Hirshabelle State Tv

Hirshabelle State Tv Tv-ga Dowladda Hirshabelle

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga...
10/11/2024

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

10/11/2024

Xoghayaha Degmada Jowhar “Waan ku bogaadinaya Wasaaradda arrimaha gudaha kulankan ay u qabatay Odayaasha dhaqanka maadaamada odayaasha ay hoostagaan Wasaaradda”

10/11/2024

Duqa Magaalada Jowhar “anaga ka gole degaan ahaa waxaan ka shaqeyn doonaa nabada iyo is dhexgalka, Odayaasha dhaqankana muhiim ayey u yihiin arintaas”

10/11/2024

Wasaarada arimaha gudaha dowlada hirshabeelele oo magaalada jowhar ka Daahfurtay Madasha wada-tashiga iyo wada hadalka hogaamiyayaasha bulshada,

09/11/2024

Wasaarada beeraha Dowladda Hirshabeelle oo labo matoor nooca waraabka ah ku wareejisay Gudiga kanaalka keli dheere ee tuulada banaaneey,

05/11/2024

Tababar lagu baranayay is dhexgalka bulshada iyo sinaanta dadka oo maanta lagu qabtay magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Hay’adda MRDO ee ka howlgalasha gobolkan hiiraan  ayaa  Beledweyne waxa ay ku qabatay tababar looga hadlayay isdhaxgalka...
05/11/2024

Hay’adda MRDO ee ka howlgalasha gobolkan hiiraan ayaa Beledweyne waxa ay ku qabatay tababar looga hadlayay isdhaxgalka bulshada iyo sinaanda dadka aayna ka qeyb-galeen bulshada Afarta xaafad ee Beledweyne iyo dad ka kala socday Kaamamka barakacayaasha ee Beledweyne ku yaalla.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cabdul-waajid Cumar Nuuriyoow oo soo xeray tababarkaasi.ayaa yiri waxaa u yiri ,waa mid muhiim ah,oo loo baahan yahay in laga faa,iideysto,

Mudada uu socday waxaa looga hadlay In bulshada laga wacyigeliyo waxa aay tahay midbad takoorka iyo sida uu u saameeyo qofka iyo guud ahaan bulshada.

Inta uu socday tababarka waxaa bulshada laga wacyi geliyay in laga fogaado takoorka dadka qaar bulshada kale kulmaan.

Sidoo kale in la yareeyo ama laga hortago dhaqamada Takooridda ee ka dhasha Midabka IWM ayaa tabarka dadka lagu baray.

Tababarkan oo aay qabatay hay'adda MRDO ayaa Bulshada ka qeyb-gashay tabarkaasi oo warbaahinta lahadalay ayaa sharaxaya waxyaabihii aay ka faa'ideen inta uu socday tababarkani waxa aayna u mahadceliyeen hay'adda MRDO.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cabdul-waajid Cumar Nuuriyoow oo gabagabadii hadalay ayaa dhankiisa bogaadiyay tababarkan waxana uu ku baaqay in la kordhiyo tabarada nuucaan oo kale ah si kor loogu qaado is dhaxgalka bulshada.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAGACAABAY TALIYAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA HIRSHABEELLE.Muqdisho, 3-Nofeembar-2024:...
03/11/2024

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAGACAABAY TALIYAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA HIRSHABEELLE.

Muqdisho, 3-Nofeembar-2024: Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa marka uu arkay qoddobka 62-aad, farqadiisa 1-aad ee xarafka (b) dastuurka Dowladda Hirshabeelle waxa uu go’aansaday inuu magacaabo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle.

Xilkan ayaa loo magacaabay Gaashaanle Xasan Maxamed Muuse si uu isbeddel iyo dardargelin ugu sameeyo ciidamada daraawiishta.

Dowladda Hirshabeelle oo ku adkaatay dagaalka Khawaarijta ayaa hadda waqtiga ugu badan waxa ay gelineysaa dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Daraawiishta.

Dhamaad.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay Wasiir ku-xigeeno kuw...
02/11/2024

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay Wasiir ku-xigeeno kuwaas oo kala ah:-
1. Liibaan Cabdiraxmaan Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaarrada Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose ee Dowladda Hirshabeelle.
2. Axmed Bariise Xeydar, Wasiir ku-xigeenka Wasaarrada Amniga Gudaha ee Dolwadda Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa faray masuuliyiintan inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo idmaday weliba si waafaqsan qoddobka 58-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.
DHAMMAAD

HIRSHABEELLE OO HIRGELINEYSO DEKAD IYO GAROON DIYAARADDEED.Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xu...
02/11/2024

HIRSHABEELLE OO HIRGELINEYSO DEKAD IYO GAROON DIYAARADDEED.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta booqday Ceel-Macaan ayaa dhageystay baahida dadka deegaanka ah.

Ujeedka Madaxweynaha ayaa ahaa inuu soo sahmiyo halka laga hirgelinayo Dekad ay yeelato Hirshabeelle.

Sidoo kale Garoon-diyaaraddeed ayaa lagu wadaa isna in laga hirgeliyo inta u dhaxeyso Ceel-Macaan iyo Warsheekh.

“Waxaa la joogaa waqtigii aan olole weyn u qaadi laheyn Dekad iyo Garoon-diyaaraddeed oo ay yeelato Hirshabeelle waana jidka kaliya ee lagu gaari karo barwaaqo-sooran iyo isku-filnaasho.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Wasiirrada Waxbarrashada iyo Caafimaadka inay tagaan oo ay la kulmaan dadka Ceel-Macaan si wax looga qabto arrimaha ay kala hadleen Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein “Degmo walba oo ka tirsan Dowladda Hirshabeelle Waa ineey u Diyaa...
01/11/2024

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein “Degmo walba oo ka tirsan Dowladda Hirshabeelle Waa ineey u Diyaar-garoowdaa Doorashada golaha degaanka si loo gaaro sanadka 2025 Doorasho Qof iyo Cod ah”

31/10/2024

The ministry of aid and disaster management of Hirshabeelle government has concluded meetings to discuss against the turnover of humanitarian aid.

Address

Jowhar
1122

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hirshabelle State Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hirshabelle State Tv:

Share

Category