Ibraahimu Yakuub Upcoming Leader

Ibraahimu Yakuub Upcoming Leader Text and
Vidieo

30/08/2026
Qofkii isagoo lacag siiyey Madaxda dowladda, hadana qaabkan u barakiciyey kuwii ugu mudnaa ee dowladnimada lagu ilaalin ...
23/08/2026

Qofkii isagoo lacag siiyey Madaxda dowladda, hadana qaabkan u barakiciyey kuwii ugu mudnaa ee dowladnimada lagu ilaalin lahaa, wallee inuusan dhaleyn Caruur wax tar leh!

Kuwii dadka barakicuntooda Malaayiinta dollar kasameeyey iyo kuwii darajada Ciidan ku helay maalin kasta isbitaal ayaa lagu hayaa, waxaad maqlaysaa Dhadhankii Cunada, Cabitaanka, Urka iyo Caraf ayaa ka tagay.

Umaddan habaarkoodu wuxuu burburin karaa riyo iyo run waxay suureysteen kuwa dadka Barakiciyey ee maalka ka tacbaya! Alle waa Caadil, yaqaannana kuwadhuumaya iyo kuwa jidka taagan ee masaakinta barakiciyey.

Ilaahow hanala cadaabin kuwa umadda Barakiciyey!

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud ay yeelan doonto saami dhan 75% shirkadda qaranka ...
20/08/2026

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud ay yeelan doonto saami dhan 75% shirkadda qaranka ee Somali Airlines oo dib loo soo nooleynayo.

Waxaa la ogyahay in mulkiilaha Hormuud uu horay u lahaa 70% saamiga shirkadda Daallo Airline, taas oo dhalinaysa su’aalo badan oo ku saabsan mustaqbalka labadan shirkadood; ma saami-qaybsigii Daallo ayaa loo wareejinayaa magaca Somali Airlines, mise labada shirkadoodba waxay gacanta u geli doonaan hal koox oo ganacsato ah?

Tallaabadan ayaa u muuqata mid saamayn weyn ku leh suuqa duulista dalka, balse xambaarsan madmadow badan.

Haddii warkani dhab yahay, waa nasiib-darro weyn iyo ku tumasho sharciga dalka, waayo hantidii qaranka ee la wada lahaa ayaa gacanta loogu gelinayaa ganacsato gaar ah hab aan waafaqsanayn dastuurka iyo hufnaanta maamulka.

Waa wax aan la aqbali karin inaan tartan furan loo qaban ganacsatada Soomaaliyeed oo dhan, balse lagu xusho eex iyo qabyaalad.

In shirkaddii calanka qaranka sidii hanti gaar ah loo xaraasho iyadoo aan loo marin nidaam caddaalad ah waxay dhabar-jab ku tahay dhismaha dawladnimada iyo sinnaanta fursadaha ganacsiga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabaan, waa garsoorihii 25-kii Juun ku xukumay Sacdiyo Bajaaj saddex sa...
12/08/2026

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabaan, waa garsoorihii 25-kii Juun ku xukumay Sacdiyo Bajaaj saddex sano oo xabsi ah.

Balse,saakay muxuu dareemayaa?

Thabit oo ka dhawaajiyay hadal soo jiitay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qof walba oo ay danta guud kala weyntahay tiisa...
27/07/2026

Thabit oo ka dhawaajiyay hadal soo jiitay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qof walba oo ay danta guud kala weyntahay tiisa gaarka ah.

-----------------------------
Dowladnimadu ma aha wax si sahlan loo dayici karo ama in dib loogu laabto ku-meelgaar, la aqbalo in sharciyadda dowladnimadeenna la wiiqo, dabadeedna berri dib loogu baahdo aqoonsi iyo hannaan cusub, waxay noqonaysaa dib u dhac weyn oo dalka dib u celin kara 15 sano haddii lala soo shir tago in Gole-ku-meelgaar ah la sameeyo oo talada dalka la wareega.

Waxa taas ka dhow, danta qarankana ah, in lala xaajoodo madaxda muddo-xileedkooda lagu muransan yahay, lana gaaro tanaasul ay labada dhinac sameeyaan.

Khilaafaadka siyaasadeed waa la xallin karaa haddii la hormariyo wada-hadal iyo is-afgarad, maadaama gobonnimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ay ka weyn yihiin khilaafka siyaasadeed ee dhexdeena ah.

NFD waqooyi Beri -Kenya
01/06/2026

NFD waqooyi Beri -Kenya

Waxaan si adag u Cambaareeynayaa Falka Foosha Xun ee arxan darada ah ee shalay ka dhacay deeganka KAMJAROON Ee Galbeed k...
21/05/2026

Waxaan si adag u Cambaareeynayaa Falka Foosha Xun ee arxan darada ah ee shalay ka dhacay deeganka KAMJAROON Ee Galbeed kismaaayo, taasoo Xasuuq daran looga geeystay Dad shacab ah oo Xoola dhaqato an waxbo gabsan ah.

Waxaan mamulka jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka ka codsanayaa iyo Cidkasto ooy Quseeyso in arintaaas Si Caalad ah loo wajaho Baaris Dhab ahna lagu sameeyo wixii meshaas ka dhacay si loo helo isla Xisaabtan dhab ah oo Cadaalad ku saleeysan.

Waxaa Nasiib daro ah in dad shacabka indho la’aan la xasuuqo ayadoo la lagu mar marsiino laga dhigaynaayo Howlgal Ciidan, waxaa Qasab ah in dad shacabka laga Taxadaro dad baramgeeyda ah ee ku dhaqan deganada ay howlgalka ka sameeynayaan ciidanka Xooga iyo kuwa mamulka.

🤷‍♂️
14/05/2026

🤷‍♂️

12/05/2026

Xaalada Dalka 2026🤔😢

Address

Kismayo

Telephone

+252619106627

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ibraahimu Yakuub Upcoming Leader posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share