Waamo Media

Waamo Media Waamo Media waa warbaahin madax bannaan oo aad ka helaysid xogo dhaxalgal ah

Ninkaan oo katirsan argagixisada Daacish ayey togga Miraale ku qabteen ciidanka Puntland ee ku jira howlgalka ciribtirka...
22/06/2025

Ninkaan oo katirsan argagixisada Daacish ayey togga Miraale ku qabteen ciidanka Puntland ee ku jira howlgalka ciribtirka argagixisada ee Hilaac.

Puntland guul💪💪💪

22/06/2025

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha waxaa si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garowe.

Waxaa maanta si rasmi ah daaha looga rogay magaalada Kismaayo shirkadda Kismayo Real Estate oo dhisaysa xaafad lagu lagu...
26/04/2025

Waxaa maanta si rasmi ah daaha looga rogay magaalada Kismaayo shirkadda Kismayo Real Estate oo dhisaysa xaafad lagu lagu magacaabo Wadajir oo ka kooban 200 oo guri oo fillooyin ah, dabaqyo dhowr heer ah, hotello casri dhismeyaal kale kuwaasi oo si casri ah loo dhisayo.

Mashruucan ayaa waxaa daadajin doonta shirkadda Galti oo iyana shaqadeedu noqon doonto suuq gaynta iyo adeeg bixinta.

Maamulka degmada Kismaayo, masuuliyiin ka tirsan dowladda Jubaland iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay munaasabadda oo ka dhacday Hotel Agan.

Waamo Media

17/04/2025

DAAWO: Ciidanka Jubbaland iyo ciidanka xooga Dalka oo Khawaariijta ku baacsanaayo duleedka degmada Xagar ee Jubbada-Hoose.

Deegaan xeebeed u dhaw degmada kunta-warey ee Gobolka shabeelada hoose ayaa xalay ay ka dhacday Deegaan xeebeedka oo ay ...
17/04/2025

Deegaan xeebeed u dhaw degmada kunta-warey ee Gobolka shabeelada hoose ayaa xalay ay ka dhacday Deegaan xeebeedka oo ay soo xirteen laba doon oo kuwa Xamuulka qaada sida la sheygana waday 100 fuusto oo shidaal ah ayaa dhowr gantaal lugu dhuftay waxaana goobta ku dhintay 8 qof oo laba ay yihiin yamaniyiin.

Doomaha oo ahaa kuwa u socday kooxda Khawaariijta islamarkaana shidaal u waday iyada oo la sheegaya in ilaa hada ay doomaha gubanayaan oo shidaalkii uu kusii faafay dhanka xeebta.

Weli wax war ah k**a soo bixin dhanka dowlada oo ku aadan duqeynta ka dhacday.

Dhanka kale kooxda khawaariijta ayaa wajaheysa sida la sheegay shidaal la’aan iyada oo dowlada ay saartay culeys dhanka shidaalka ah.

Shacabka reer Baydhabo ayaa saaka isugu soo baxay daawashada meydadka argagixisada ee saaka jabka culus lagu gaarsiiyay ...
17/04/2025

Shacabka reer Baydhabo ayaa saaka isugu soo baxay daawashada meydadka argagixisada ee saaka jabka culus lagu gaarsiiyay aagga deegaanka Daynuunaay, ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka ayaa cashar u dhigay argagixisada.

Meydad ay ku jiraan ajaaniib ayaa lagu soo bandhigay duleedka iyo gudaha Baydhabo, waxaana tallaabadan muujineysaa dhiiranaanta ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka ee ka hortagay Weerarka Argagixisadu soo qaadeen.

Dhinace kale howlgalo qorsheysan oo saaka iyo maalmihii la soo dhaafay ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ka sameeyeen Jubbada Hoose ayaa jab culus lagu gaarsiiyay Argagixisada, waxaana lagu dilay Horjoogayaal dhowr ah.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulank...
16/04/2025

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee isku xirka hay’adaha amniga iyo bulshada, kaas oo ka qabsoomay taliska qeybta guud ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku-xigeenka ahna Xoghaya Dowladda Hoose, gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo iyo saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga, kulanka inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta amniga, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha kala duwan, iyo wacyi-gelinta bulshada si loo gaaro horumar iyo xasilooni waarta. Intii uu socday shirka, hay’adaha amniga ayaa soo bandhigay warbixino ku saabsan waxqabadkooda isbuucyadii la soo dhaafay, waxaana laga soo saaray qodobo muhiim ah oo kala ah.

22/03/2025
21/03/2025

Muuqaal soo koobaya Ciidamada Booliiska Jubaland oo galabta barnaamij afurin ah u sameeyay bulshada kala duwan ee isticmaalaysay wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada Kismaayo.

Waxaa Caawa duqaymo xoogay laga fuliyay Degmada jilib oo ah xarunta ugu wayn ee Khawaariijta.Waxaana wararku sheegayaan ...
21/03/2025

Waxaa Caawa duqaymo xoogay laga fuliyay Degmada jilib oo ah xarunta ugu wayn ee Khawaariijta.

Waxaana wararku sheegayaan in duqaynta lala Beegsaday ilaa Shan goobood oo xarumo u ahaa Nabad-diidka.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ee magaalada Kismaayo ayaa gudaha magaalada ku qabtay afur wadareed, kaas ...
21/03/2025

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ee magaalada Kismaayo ayaa gudaha magaalada ku qabtay afur wadareed, kaas oo lagu soo bandhigayay nabadda iyo isdhexgalka bulshada, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Afur-wadareedka ayaa ahaa mid ka tarjumaya iskaashiga iyo wadajirka bulshada, iyadoo diiradda la saarayay xoojinta xiriirka bulshada iyo ilaalinta amniga Magaalada.

Afur wadareedka sanadlaha ah ee ururka dhakhatirta Jubaland ayaa lagu qabtay xarunta ururka dhakhatirta(JMA MAIN CAMPUS)...
20/03/2025

Afur wadareedka sanadlaha ah ee ururka dhakhatirta Jubaland ayaa lagu qabtay xarunta ururka dhakhatirta(JMA MAIN CAMPUS) ee Magalada Kismaayo.

Masuuliyiintii iyo marti sharaftii ka soo qeyb gashay afur wadareedka oo ay ku jiraan xildhibaano iyo masuuliyiin kalaba ayaa u mahadceliyay ururka dhakhatirta Jubbaland iyagoona carabka ku adkeeyay in garab taaganyihiin ayna ku boorinayaan Ururka Dhakhatirta Jubbaland shaqada Adag oo ay u hayaan Bulshada.

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waamo Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waamo Media:

Share