Soyaal Radio FM

Soyaal Radio FM SOYAAL RADO FM.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi ...
28/08/2026

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi Dowladda Federaalka Soomaaliya ah oo booqasho shaqo ku jooga Dalka Tanzania, ayaa maanta booqday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Tanzania, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Mudane Deus Sangu, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Xiriirka Shaqaalaha (Minister of State, Prime Minister’s Office – Labour, Employment and Relations).

Labada Wasiir ayaa yeeshay kulan heer sare ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adeed ee Soomaaliya iyo Tanzania, iyagoo is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan dhinacyada ay labada dowladood iska kaashan karaan, gaar ahaan arrimaha la xiriira shaqo-abuurka dhalinyarada, horumarinta awoodda shaqaalaha, iyo is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta hay’adaha labada dal.

Intaas kadib, wafdiga Soomaaliya ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Tanzania ka qaybgalay kulan aqoon iyo khibrad-wadaag ah oo lagu soo bandhigay hannaanka maamulka iyo habraacyada Golaha Wasiirrada Tanzania. Bandhigga ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray diyaarinta iyo maamulka ajandaha Golaha Wasiirrada, isku-duwidda wasaaradaha iyo hannaanka dabagalka, la socodka fulinta go’aannada iyo nidaamka danabysan ee Gollaha Wasiirada (eCabinet).

Wafdiga ayaa sidoo kale booqday Hay’adda Dowladda Tanzania u qaabilsan dijitaalka (e-Government Authority – e-GA), halkaas oo lagu soo bandhigay khibradda Tanzania ee hirgelinta iyo casriyeynta dowladda dijitaalka ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isku-xirka nidaamyada dowladda, kaabeyaasha dijitaalka ah ee ay wadaagaan hay’aduhu, shabakadaha dowladda, aqoonsiga dijitaalka ah, adeegyada danabaysan, is-dhaafsiga xogta, amniga cyber-ka iyo dejinta halbeegyada lagu hago horumarinta nidaamyada dijitaalka ah ee dowladda.

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xub...
27/08/2026

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka, halka Mudane Cabdiraxiim Cabdi Abiikar loo dalacsiiyay darajada Danjiranimo

Kulanka Golaha oo uu Shir-guddoomiyey ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ah a Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagula dardaarmay masuuliyiinta la ansixiyay in ay xilkooda u gutaan si hufan.

Waxaa magaalada Caruusha ee dalka Tanzaaniya ka furmay kulamo khibrad iyo aqoon is-weydaarsi ah oo looga gol-leeyahay xo...
26/08/2026

Waxaa magaalada Caruusha ee dalka Tanzaaniya ka furmay kulamo khibrad iyo aqoon is-weydaarsi ah oo looga gol-leeyahay xoojinta adeeg bixinta dowladda iyo dar-dargelinta fulinta howlaha hortebinta u leh horumarinta iyo isbeddelka qaranka.

Agaasimeyaasha Wasaaradaha iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha, oo uu hoggaaminayaan Xog-haye ku Xigeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Ibrahim, ayaa ka qeyb-galay kulamadan.

Kulamadan ayaa fursad u siinayo sarakiisha sar-sare ee wasaaradaha iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya in ay khibrado wax-tar leh uga helaan gobolka kuwaas oo la xiriira hanaanka wax qabadka dowladda, isla xisaabtanka, isbeddelada casriga ah ee tiknoolojiyadda, go’aan qaadashada ku saleysan natiijooyinka cilmi barista ee horseedda fulinta siyaasadaha dhaqaalaha, iyada oo khibradahaas sare loogu qaadayo wax-qabadka Wasaaradaha iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah uga furay ma...
25/08/2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho Madasha Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha (Somalia–China Business Networking Forum) shirkaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Madasha ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Safiirrada Soomaaliya iyo Shiinaha, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Afrika iyo Shiinaha, iyo ganacsato iyo maalgashadeyaal ka kala socda Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa ku dhiirrageliyey shirkadaha iyo maalgashadeyaasha Shiinaha in ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soosaarka, kalluumaysiga, beeraha, tamarta, gaadiidka iyo saadka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga ganacsi uu horseedo shaqo-abuur iyo kor u qaadista waxsoosaarka gudaha.

Muqdisho, 24 Agoosto 2026 — Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo saartay dacwad la xiriirtay doorashoo...
24/08/2026

Muqdisho, 24 Agoosto 2026 — Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo saartay dacwad la xiriirtay doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Maxkamaddu, kaddib markii ay dhageysatay dhinacyada dacwadda, isla markaana ay qiimeysay doodaha iyo caddeymaha la hor keenay, waxay go’aamisay in doorashadii dhacday 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadeedu aysan lahayn jiritaan sharci ah.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha inuu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah qabto doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaannada Galmudug, iyadoo la dhowrayo Dastuurka, Sharciga Doorashooyinka iyo xeerarka khuseeya.

Dhanka kale, iyadoo la tixgelinayo danta guud iyo joogtaynta adeegga dowladnimo, Maxkamaddu waxay amartay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilalka inta laga helayo kuwa ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.

WAR-SAXAAFADEEDNatiijada Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Xildhibaanno Mucaaradka.Maan...
23/08/2026

WAR-SAXAAFADEED

Natiijada Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Xildhibaanno Mucaaradka.

Maanta oo Axad ah, 23-ka Agoosto 2026, waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo guddi matalayey Xildhibaannada Mucaaraadka.

Wadahadalladan oo ku qabsoomay jawi deggan oo walaaltinimo leh, waxaa looga arrinsaday sidii loo dardargelin lahaa hawlaha Golaha, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Xildhibaannada.
Dhinacyadu waxay isku raaceen qodobbada soo socda:

1. Dhexdhexaadnimada Golaha: In Goluhu u ahaado mid dhexdhexaad u ah dhammaan dhinacyada, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo loona dhowro Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

2. Midnimada Golaha: In la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta Xildhibaannada, si hawlaha sharci-dejinta, Matalaadda iyo korjoogteynta hay’adaha Dowladda ay ugu socdaan si habsami leh oo wax-ku-ool ah si waafasan qodobka 7aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

3. Xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha Shacabka uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u cabbiro aragtidiisa iyo fikirkiisa, iyadoo la dhowrayo Qodobka 28aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.

4. Ilaalinta xaadirista fadhiyada Golaha: Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mucaaradka waxay isku raaceen in si wadajir ah looga soo qaybgalo fadhiyada Golaha, si waafaqsan qodobka 23aad, farqigiisa 1aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane
Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Xildhibaannada Mucaaradka waxay ugu baaqeen dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada Baarlamaanka, xoojiyaan wadajirka Golaha, kana shaqeeyaan danta guud iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa daqiiqado ka hor how...
22/08/2026

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa daqiiqado ka hor howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Warciise ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo, kulan kula qaatay qaar ka mid s...
17/08/2026

Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo, kulan kula qaatay qaar ka mid saraakiisha Ciidanka Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Puntland iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland Gen Aaden Cabdi Xaashi.

Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee Go...
16/08/2026

Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, xildhibaanno, saraakiil iyo marti-sharaf kale.

Ciidamada tababarka qaatay ayaa munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus ciidan iyo gaadda ka ciyaar.

Tobanka arday ee kaalmaha ugu horreeya ka galay Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad.
15/08/2026

Tobanka arday ee kaalmaha ugu horreeya ka galay Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad.

Address

Kismayo

Telephone

+252615677676

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Soyaal Radio FM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Soyaal Radio FM:

Shortcuts

Share

Category