shidanyahay wuxuuna war nooga bilaabay magaalada inaad gashaan miyaad rabtaan? Haa ayaan ku dhahay, wuxuu durba lasoo booday xiriir sameysta,waxaan ku dhahay shaqaale dowladeed ayaan ahay ID card ayaan wataa wuxuu iigu jawaabay waxna ma aqriyo waxna ma qora.
Dhib malahan Maxaa talo ah ? ayaan ku dhahay wuxuuna iigu jawaabay Cabdirashiid waco (waa Taliyaha Madaxtooyada waxa ayna ilmo adeer laxmi ah yihiin Madaxweyne Cali ) waxaan ku dhahay isma garaneyna telkiisana mahaayo,markale ayuu igu dhahay Muxudiin Eebow Waco isaguna waxa ay qaraabo dhaw yihiin Madaxweynaha balse waa nin fiican ixtiraamna yaqaan markaas ayaan ku dhahay isma garaneyno wuxuu igu dhahay hebel wac, waa qofkii sedaxaad ee uu wac igu dhaho,waana isla qaraabada dhaw ee Madaxweynaha meesha aan taganahayna xusuuso ma ahan albaabka Madaxtooyada waa goob lagasoo galo magaalada dhan.
Markale ayaan ku dhahay magaranayo inaan wacana marabo ee qofkale sheeg, wuxuu igu dhahay hebal waco markaan waan qoslay waa qofkii 4-aad ee uu ii sheego islamarkaana qaraabo dhaw la ah Madaxweynaha ana k**a daalin si aan arinkaan ugu salgaaro ayaan waxaa dhahay qofkale sheeg wuxuu iisheegay qofkii 5-aad ee ay qasab tahay inaan waco si magaalada Jowhar aan u galo isaguna waa qaraabada dhaw ee Madaxweynaha.
Yaab iyo amakaag ayaa igasoo haray sababtoo ah waa markii igu h**eysay ee dhacdadan aan la kulmaayo inkastoo dib la'iiga sheegay in mar walbo ay dhacdo, markan anigoo yaaban marna iska qoslaya ayaan wiilkii i hortaagnaa si kaftan ah ku dhahay kawaran hadaan Cali Guudlaawe wacdo, wuxuu lasoo booday kaba sii fiican wuuna yara qoslay anigana wax walbo ayaa ii cadaadeen gaarigana waan kasoo dagay, dhanka iyo daashka ayaan isku raacnay wiilka askariga ahaa intayar ee aan sii socanay ayaan laba hadal oo kulul ku dhuftay markaas ayuu igu dhahay saaxib xumaan ha ii fahmin halkan waa la iikeenay inta aan ku dhahayna waa amar la'iisiiyay.
Daashki ayaan tagnay anigoo lahadlin ayaan ID Card aan watay u taagay mid kamid ah wiilashii cali qaraabada la'aha islamarkaana aan isbar garaneyno, wuu iga qabtay isagoo aqrin ayuu labada dhinac u gadiyay wuuna iisoo taagay isagoo idhahaya xiir sameey markaas ayaan ku dhahay intaadan i dhihin xiriir sameey aan kuu sharxo qofka aan ahay iyi ID cardka aan wato, intaanan u sharxin ayaa lasoo baday waxba ha ii sharixin cidaad doonto ahow ee hebal,hebal ama habel waco waa sadax qof oo kamid ah 5-tii qof ee horay la iigu sheegay marka aan gaariga saarnaa islamarkaana qaraabada la ahaa Cali Guudlaawe.
ID Cardka ayaan kasoo qabsaday waxaan ku dhahay anigoo xanaaqsan ilma adeeradaa ayaad ii tirisay ee aaway dadkii kale ee xilalka ka hayay magaalada oo ay ugu h**eeyaan Taliyaha Booliska Degmada iyo Taliyaha Nabad Sugida Degmada marka aad aniga Madaxtooda iyo qaraabadaada ila aadeysid isagana inta uu xanaaqay ayuu igu dhahay kuwaas meesha ay ka taliyaan tag dadkana k**a aqaan aniga Madaxtooyada ayaan hoostagaa, halkaas buuq iyo hadala aan wanaagsaneen ayaa ka dhashay oo intooda badan loogu gafayay dad Madax ah arinkan halkan kagama hadlaayo laakin dhowr marqaati ayaan u hayaa.
Maanta waa iska hordhaca waxaan dhawaan baahin doonaa qeybo kale sida.
1- Wasiirkii lagu hor garaacay Madaxtooyada ee aan goob jooga u ahaa habeenkii lagaaraacayay iyadoo uu garaacay wiil uu adeer u yahay Cali.
2- Wasiirkii isagoo ee A ah, ayaa Heblaayo (Ra'isulwasaaraha Hirshabelle) ay madaxtooyada kasoo saartay weliba iyadoo banaanka kusoo tuurtay dharkiisa ( hadaad fahmi weyso qof reer Jowhar weydii).
3-Wasiirka anagoo wada socona Checkpoint-ga Sheekh Xanafi lagu bahdilay ee aan anigu udooday, isagoo wasiir ee A ah ayaa lagu yiri Hebal,habel ama hebal Waco marka saas la leeyahay Gabdho Bajaajyo saran ayaa askarta salaamaya oo iska gudbayo (qaraabada Madaxweynaha).
Intaan iyo inkale oo la weydiin karo dadkii ay ku dhaceen ayaa noo balan ah, ee su’aallahan Cali halasoo weydiiyo sidaan miyuu dowlad ku yahay ? Ma garan waayay in ciidan isku dhaf ah oo dadka deegaanka ka gooban lageeyo Koontaralooda Magaalada ? aaway Booliiskii Hirshabelle ?
Dulqaad aan muujino walaalayaal.