Soyaal Radio FM

Soyaal Radio FM SOYAAL RADO FM.

Raisul Wasaarahii H**e ee Soomaaliya  Abdi Farah Shirdon Iyo Wafdi uu Hogaaminayay ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo wa...
17/12/2025

Raisul Wasaarahii H**e ee Soomaaliya Abdi Farah Shirdon Iyo Wafdi uu Hogaaminayay ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo waxaana si wayn loogu soodhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam Iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland ayaa soodhaweeyay Ra’iisul Wasaare Saacid.

Madaxweynaha Jubbaland,  Axmed Maxamed Islaam yaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Mada...
17/12/2025

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam yaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Ra’iisul Wasaare h**e ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Mas’uuliyiintan ayaa Kismaayo u yimid ka qeybgalka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo la filayo ka furmo magaalada Kismaayo maalinta berri ah.

Shirkaasi ayaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimo muhiim ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed, midnimada dalka, hannaanka dowlad-dhisidda, iyo xoojinta wadatashiga arrimaha siyaasadda Dalka.

06/12/2025

Farriin wacyi galin ah oo ka timid Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Hay'adda WFP.

Sawirro: Wasiirrada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Saraakiisha Ciidanka Xoogga, kuwa AUSSOM iyo Masuuliyiin ka socota ...
06/12/2025

Sawirro: Wasiirrada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Saraakiisha Ciidanka Xoogga, kuwa AUSSOM iyo Masuuliyiin ka socota Safaaradda Turkiga oo xarrigga ka jaray Buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole oo dib loo dhisay, kadib markii ay burburiyeen cadowga Khawaarijta ah oo halkaan laga xoreeyey.

04/12/2025

Wacyigelin, Tababar iyo Khibrad-wadaag ka dhacay Marwa Fertility Center.
Maanta waxaan xarunta Marwa Fertility Center ku qabannay barnaamij ballaaran oo uu hoggaaminayay Dr. Ashraf, kaas oo isugu jiray wacyigelin iyo tabaabar ku saabsan habka IVF-ta iyo daryeelka loo baahan yahay ee qoysaska ku jira safarka raadinta ubadka.

Waxaa sidoo kale jawiga sii qurxiyay qoysaskii h**ey ugu guuleystay IVF-ta oo la wadaagay farxaddooda iyo khibraddooda, iyagoo rajo iyo dhiirrigelin dhab ah u muujiyay kuwa hadda billaabaya ama dhexda ugu jira daaweynta, si ay u xaqiijiyaan in riyadu rumoobi karto Alle idinkii.

Madaxweyne h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugusoo laabtay.Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka...
13/11/2025

Madaxweyne h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugusoo laabtay.

Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safarro gaar ah oo uu ku tagay dalal dibadda ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Muqdisho waxa uu sii xoojinayaa dadaallada heer Qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed, qabsoomidda doorasho loo dhan yahay iyo adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdhllaahi Farmaajo waxa uu kulammo wadatashi oo ku saabsan xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daalaa-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed la qaadan doonaa hormuudka siyaasadda, masuuliyiin iyo haldoorka bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah ...
30/10/2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah uga qeyb galay munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta oo horseeday dib u dhiska dowladdnimada Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda Soomaalida oo ah Madxaf qaab casri ah loo dhisay, lagana hirgaliyay magaalada Carta, kaasi oo lagu keydiyay Taariikhda Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida, waxaan Munaasabadda ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dowladood, madaxdii h**e ee Dalka, siyaasiyiin, dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo cabbaareey xarin sharci Darro ah oo xukuumadda Soomaaliya ay u gaysatey muwaadiniin ka dhiidhiyey...
27/10/2025

Madaxweyne Farmaajo oo cabbaareey xarin sharci Darro ah oo xukuumadda Soomaaliya ay u gaysatey muwaadiniin ka dhiidhiyey shacabkii laga barakiyey Suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Cameroon Paul Biya ayaa ku dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacday Da...
27/10/2025

Madaxweynaha Cameroon Paul Biya ayaa ku dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacday Dalkaasi.

Paul Biya waa 93 sano jir 8 jeer ku guulaystay Doorashooyinkii dhacay intii uu talada hayey wuxuuna Cameroon xukumayey in ka badan 40 sano.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iy...
27/10/2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS.

WAR DEG DEG AH: Ra'iisul Wasaarihii h**e ee Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyooday da'da 80-sano, isagoo daweyn loogu qa...
15/10/2025

WAR DEG DEG AH: Ra'iisul Wasaarihii h**e ee Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyooday da'da 80-sano, isagoo daweyn loogu qaaday magaalada Kochi ee dalka India.

Address

Kismayo

Telephone

+252615677676

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Soyaal Radio FM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Soyaal Radio FM:

Share

Category