Codka Shacabka JL

Codka Shacabka JL Boggan Waxa Aad Ka Heli Kartaa Wararka Ku saabsan guud Ahaan Soomaaliya Gaar ahaan Jubbaland State.

02/12/2024

Dhoobley Iyo Canshuurta Cusub:

Waxaa Isa soo Tarayo Warar Sheegayo in Ganacsatada Dhoobley Lagu Soo Rogi Doono Canshuur.
Maalmahan Aan Waxaa Socday Tiro Koob Guud Oo La Koobayo Goobaha Gacansi Ee Magaalada Ka Jira Iyadoon Loo Eegeynin Ganacsiga Xajmigiisa iyo Intuu La Egyahayba Dhaqaalaha Ku Jiro, Taas Oo Macnaheeda Ah Hooyada Caanaha Gadeyso iyo Tan Sandaqa Yar Caruurteeda Ka Biilato Xitaa In La Canshuuro.

Maxuma In La Canshuuro Goob Ganacsi Balse Waxaa Wax Laga Xumaado Ah in La Canshuuro Bulsho Aan Heysan Adeegii Asaasiga Ahaa Sida Waxbarasho Bilaaah, Cafimaad Bilaash Ah , Koronto Bilaash Iyo Biyo Bilaash ah.
Dhoobley Waxay Ganacta U Gashay Koox Qoowleysata Ah Aan U Naxaynin Bulshada Rayidka Ah, Qolyo U taagan Sidii Lagu Dhibteen Lahaa Bulshada, Qolyo Hamigooda Yahay Sidii Ay Ku Uruusan Lahaayeen Hanti Wadada ay doonaanba Ha U Maraane.

Midna Ogow Canshuuurahaaas La Soo Rogayo Waxay Kusoo Beegmayaan Xili Xaalada Siyaasadeed Oo Jubbaland Aad U Kacsantahay, Xili Jubbaland Ay Is Hayaan Xasan Sheeq Iyo Bahdiisa, Xili Raaskaambooni Gacanta Jubbaland Ka Baxday, Xili Doolawaha Federaalla Ku Haminayso Inay Dhoobley La Wareegto.

Canshuuraha Cusub Oo Keeni Kara Naceeb Ay Bulshada U Qaado Maamulka Iyo Madaxdiisa, Taasoo Sababi Karto inay Lumiyaan Taageeridii Baaxada Leheed Oo Ay Ree Dhobley La Garab Taagnaayeen Maamulka Jubballand.

BAAFIN: Umada Soomaliyeed iyo Dadka Xamar ku dhaqan waxaan ka codsanaynaa inay noo Raadiyaan wiil Xamse La yiraahdoo Xam...
27/11/2024

BAAFIN: Umada Soomaliyeed iyo Dadka Xamar ku dhaqan waxaan ka codsanaynaa inay noo Raadiyaan wiil Xamse La yiraahdoo Xamar nooga lumay. waxaad ku garan kartaan oo u calaamada In madaxa haaf ay tinta ka maqantahay Dameer baa ka haraatiyay madaxa, markii noogu war Dambaysay wiil Ina suuban la dhohoo Wardhiigley dagan baa hayay. qofkii Arka waxaan si ilaahay dartiisa oga codsanaynaa inuu nala soo xiriiro. wuxuu ku Magac dheeryahay “Dhoohane”

Marshaale

Xamze Cabdi Bare Oo Cumreysana.Xamze Waa Ninkii Gudoomiyaha Ka Ahaa Gudigii Doorasha Jubbaland Eee 2019kii, Waa Ninkii O...
16/04/2023

Xamze Cabdi Bare Oo Cumreysana.
Xamze Waa Ninkii Gudoomiyaha Ka Ahaa Gudigii Doorasha Jubbaland Eee 2019kii, Waa Ninkii Oday Dhaqameedyada Ku Yiri Sedex Keensada Mid Baynu Kala Baxaynaa, Waa Ninkii Sababta U Ahaa In Qarka Loo Fuulo inuu Dagaal Ka Dhaco Jubbaland State.

Xamze Wuxuu Qeyb Ka Ahaa Nidaamka Kaligii Taliska Axmed Dhuxul, isla Nidaamkaas Ayaa U Xiray Kursigii Xildhibaanka Golaha Shacabka Soomaaliya Ee Tirsigiisa Ahaa Hop 203, iyadoo La Diiday Musharixiintii Kale inay is Diiwaan Galiyaan, Waana Bar Madow Ku Suntan Xamze iyo Axmed Dhuxul Ilaa Qiyaamaha Ka Dhacayo.

Xamze Isagoo Qaab Daradaa Ku Helay Gursigii 203 Ayaa Loo Magacaabay Raiizul wazaare Markaa Buu Goob Fagaaro Ka Yiri Siyaasada Ayaan Ku Jana Tagi Rabaa, Ma Hal Xaraan Ah Baa Nirih Xalaala Dhasha ?

Xamze Waa Kaa Maanta Kacbadii Jooga Oo Cumreysana, Oo Alle Baryaya. Raga Qaar Baa Leh Wuxuu U Duceynayaa Umadda Soomaaliyeed!! Umadda Uu U Duceynayo Ree Jubbaland Maku Jiraan? Alle SW Ma Weydiistay Inuu U Dhaafo Dambigii Uu Ka Galay? Inkastoo Dambigii Uu Alle Ka Galay Laga Yaabo in Loo Dhaafo Waa Hadii La Aqbalo Acmaashiisa Cumradade.,Laakiin Dambigii Uu Ka Galay Malaayiinta Shacabka ah Ee Ree Jubbaland Cidna K**a Cafineyso Ileen Waa Dambi Aadane Laga Galee Waa Un in iyaga Cafis La Weydiistaa.

26/03/2023

Sanetor Iftin Baasto "axmed madoobe waxaan leeyahay axmedow Maamulkaaga wuu xumaaday waan kugu farxi weyney ee na dhaaf"

25/03/2023

marka dan laga leeyahay dhawaa Marka fatahaad iyo Abaaro ka jiraaan aduunka meel la gaari karin ayey kaga taal oo 7bad ayaa ku gudban miyaaa!!!

Allaah ha u gargaaro reer Baardheere 🤲🏻

Sahra carte

25/03/2023

Saraakiisha Alshabaab ka Xoraysay Jubaland-ta Xorta ah oo Cabasho Afka furatay soona bandhigay dhibaatada ka taagan jubbland.

Baardheere oo Xaalad adag ay ka taagantahay.Wararka ka imaanaaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaaya in ...
24/03/2023

Baardheere oo Xaalad adag ay ka taagantahay.

Wararka ka imaanaaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaaya in roob waqti dheer socday xalay iyo wabiga oo buuxsamay ay sababeen in biyihii ku fatahaan magaalada,

wararka ayaa sheegaaya in fatahaadda ay gaartay suuqa wayn ee magaalada Baardheere iyo inta badan magaalada oo biyaha ku fataheen Xalay, waxaa jira khasaara balaaran oo soo gaarat bulshada hantidooda iyo guryaha,

dad badan ayaa guryahooda ka barakacay, waxaa kaloo jira dad wali ku go’doonsan guryahooda oo biyaha dhan walba ka mareen, waxaana wali aan la soo sheegin in ay dad ku dhinteen.

Soomaaliya indhaheeda ha u jeesteen Baardheere.

Wariye Aadan Kismaayo

21/03/2023

Baardheere: Roobab Xooggan oo Qasaaro Nafeed iyo Mid Maalba Geeystay Ayaa Ka Da'ay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gado, Waxaa kaloo jira Dad La la'yahay, Alle Waxaan oga Baryeynaa inta Dhimatay inuu u Naxariisto inta Maqan Eheladooda usoo Celiyo.

18/03/2023

Wasiir Omaar"Jubbland Waxaa Muacaarad Ku Ah
Ninka Ka Tahribinaya Dadka U Dhashay
Deegaanka"

Saldhiga Boosliska Kismaayo!!Meesha uu Saldhiga sidan ka yahay talow xabsiga waa sidee?
10/03/2023

Saldhiga Boosliska Kismaayo!!

Meesha uu Saldhiga sidan ka yahay talow xabsiga waa sidee?

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Codka Shacabka JL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Codka Shacabka JL:

Share