02/12/2024
Dhoobley Iyo Canshuurta Cusub:
Waxaa Isa soo Tarayo Warar Sheegayo in Ganacsatada Dhoobley Lagu Soo Rogi Doono Canshuur.
Maalmahan Aan Waxaa Socday Tiro Koob Guud Oo La Koobayo Goobaha Gacansi Ee Magaalada Ka Jira Iyadoon Loo Eegeynin Ganacsiga Xajmigiisa iyo Intuu La Egyahayba Dhaqaalaha Ku Jiro, Taas Oo Macnaheeda Ah Hooyada Caanaha Gadeyso iyo Tan Sandaqa Yar Caruurteeda Ka Biilato Xitaa In La Canshuuro.
Maxuma In La Canshuuro Goob Ganacsi Balse Waxaa Wax Laga Xumaado Ah in La Canshuuro Bulsho Aan Heysan Adeegii Asaasiga Ahaa Sida Waxbarasho Bilaaah, Cafimaad Bilaash Ah , Koronto Bilaash Iyo Biyo Bilaash ah.
Dhoobley Waxay Ganacta U Gashay Koox Qoowleysata Ah Aan U Naxaynin Bulshada Rayidka Ah, Qolyo U taagan Sidii Lagu Dhibteen Lahaa Bulshada, Qolyo Hamigooda Yahay Sidii Ay Ku Uruusan Lahaayeen Hanti Wadada ay doonaanba Ha U Maraane.
Midna Ogow Canshuuurahaaas La Soo Rogayo Waxay Kusoo Beegmayaan Xili Xaalada Siyaasadeed Oo Jubbaland Aad U Kacsantahay, Xili Jubbaland Ay Is Hayaan Xasan Sheeq Iyo Bahdiisa, Xili Raaskaambooni Gacanta Jubbaland Ka Baxday, Xili Doolawaha Federaalla Ku Haminayso Inay Dhoobley La Wareegto.
Canshuuraha Cusub Oo Keeni Kara Naceeb Ay Bulshada U Qaado Maamulka Iyo Madaxdiisa, Taasoo Sababi Karto inay Lumiyaan Taageeridii Baaxada Leheed Oo Ay Ree Dhobley La Garab Taagnaayeen Maamulka Jubballand.