Taliska Ururka 8'aad Guutada 18'aad Ee Kom Gor gor

Taliska Ururka 8'aad  Guutada 18'aad Ee Kom Gor gor Pageka Saxda ah Ee Taliska Ururka 8'aad Guutada 18'aad Ee Kom Gor gor

03/11/2025

Werar Baan wadeenaa
Gorgor 🦅🇸🇴✅️

23/10/2025

Dharartii Waan soo Conenaa
Gorgor 🦅🇸🇴✅️

20/10/2025

Abaandulaha Ururka 87'aad Guutada 77 XDS L/X/le Zakariye Xasan Ayaa Goob Fagaaro ah kula Hadlay Cutubyo Katisan Ururka 87'aad

19/10/2025

Innagoo wadaroow Dal Waaxid ah 🇸🇴
Gorgor 🦅🇸🇴✅️

18/10/2025

S/Gaas Odawa'' Ayagoo Godadkaan Heesta oo waxaan aad aragteen Qoday waqti ku bixiye ayee hadane nagu sugi waayeen weyna ka carareen''

Taliyaha ayaa geesiyaasha kula hadlay degmada Aw-Dheegle oo dhawaan cadawga laga saaray.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta safar shaqo ku tegay degmada A...
18/10/2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta safar shaqo ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Markii uu gaaray degmada Awdheegle waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaas ku sugan.

Safarka uu ku tegay Taliyaha Ciidanka XDS degmada Awdheegle ayaa daba socda guusha laga gaaray howlgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen deegaano muhiim ah oo hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa warbixin buuxda ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka, wuxuuna ku bogaadiyay ciidamada guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada argagixisada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii labanlaabaan howlgalada socda.

Kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor ayaa maanta howlgal nadiifin ah ka sameeyay agagaarka deegaannada Maracade, Garas Ga...
18/10/2025

Kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor ayaa maanta howlgal nadiifin ah ka sameeyay agagaarka deegaannada Maracade, Garas Gawaan iyo Galka Saalimow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka, ayaa ciidamadu inta uu socday sameeyeen baaritaanno amni oo lagu hubinayay gaadiidka, guryaha iyo dad la tuhunsanaa, si loo xaqiijiyo in deegaanka laga saaro wax kasta oo khatar ku ah shacabka.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la ciribtiro kooxaha nabadda carqaladeynaya ee ku dhuumaalaysanaya deegaannadaasi, isla markaana la sugo amniga waddooyinka ay isticmaalaan shacabka.

Ciidamada Gorgor ayaa sii wadi doona howlgallada nadiifinta ah ee ka socda qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, si loo xaqiijiyo in deegaanka uu ka dhaco amni iyo xasillooni waarta.

17/10/2025

Gorgor 🦅🇸🇴✅️ Xoga dalka 🇸🇴⚔️

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan oo guul leh ka f...
16/10/2025

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan oo guul leh ka fuliyey deegaannada Bacadka Faarax Aadan iyo Ceel-deegaan, kuwaas oo ku yaalla galbeedka magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan oo si hufan loo qorsheeyay, ayaa lagu burburiyey baro ay maleeshiyaadka Khawaarijtu ku dhibaateynayeen shacabka deegaanka, iyadoo ciidanku ay muujiyeen geesinimo, feejignaan iyo xirfad sare.

Taliye ku xigeenka ururka 6-aad ee Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Laba Xiddigle Salaad, ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay ahayd in gebi ahaanba meesha laga saaro goobihii ay cadowgu gabaad ka dhiganayeen, ayna dib ugu soo celiyaan amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Ciidamada Gorgor ayaa ku guuleystay inay burburiyaan xarumo muhiim ah oo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, taas oo qeyb ka ah howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha nabadda diidka ah.

13/10/2025

"Caqiligiina yeena galin Colaad laku hishiiiwaaye" Daljir katirsan Ururka 8'aad Guutada 18'aad Ee Kom Gor gor

13/10/2025

L/X/le Abshir Shaafici Ibraahim Taliyaha Ururka 221'aad ee Guutada 22'aad Police Milataro ayaa shacabka ku bogaadiyay La shaqeynta Iyaga Iyo Ciidanka

Address

Dab Iyo Dhagax
Hiran
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Ururka 8'aad Guutada 18'aad Ee Kom Gor gor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share