H.E Omar Antar

H.E Omar Antar Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from H.E Omar Antar, Digital creator, Kismaayo.

Illah ha unaxariisto Dr ibrahin indho oo mudooyinkanba ku xanunsana dalka India ayaa saakay ku geeriyoday dalka India Xa...
28/05/2024

Illah ha unaxariisto Dr ibrahin indho oo mudooyinkanba ku xanunsana dalka India ayaa saakay ku geeriyoday dalka India
Xaqiiqdii wuxuu ahaa nin bulshada rer jubbaland magac weyn ku dhex leh bulshadana si hufan ugu shaqeynayey kaligii ayaana dhaqtarka indhaha ka ahaa jubboyinka oo idil mudana ushaqeynayey bulshada inteda nugulka ah Kuna takh susay cilmiga indhaha (orthomology).
Inta aan ka garanayey ama aan shaqo wadaga aan ahayn dr wuxu ahaa Shaqsi wanaaga ku suntan la macamilka bulshadana ku wanaagsan
Aan uwada duceyno dhamaantena wuxu inogu baahanyahay duco 😭😭😭
Naxariista eebe illah ha siyo

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay Hambalyo u direysaa guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaa...
01/05/2024

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay Hambalyo u direysaa guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta shaqaalaha adduunka awgeed.

Waxa aan si gaar ah hambalyo ugu direynaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo guud ahaan bahda waxbarashada Dalkeenna.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga...
23/11/2023

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay saameynta fatahaadaha iyo daadadka ka jira deegaanada Jubaland iyo gurmadka ay Dowladu wado.

Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa laga dhageystay warbixinta xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada mashaqadu ay ka jirto iyadoo Sidoo kale wasaaradu ay warbixin golaha ka siisay gurmadka socda iyo taakulada dheeraadka ah ee loo baahan yahay.

Dhinaca kale Waxaa shirka golaha lagu dhaariyay Xeer ilaaliyaha cusub Mudane Nuuradin Maxamed
Khaliif

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hamblayeeyey 21 No...
21/11/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hamblayeeyey 21 Nofeembar Maalinta Macalinka Soomaaliyeed iyaga iyo qoysaskooda, isagoo tilmaamay in Macalimiinta Soomaaliyeed ay u soo dhabar adaygeen xaalado adag oo ay ku badbaadiyeen jiilal dhan oo iyaga la’aantood maanta aan waxba baran lahayn.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siinayso tayeynta Macalimiinta iyo Aqoonta Ubadka Soomaaliyeed, sidaa awgeed billawgii Xukuumadda ay qaadatay saddex kun oo macalimiin cusub ah, kuwaasi oo ka hawlgala guud ahaan gobodallada dalka, iyadoo sannadka cusub ee 2024ka ay diyaarisay miisaaniyadda saddex kun oo macalin oo kale.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

' HD
Antar Pro

Inalillah wa inaa lileyhi raajicuun Allah ahu naxariisto nabaddoon Abdi hiliye Adeer mcn Kitaabkisa Gacanta midigta Alla...
15/11/2023

Inalillah wa inaa lileyhi raajicuun Allah ahu naxariisto nabaddoon Abdi hiliye Adeer mcn Kitaabkisa Gacanta midigta Allah ha ka siiyo Marti la jecelahay Allah ha ka dhigo waax u haye qof aad u qiimo badan Adeer mar labaad waaxn ku leyahay Allah ha ku Naxaristo Gadashan Allah nama fasahaadiyo 😭😭😭😭😭😭😭😭😭

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta qaatay K...
15/11/2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta qaatay Kaarka Aqoonsiga dadweynaha, kaasi oo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Duqa Muqdisho ayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga dadweynaha ku tilmaamay mid qeyb weyn ka tari doonna sugida Amniga, Tirakoobka iyo in aan shacabka lagu dhex ganban. Waxa uuna ugu baaqay Bulshada Gobolka Banaadir in ay qaataan Kaarka Aqoonsiga dadweynaha.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta qaatay Kaarka Aqoonsiga dadweynaha, iyadoona ay goobjoog ahaayeen Xoghayaha Guud ee G/Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax iyo Maareeyaha Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Mudane Abdiweli Timacadde,

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi  ayaa maanta la kulmay safiirka Ja...
15/11/2023

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Amb Sebastian Groth, kulanka ayaa looga wada hadlay nabad dhiska, gargaarka bani’aadanimo iyo dhibaatooyinka fatahaadaha.

Amb. Sebastian Groth safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa adkeeyey sida dalkiisu ugala shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya arrimaha hortabinta u leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowlada Jarmalka iyo saxiibada kale ee caalamiga ah sida ay Soomaaliya uga taageeraan arrimaha la xiriira qaran dhiska.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas ayaa maanta Guddoomiyaha Hay'adda Maare...
12/11/2023

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas ayaa maanta Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Mahamuud Moallim Abdulle ku wareejiyey Doon nuuca la buufiyo ah, taas oo loogu talagalay in looga qayb-qaato badbaadinta nolasha boqolaal shacab ah oo ay go'domiyeen daadadka iyo fatahaadda ay sameeyeen wabbiyada Jubba iyo Shabelle.

Doomaha nuucaan oo kale ah ayaa muhiim u ah in si fudud lagu badbaadiyo dadka go'doonsan, madaama buufis kaliya ay u bahantahay, waxaana Wasaaraddan ay noqotay Wasaaraddii ugu h**eysay ee ka qayb-qaadato gurmadka iyo taakulaynta loo samenaayo Shacabka Soomaaliyeed ee daadadka iyo fatahaadaha sameenta ay u gaysteen.

Xili ay da’ayaan roobabka Dayrta, ayaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, Mudane Abdir...
12/11/2023

Xili ay da’ayaan roobabka Dayrta, ayaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, Mudane Abdirahman Mohamed Dhiriq waxa uu kormeer ku tegey qaar kamid ah xaafadaha Kismaayo oo ay saameeyeen dhibicdii saacadihii u dambeeyey magaalada ka da'ayay.

Wasiirka oo uu kormeerkan ku wehelinayey Guddoomiyaha xafaadda Calanley ayaa mid mid u galay guryaha, isagoo shacabkii ay saamaysay fatahaadda El-nino la qaybsaday dhibta.

Magaalada Kismaayo ayaa kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliyeed, kuwaas oo saameyn taban ka dhaxlay roobka dayrta oo meel walba biyo dhigay.

labada Gole ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay we...
11/11/2023

labada Gole ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada labada guddoomiye, ayaa maanta kulan ay yeesheen, waxay kaga arrinsadeen qabanqaabada iyo hannaanka furitaanka Kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen labada xoghaye ee Baarlamaanka JFS ayay guddoonku iskula meel dhigeen in fadhiga ugu soo horreeya ee guddiyada joogtada ee Baarlamaanka lagu go'aamiyo furitaanka kalfadhiga 4-aad iyo qabanqaabadiisa

11/11/2023
Magaala xeebedka Kismaayo oo uu Roobku dhaxal siiyay muuqaal ay Indhuhu u bogayaan.Kismaayo, waa magaalo ku tallaabsanay...
11/11/2023

Magaala xeebedka Kismaayo oo uu Roobku dhaxal siiyay muuqaal ay Indhuhu u bogayaan.

Kismaayo, waa magaalo ku tallaabsanaysa horumar baaxad leh, Nabadda iyo Amniga ay bulshadu haystaan ayaana suuro galiyey, in ay dib usoo noqdaan qurbajoog badan, sidoo kalena dadkii h**e ugu noolaa oo quus joogay ayey tobankii sano ee u dambeeyey rajadooda dib usoo noqotay.

Magaaladan ayaa hadda kamid ah magaalooyinka Soomaaliyeed ee aan tahriibta dhalinyarada lagu aafeeyey lagu aqoonin, iyadoo ay dhalintu ku foogan yihiin sidii ay nolashooda iyo bulshadooda u horumarin lahaayeen.

📸 Antar Pro HD

Address

Kismaayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when H.E Omar Antar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share