Ogaal News

Ogaal News Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ogaal News, TV Channel, Km5 Street, Hodan.

Muqdisho, Axad, Oktoobar, 19 , 2025; Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa baaris uu sameeyay waxa uu ku ogaada...
19/10/2025

Muqdisho, Axad, Oktoobar, 19 , 2025;

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa baaris uu sameeyay waxa uu ku ogaaday Eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan oo baxsad ahaa uu ku suganyahay wadanka Ruwanda, kaas oo ku eedaysan Kufsi, Duubis iyo Baahin Muuqaalo Anshax xumo oo ku sameeyay Gabdha Soomaaliyeed kana gaystay Magaalada Qardho.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa ku guulaystay in eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud lagasoo dajiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade shalay galab oo taariikhdu ahay 18/10/2025, waxaana eedaysanaha lagu wareejiyay laguna xiray xabsiga Qaybta Baarista Dambiyada Booliiska ee CID.

Eedaysanaha ayaa sida ugu dhakhsaha badan loo gudbin doona Maxk**adda Awooda uleh, si uu uwajaho cadaaladda.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxa uu u mahadcelinayaa Hay'adaha Dowladda Ruwanda iyo Booliiska Soomaaliya gaar ahaa qaybta Interpol oo qayb lixaadleh ka qaadatay in eedaysanaha lasoo galiyo gacanta hay'adaha Dowladda Soomaaliya.

Ugudamayn Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaa ka go'an la dagaalan dambiyada Tacadiga Jinsiga iyo ilaalinta sharafta iyo sumcada Dumarka Soomaaliyeed.

Safiirkii dawladda Koonfur Afrika u fadhiyey dalka Faransiiska aya maydkiisa laga helay bannaanka Hotel uu degganaa oo k...
30/09/2025

Safiirkii dawladda Koonfur Afrika u fadhiyey dalka Faransiiska aya maydkiisa laga helay bannaanka Hotel uu degganaa oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhintay Danjire Emmanuel Nkosinathi Mthethwa, waxaana jira xog sheegaysa in uu ka soo dhacay dabaqa 22 halka qaar kalena ay tilmaamayaan in laga soo tuuray bartii uu degganaa.

Xaaskiisa oo uu diray farriin muujinaysa dareen cabsiyeed ayaa Booliska ku war gelisay in warkiisa la raadiyo iyada oo ugu dambayn la helay maydkiisa.

Ninkan oo da'diisu 58 jir ahayd, waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii reer Koonfur Afrika ee sida weyn uga dagaallantay midab takoorkii dalkaas ka jirey isaga oo markii dambena noqday mudane Baarlamaan.

29/09/2025

TOOS: Furitaanka Kalfadhiga 7aad Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

13/09/2025

Cabdirashiid Janan oo amar culus dul dhigay ciidamada ku sugan Baladxaawo,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sa...
13/09/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo loo dhisay qaab casri ah, si loo xoojiyo awoodda difaaca iyo sugidda amniga Qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku tilmaamay xaruntan astaan muujinaysa dadaallada dowladdu ku bixisay dhismaha hay’adaha difaaca, isagoo xusay in tignoolajiyada lagu qalabeeyay ay si weyn u caawin doonto hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed ee Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaalkooda joogtada ah, isagoo tilmaamay in horumar kasta oo la gaaro uu astaan u yahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamadooda.
Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu ku dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha ay Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga Shacbiga ah ay ka soo hooyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidanku jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada.
DHAMMAAD

12/09/2025

Wasiir Fiqi oo war deg deg ah ka soo saaray dagaalkii Ceel dheer

Taliska Ciidanka Haramcad,oo dib-u-dayactir lagu sameeyay ayaa maanta xaraiga laga jaray,Xafladda waxaa ka qayb galay Ta...
11/09/2025

Taliska Ciidanka Haramcad,oo dib-u-dayactir lagu sameeyay ayaa maanta xaraiga laga jaray,

Xafladda waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, saraakiil ka socotay Safaaradda Turkiga, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi iyo Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo is-xilqaanka uu ku hirgeliyay dib-u-dhiska xarunta, isla markaana ku ammaanay doorka uu ka qaadanayo horumarinta iyo tayeynta ciidamada.

Dhanka kale, saraakiisha ka socday Safaaradda Turkiga ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere, iyagoo ku tilmaamay hoggaamiye isbeddel muuqda kusoo kordhiyay Taliska Haramcad, kana dhigay xarun casri ah oo u qalanta ciidamada.

10/09/2025

Askari loo heysto in uu xaaskiisii dilay oo maxk**ada ka soo muuqday,

10/09/2025

Somaliland oo soo saartay Natiijada baaritaanka dhimashada Marxuum xmed Xuseen Caddib oo dhawaan maydkiisa laga helay Hotel ku yaala Hargeysa

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan...
06/09/2025

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee Gobolka Galguduud.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

24/08/2025

"Dalka culeys ayaa ka jira,dowladnimada dhaxdeeda Laan dheere & laan gaab k**a jirto"MW Xasan Sheekh

Address

Km5 Street
Hodan
00000

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 15:15
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252614946777

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ogaal News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ogaal News:

Share

Category