Khadro Wacan

Khadro Wacan khadro wacan isha waraarka somalida

20/08/2026

Ciidanka Daraawiishta Jubaland ee fadhigoodu yahay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulada Dhalan oo ku dhow deegaanka Diif, halkaas oo ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsan kooxda argagixisada.



Jubbaland TV Facebook
Khadro Wacan

17/08/2026

DEG DEG:Ciidankii Laftagareen oo gudaha Baydhabo ka dhex dagaalamaya

FacebookJubbaland TVKhadro Wacan

Baladxaawo: Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada Jubbaland ayaa gaaray Magaalada Mandbeera si ay ula kulmaan Cabdi Rashii...
10/08/2026

Baladxaawo: Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada Jubbaland ayaa gaaray Magaalada Mandbeera si ay ula kulmaan Cabdi Rashiid Janan oo Dowlada Jubbaland halkaasi kula dagaalamay.

Inkastoo Mowqifka Janan aanan si cad loo ogeen hadana waxaa la filayaa in Dhawaan uu soo xermi doono qorshihii Federaalka ee Baladxaawo islamarkaana Ciidanka Jubbaland ay si nabad ah kula wareegi doonaan.

Wadahalada inta badan sida xogaha ay xaqiijinayaan waxaa lagu dhameeyay dhanka hawada balse waxaa hada haray in is arag toos ah dhaco si loosii guda galo arimaha haray ee Ciidan wareejinta Cabdirashiid Janan.

Xogtan iyo xogo kale goordhow insha Allaah Nala joog
Jubbaland TV
Khadro Wacan
Facebook

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Magaalada Nairobi  Kula kulmay Mweynihii Koonfurgalbe...
09/08/2026

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Magaalada Nairobi Kula kulmay Mweynihii Koonfurgalbeed ee Talada laga faramaroojiyay Cabdi Casiis Laftagareen.

Kulanka waxaa qeeb ka ahaa Gudoomiyaha Dooloow iyo Masuulyiin kale.

Lama oga waxa sida hoose looga wada hadlay balse Laftagareen ayaa si gaar ah oga mahadceliyay Dowlada Jubbaland sidii wanaagsaneed ee ay gacanta u siiyeen mudadii uu socday Dagaalkii Xukunka looga tuuray Laftagareen.

TVKhadro Wacan

16/02/2026

Hanadadii JISA ee fuliyay Howlgalkii Barakaysnaa ee Lagta Hola Wajir ee Bad-Madow oo cibabadii kaddib ku dhaanto tumanaya howdka jiqda ah.

Khadro Wacan ゚viralシfypシ゚viralシalシ

Howlgal gaar ah oo uu hogaamiyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugida Jubaland Maxamed Axmed Sabriye Basaam oo ...
15/02/2026

Howlgal gaar ah oo uu hogaamiyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugida Jubaland Maxamed Axmed Sabriye Basaam oo ka dhacay Howdka Fog ee Badda Madow, Deegaanka Lagta Hola-Wajeer, Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose oo lagu jabiyay Khawaariijta.

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Dowladda Jubbaland (JISA) ayaa howlgal qorsheysan oo socday muddo afar (4) maalmood ah ka fuliyay deegaankaas, kaas oo si weyn loogu naafeeyay Khawaarijta.

Howlgalkan oo ay hawada ka taageerayeen saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu burburiyay saldhigyadii qaraxyada, xarumihii saadka, isgaarsiinta, iyo keydadkii hubka ee ay Khawaarijtu ku lahaayeen halkaas, kuwaas oo ay u adeegsan jireen qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay uga duuli jireen deegaanada kala duwan ee Jubaland iyo gudaha Dalka Kenya.

Sidoo kale, howlgalkan waxaa lagu dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo Ciidamada JISA ay si buuxda gacanta ugu hayaan meydadka 60-ka Khawaarijta ah ee lagu dilay howlgalka oo ay ku jiraan horjoogayaal. Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay qalab fara badan oo ay ku jireen miinooyin noocyadooda kala duwan, maadooyinka laga sameeyo qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub, saanad ciidan, iyo agab kale oo muhiim u ahaa howlgallada argagixisada.

Howlgalkan guusha leh ayaa sidoo kale lagu burburiyay xeryihii saadka, xarumihii isgaarsiinta, iyo keydadkii qaraxyada iyadoo Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen in ka badan boqol noocyada Kala duwan ee miinooyinka ah qarxa ah.

Xeryahan la burburiyay ayay khawaariijtu kasoo abaabuleen weerarkii ay ku jabeen ee ay dhawaan ku qaadeen Deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Dowlada Jubbaland waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamiga ah ee ku garabsiinaya la dagaalanka iyo dabarjarka khawaarijta.

Address

Lawer Jubba
Kismayo

Telephone

+252614593122

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khadro Wacan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share