Ururka Dhalinyarada Dagmada Jariiban

Ururka Dhalinyarada Dagmada Jariiban Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka Dhalinyarada Dagmada Jariiban, Social Media Agency, Jariban.

3 Sebtember 2025,Waxaa maanta si qurux badan loogu soo gabagabeeyay garoonka weyn ee kubadda cagta ee degmada Jariiban C...
03/09/2025

3 Sebtember 2025,
Waxaa maanta si qurux badan loogu soo gabagabeeyay garoonka weyn ee kubadda cagta ee degmada Jariiban Cup kii loogu magac daray โ€œShuhadada Calmiskad Cupโ€.

Koobkan oo socday maalmahan ayaa lahaa laba ujeedo oo muhiim ah:

[ ] In loogu duceeyo shuhadadii geeriyootay Calmiskad.

[ ] In lagu dhiirrigeliyo geesiyaasha weli ku sugan jiidda h**e ee buuraha calmiskad.

Xiritaanka koobka waxaa hogaaminayay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Degmada Jariiban, Mudane Mohamed Yaasin Dudde, iyadoo dhalinyaro iyo dadweyne tiro badan ay goob joog ahaayeen.

Koobkani wuxuu astaan u yahay xusuus, midnimo iyo dhiirrigelin, taasoo dhalinyarada Jariiban ku hagi doonta jihada horumar iyo halgan.



Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Degmada Jariiban Mudane, Mohamed Yaasin Dudde.ayaa galabta ka qayb galay daahfurka tart...
14/08/2025

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Degmada Jariiban Mudane, Mohamed Yaasin Dudde.
ayaa galabta ka qayb galay daahfurka tartanka kubadda cagta ee "Shuhadada Calmiskad Cup" oo ka dhacay garoonka weyn ee degmada Jariiban.

Tartankan ayaa loogu talagalay in lagu xusuusto loona duceeyo shuhadadii ku naf waayay Hawlgalka Hilaac ee Calmiskad, oo lagula dagaallamayey argagixisada kusoo duushay dalkeena.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah, oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Mudug, saraakiisha amniga, iyo madax kale oo muhiim ah.

Ilaahay ha u naxariisto shuhadada, dalkeennana ha ku manaysto nabad iyo barwaaqo. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฑ๐Ÿคฒ

๐Ÿ“… Taariikh: 2 August 2025๐Ÿ“ Jariiban DistrictMaanta waxaa si rasmi ah loo daahfuray Cup kubadeed kaasoo loo sameeyey sago...
02/08/2025

๐Ÿ“… Taariikh: 2 August 2025
๐Ÿ“ Jariiban District

Maanta waxaa si rasmi ah loo daahfuray Cup kubadeed kaasoo loo sameeyey sagootinta Dr. Ahmed Hoobal โ€“ Agaasimihii Isbitaalka Guud ee Degmada Jariiban.

Munaasabadda waxaa si sharaf leh u furay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Degmada Jariiban, Mudane:- Mohamed Yaasin Dudde.

Guddoomiyuhu isagoo hadal dhiirigelin leh ka jeediyey madasha, waxa uu Dr. Ahmed Hoobal uga mahadceliyey dadaalkii iyo halgankii uu bulshada u soo qabtay mudadii uu joogay. Sidoo kale, waxa uu codsi u diray Dr. Ahmed Hoobal inuu ka qayb qaato Cup-ka ilaa xiritaankiisa haddii uu heli karo fursad waqtigiisa ah.

โ—Erayada Guddoomiyaha:

โ€œDr. Ahmed Hoobal waxa uu bulshada Jariiban u ahaa tiir caafimaad iyo hormuud adeeg caafimaad oo tayo leh. Cup-kan waa calaamad jacayl iyo qaddarin aan u muujinayno. Waxaan rajaynaynaa inuu nala sii joogo ilaa xidhitaanka si uu uga qayb galo farxadda bulshada.โ€

๐Ÿ‘ Hambalyo & Bogaadin:

Ururka Dhalinyarada Degmada Jariiban waxa uu u mahadcelinayaa dhammaan ka qaybgalayaasha, taageerayaasha iyo bulshada Jariiban oo si buuxda uga qayb qaadanaya Cup ka sagootinta ah ee Dr. Ahmed Hobaal.

1,AUG,2025 | Jariiban.Xalay waxaa degmada Jariiban ka dhacay munaasabad qiimo gaar ah leh oo lagu sagootinayay Dr.  Ahme...
02/08/2025

1,AUG,2025 | Jariiban.
Xalay waxaa degmada Jariiban ka dhacay munaasabad qiimo gaar ah leh oo lagu sagootinayay Dr. Ahmed Hoobal โ€” shaqsi waqti iyo dadaal badan geliyey horumarinta degmada Jariiban, isagoo naftiisa iyo waqtigiisaba ugu hibeeyey adeegga bulshada.

Guddoomiyaha dhalinyarada degmada Jariiban ayaa si sharaf iyo qadarin leh uga qeyb galay xafladda, isaga oo muujiyey taageero iyo mahadnaq joogto ah.
Dr. Ahmed Hoobal wuxuu ahaa qof talo, taageero iyo aqoonba bulshada u soo hibeeya muddadii uu shaqaynayay.

Waxaan u mahadcelineynaa Dr. Ahmed Hoobal dadaalkiisii, goโ€™aankiisii iyo sida uu ugu adeegay bulshada Jariiban. Wuxuu ka tagayaa raad wanaagsan, iyo dhiirigelin ku dayasho mudan oo dhalinyarada iyo bulshada inteeduba ay ku faani doonaan.

๐Ÿ‘ Mahadsanid Dr. Ahmed Hoobal โ€” Jariiban wuu ku xusuusan doonaa!

28/07/2025

๐ŸŒฑ Ururka Dhalinyarada Degmada Jariiban oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee dhalinyarada degmada ayaa maanta qabtay barnaamij dhirayn ah oo lagu hormarinayo bilicda deegaanka isla markaana looga hortagayo bacaadka aafada ah ee ku habsaday degmada iyo deegaanadeeda qaar.

Guddoomiyuhu waxa uu jeediyay baaq guud oo ku socda Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimilada, si ay gacan uga geystaan dadaallada lagu horumarinayo deegaanka.

Sidoo kale, waxa uu guddoomiyuhu baaq gaar ah u diray shacabka ku nool deegaanka โ€” gaar ahaan maamulka deegaanka, ganacsatada, iyo cid kasta oo ku hawlan horumarinta deegaanka โ€” si ay qayb uga qaataan hawlaha muhiimka ah ee lagu hagaajinayo deegaanka.

๐Ÿ’š Deegaankeenu waa hantideena, aynu ka wada shaqeyno badbaadintiisa!

Ururka Dhalinyarada Degmada JariibanSOO DHAWAYN BARNAAMIJKA BARARUG BULSHOAnaga oo ah Ururka Dhalinyarada Degmada Jariib...
08/07/2025

Ururka Dhalinyarada Degmada Jariiban
SOO DHAWAYN BARNAAMIJKA BARARUG BULSHO

Anaga oo ah Ururka Dhalinyarada Degmada Jariiban, waxaannu si weyn u soo dhawaynaynaa barnaamijka Bararug Bulsho ee uu ku baaqay Guddoomiyaha Xaafadda Ceelgows, Mudane Mjarato Dalmash , kaasoo diiradda saaraya:

โœ… Ka qaadista bacaadka gudaha magaalada
โœ… Ka shaqaynta bilicda iyo nadaafadda deegaanka
โœ… Kordhinta wacyigelinta bulshada ee ilaalinta deegaanka

Waxaan diyaar u nahay in aan si buuxda uga qaybqaadanno barnaamijkan muhiimka ah, annagoo garab istaagayna dadaallada lagu horumarinayo bilicda iyo fayodhowrka degmada Jariiban.

Bararug Bulsho = Horumar iyo Bilic!

01/07/2025

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Jariiban oo si weyn ugu soo dhaweeyay naadi ka yimid magaalada Qardho! โšฝ๐Ÿ‘

Maanta waxaa garoonka kubadda cagta ee Jariiban si rasmi ah loogu soo dhaweeyay naadi dhalinyarada ka socda magaalada Qardho, kuwaas oo u yimid tartan iyo isdhexgal dhalinyaro oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Jariiban ayaa hormuud ka ahaa soo dhaweynta, isagoo muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay kor u qaadidda isdhexgalka, sportiga iyo midnimada dhalinyarada guud ahaan gobollada Puntland.

โžก๏ธ Waa tallaabo dhiirrigelinaysa horumarka dhalinyarada, sportiga iyo nabadda.
โžก๏ธ Waxaan u rajeyneynaa naadiga guul iyo waqti wanaagsan intay joogaan magaalada Jariiban.






โšฝ

Xalay waxaa si rasmi ah loogu caleemo saaray Guddoomiyaha cusub ee Ururka Dhalinyarada [Dagmada Jariiban ] xaflad si hee...
30/06/2025

Xalay waxaa si rasmi ah loogu caleemo saaray Guddoomiyaha cusub ee Ururka Dhalinyarada [Dagmada Jariiban ] xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.

Waxaa kasoo qayb galay masโ€™uuliyiin, marti sharaf, dhalinyaro iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, iyadoo lagu muujiyey taageerada iyo kalsoonida loo hayo hoggaanka cusub.

Waxaan u rajaynaynaa guddoomiyaha cusub guul, isku xir dhalinyaro, iyo horumar waara.




Tik Tok Beec ah Followers 100k oo 100% SomaliQiimo Macquul ah Lagu rabo Damaanad Buuxda leh Hada Soo Dalba Hada Hel
24/07/2024

Tik Tok Beec ah

Followers 100k oo 100% Somali

Qiimo Macquul ah Lagu rabo

Damaanad Buuxda leh

Hada Soo Dalba Hada Hel

๐’๐š๐š๐๐š๐š๐ฅ๐ข ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ž๐ฒ๐ฌ๐จ   Account Free ah๐—ฆ๐—ต๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ:1. ๐—™๐—ผ๐—น๐—น๐—ผ๐˜„ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—Ÿ๐—ถ๐—ธ๐—ฒ saar Page-keena ...
28/01/2024

๐’๐š๐š๐๐š๐š๐ฅ๐ข ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ž๐ฒ๐ฌ๐จ Account Free ah

๐—ฆ๐—ต๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ:
1. ๐—™๐—ผ๐—น๐—น๐—ผ๐˜„ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—Ÿ๐—ถ๐—ธ๐—ฒ saar Page-keena TAYO Online Market
2. ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ dheh post-ga
3. ๐—–๐—ผ๐—บ๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ Saadaal bixi
4. ๐“๐š๐  ๐๐ก๐ž๐ก ๐Ÿ‘ ๐ช๐จ๐Ÿ ๐ฌ๐š๐š๐ฑ๐ข๐›๐š๐๐š๐š๐๐š ๐š๐ก
๐—™.๐—š: Saadaashu waxay ku egtahay marka ciyaartu bilaabato,waxaana guuleysan doonna qofka ugu h**eeya ee si sax ubixiya saadaasha.


Tik Tok Accounts Somali ah Hadaa Danaynayso Nala Soo xiriir
23/01/2024

Tik Tok Accounts Somali ah
Hadaa Danaynayso Nala Soo xiriir

For Sale Tik Tok Cheap Account Contact us
21/01/2024

For Sale Tik Tok Cheap Account Contact us

Address

Jariban

Telephone

+252682177839

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Dhalinyarada Dagmada Jariiban posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ururka Dhalinyarada Dagmada Jariiban:

Share