02/06/2022
Wariye Jamaal oo ushaqeeya TV-ga Chanel 4 ee Ingiriiska laga leeyahay barnaamijyada uu beryahaan ka diyaarinayo koonfurra fog ee dalka Soomaaliya waxay noo bidhaamiyeen in siinaariyihii Afgaanistaan oo kale uu dalkaan ka dhici karto!
Halla yaabin haddaad maqasho Xasan Sheekh oo sida Ashraf Gaani ka cararay Xamar oo dal kale dibadjoog ku ah!
Maraykan iyo Reer Galbeed qorshahoodu waa in Itoobiya furin dagaal oo ballaaran looga furaa dhanka bariga si culayska iyo go'doominta looga fududeeyo Tigree!
RG wali k**a quusan in ay talada Adis kusoo celiyaan adeegayaashoodii TPLF ee udhaga nuglaa!
Gulufkaa waxaa laga yaabaa in ay xataa qayb kanoqdaan ONLF oo ku qawadday kuna qadday talada gobolka Soomaalida!
Soo cajiib ma ahan ONLF oo ka barbar dagaalamaysa TPLF!
Socdaalka Xasan Sheekh ee Baydhabo saraakiiaha Itoobiyaanku waxay si cad ugu sheegeen in hadduu isku dayo in ka weecdo siyaasaddii dawladdii h**e aysan udul qaadan doonin! Odayga waxaa haysata laba daran mid dooro iyo hasha labada geel jecel, hadba gees ucarartaa, laba gebi dhexdoodaa, waraabuhu ku gowracaa!
Geeska Afrika dhawaaan waa ololayaa sida Yukrayn oo kale, Shiina iyo Ruush-na waa difaaci doonaan Itoobiya si Reer Galbeed aysan unuugin saliidda dalkaa ceegaagta, marka intayada aan colaaddaa qayb ka noqon doonin aan boorsooyinkeena sii xirxirano oo sii daydayanno meeshaan ku badbaadi lahayn!
Abdulkadir M. Nur