HSHtelevision

HSHtelevision HSHTV News Midian for Hirshabelle Region

01/09/2026

ISBAARO GUUDLAWE
HALAGA WAREEJIYO MEESHA
WAA BAHDILAY

01/09/2026

G/BAADIR DUQA MAGALADA
DIB U EEGIS HAKU SAMEEYO DADKA GURYAHOODA SI QALD AH
TUUGADA U JAJBINAYSO
WAXAAD OGAATAAN DADKA DHULKA SHACABKA BOOBAYO AMA KA FAAIDAYSANAYO DADKA DANYARTAA
HADAAD DHISATID IN LAYSKULA XISAABTAMI DOONO BARI
HOWMALAYNI.N INAAD DHUL SHACAB LEEYAHAY BOOBTAY AAD KU NAGAGAANAYSID LAGUUGUNA XISAABTAMAY DADKII OO DHULKOODA SHEEGANAYA

01/09/2026
01/09/2026

CXD WAA INAY GUDI USAARAN DHULKA WAALIDKOOD KU DHALEEN LAGA KICIYAY
HALMEE UGA SOO WADA JEESTAAAN
KUWA DULMIGA DHULKOODA KU DHACAAYA IYO GURYAHOODA
AY LA XISAABTAMAAN MID MID HADAY U DACWOODAAN WAXBA LOOMA QABANAAYO

01/09/2026

CXD WAA INAY DEGAAN BASRA
QOFWALBA OO LAGU TUHMAAYO INUU LASHAQEEYO KHAWAARIIJTA IYO KUWA DAGAALKA LAGU QABTO
BEERTOODA OUO XOOLAHOODA BEERTOODA LALA WAREEGAA
XARIG IYO MUSSFURIS LAYSUGU DARAA MARDANBE KUSOO LAABAN BASRA

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA SERBIABelgrade, Agoosto 31, 2026; Madaxweynaha Jamh...
31/08/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA SERBIA

Belgrade, Agoosto 31, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Serbia, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaasi, Mudane Aleksandar Vučić, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo danaha labo geesoodka ah ee labada waddan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qayb ka ah madax ka socota dowlaha caalamka, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Shirka heerka sare ah ee lagu xusayo 65-guurada Shirkii Koowaad ee dhaqdhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement), kaasi oo lagu qabtay magaalada Belgrade sannadkii 1961-kii.

DEGDEG:-  Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka  iyo Saaxiibada caalamka oo 23-kii Agoosto ka dhacay degmada...
30/08/2026

DEGDEG:- Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka iyo Saaxiibada caalamka oo 23-kii Agoosto ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas), oo ahaa Madaxii Guud ee Sirdoonka Khawaarijta. Ikhlaas ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuuna ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu muhiimsan hoggaanka sare ee Khawaarijta.

Goor dhow la soco faahfaahin dheeraad ah.

Address

Km4
Jowhar
200

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HSHtelevision posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to HSHtelevision:

Shortcuts

Share