28/10/2025
Faaidooyinka ay ledahy { ياحي ياقيوم} :-
1. Dulqaad iyo degenaansho qalbi
– Qofka had iyo jeer ku celceliya wuxuu dareemaa xasillooni iyo deganaan, qalbigiisana waxaa ku yaraada walbahaarka iyo murugada.
2. Xoojin iyo ilaalin Iimaan
– Waa magacyo xoojiya xiriirka addoonka iyo Rabbigiisa, qofka si joogto ah u dhahaana Eebe wuxuu ku hanuuninayaa toosnaanta.
3. Dambi dhaaf iyo naxariis Eebe
– Waxaa la wariyay in Nabigu ﷺ uu inta badan ku duceyn jiray:
“Yaa Xayyu Yaa Qayyuum, bi-rahmatika astaghiith.”
4. Ka difaac shaydaanka iyo shararka
– Ku celcelinta magacyadan waxay difaac adag ka noqotaa waswaaska iyo falalka shaydaanka.
5. Nolosha iyo risiqa barako
– Waxaa lagu sheegaa in qofka had iyo jeer ku dhaha “Yaa Xayyu Yaa Qayyuum” uu arko barako nolol, caafimaad iyo risiq ahaanba.
6. Furaha ducooyinka la aqbalo
– Waa laba magac oo duco kasta lagu bilaabo ama lagu daro si ay u noqoto mid la aqbalo, maadaama ay yihiin magacyada ugu sarreeya ee Ilaahay.
7. Ka saaridda murugada iyo welwelka
– Qofka murugaysan ama culeys ku haya marka uu dhaho “Yaa Xayyu Yaa Qayyuum” niyadiisa way nasataa, Eebana wuu u fududeeyaa arrimihiisa.
8. Wuxuu kor u qaadaa iimaanka iyo kalsoonida Eebbe
– Waxaa ku dhisan aqoonsi iyo kalsooni, in Eebbe yahay mid nool oo aan waligiis dhiman, wax walbana gacantiisa ku jira.
9. Wuxuu kuu sugaa quluubta toosnaanta iyo tawfiiqda
– Qofka markasta ku xasuusta Eebbe magacyadiisaas waxaa qalbigiisa lagu toosiyaa khayrka iyo hanuunka.
10. Wuxuu furaa albaabada raxmada
– Qofka si joogto ah u akhriya magacyadan, Eebbe wuxuu u furayaa albaabada kheyrka iyo raxmadiisa — xitaa meel uusan filanayn.
_______Gunaanad_______
Magacyadan waa sir iyo furaha nolosha ruuxiga ah — qofka ku noolaada erayadan wuxuu dareemayaa nolol iftiin leh, qalbi daggan, iyo xiriir joogto ah oo Ilaahay la leh.
Abdullaji