Radio Ramaas

Radio Ramaas Ku soo dhawaada Page ka Rasmiga ah ee Radio Ramaas.

Waa Idaacad Xooga saari Doonta Arimaha Waxbarashada, Caafimaadka,Ganacsiga iyo u doodida Xuquuqda Haweenka Waxaad naga Dhageysan kartaan Mowjada FM 89.7Mhtz -Kismayo -Somalia

Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay 30 muwaadin oo xaalado adag ku haystay dalka LiibiyaWasiir kuxigeenka Arrimaha D...
25/06/2025

Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay 30 muwaadin oo xaalado adag ku haystay dalka Liibiya

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Isaak Mohamud Mursal ayaa shaaca ka qaaday in maanta dalka dib loogu soo celiyay 30 muwaadin oo Soomaali ah oo oggolaanshahooda looga soo kaxeeyay dalka Liibiya kadib xabsi iyo xaalado adag oo nololeed oo halkaasi ku haysatay.

Wasiir kuxigeenka oo hadal ka jeediyay Gegidda diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho markii ay ka soo degtay diyaaraddii siday muwaadiniintaasi, ayaa hadalkii uu warbaahinta u jeediyay ay ahayd sidatan:

Bismillaah.

Waxaan halkaan u taagannahay inaan soo dhoweyno in ka badan 30 muwaadiniin Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah looga soo daad-gureeyey dalka Liibiya, ka dib markii ay soo mareen xabsiyo iyo xaalado nololeed oo aad u adag.

Waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda ay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa soo gaaraan ku dhowaad 60 muwaadiniin kale, kuwaasoo isna laga soo badbaadiyey halisyo naf iyo maalba leh.

Tallaabadan waa qayb ka mid ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto yareynta tahriibka sharci darrada ah, oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku waayeen noloshooda.

Anigoo ku hadlaya magaca dowladda, waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed, hayโ€™adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn inay si buuxda uga qayb qaataan badbaadinta muwaadiniinteenna, arrintanina waa masโ€™uuliyad wadareed.

Sidoo kale, waxaan codsaneynaa in laga bilaabo maanta, hayโ€™adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay si adag ula dagaallamaan shabakadaha tahriibka ee dhalinyaradeenna ka dhoofinaya gudaha dalka.

๐Œ๐”๐‚๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐Š๐€ ๐”๐” ๐‡๐Ž๐†๐†๐€๐€๐Œ๐ˆ๐˜๐Ž ๐’๐‡๐„๐„๐Š๐‡ ๐’๐‡๐€๐‘๐ˆ๐ˆ๐… ๐Ž๐Ž ๐Š๐”๐‹๐€๐ ๐—๐€๐‘๐”๐๐“๐€ ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐—๐“๐Ž๐Ž๐˜๐€๐ƒ๐€ ๐Š๐”๐‹๐€ ๐‹๐„๐‡ ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐—๐–๐„๐˜๐๐„ ๐—๐€๐’๐€๐ ๐’๐‡๐„๐„๐Š๐‡Madasha Mucaaradka...
25/06/2025

๐Œ๐”๐‚๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐Š๐€ ๐”๐” ๐‡๐Ž๐†๐†๐€๐€๐Œ๐ˆ๐˜๐Ž ๐’๐‡๐„๐„๐Š๐‡ ๐’๐‡๐€๐‘๐ˆ๐ˆ๐… ๐Ž๐Ž ๐Š๐”๐‹๐€๐ ๐—๐€๐‘๐”๐๐“๐€ ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐—๐“๐Ž๐Ž๐˜๐€๐ƒ๐€ ๐Š๐”๐‹๐€ ๐‹๐„๐‡ ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐—๐–๐„๐˜๐๐„ ๐—๐€๐’๐€๐ ๐’๐‡๐„๐„๐Š๐‡
Madasha Mucaaradka ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa gaarey Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somaliya, halkaas oo goor dhow uu ka furmi doono kulan ay la yeelanayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan waxaa dhinaca mucaaradka ka maqan xubno ay ka mid yihiine RW h**e Cabdi Faarax Shirdoon iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Nairobi saaka waxaa la filayaa dibadbaxyo waaweyn, dabcan rabshadana waa ay dhici karaan. Soomaalida ku dhaqan caasimada...
25/06/2025

Nairobi saaka waxaa la filayaa dibadbaxyo waaweyn, dabcan rabshadana waa ay dhici karaan. Soomaalida ku dhaqan caasimada fadlan guryihiina jooga, ganacsiga Islii taxadar halaga muujiyo. Qaasatan socodka bartamaha caasimada waa halis xiliyada banaanbuxu socda. Dan walba oo aad maanta magaalada ka lahayd baaji. Caruurta iskuul iyo madarasaba yaanan loo dirin.

๐—๐Ž๐†๐‡๐€๐˜๐€๐‡๐€ ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐’๐‡๐€ ๐Œ๐”๐‚๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐Š๐€ ๐Œ๐€๐—๐€๐Œ๐„๐ƒ ๐€๐€๐ƒ๐€๐ ๐Š๐Ž๐Ž๐…๐ˆ: "๐†๐š๐ฅ๐š๐›๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐ˆ ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐จ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ง๐๐š๐š๐ง๐ฌ๐ข ๐ฅ๐ž๐ก ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐จ ๐ฌ...
24/06/2025

๐—๐Ž๐†๐‡๐€๐˜๐€๐‡๐€ ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐’๐‡๐€ ๐Œ๐”๐‚๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐Š๐€ ๐Œ๐€๐—๐€๐Œ๐„๐ƒ ๐€๐€๐ƒ๐€๐ ๐Š๐Ž๐Ž๐…๐ˆ: "๐†๐š๐ฅ๐š๐›๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐ˆ ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐จ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ง๐๐š๐š๐ง๐ฌ๐ข ๐ฅ๐ž๐ก ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐จ ๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ ๐ž๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐š๐ง ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ๐ง๐š ๐š๐ฆ๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐ข๐ง ๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐จ ๐—๐š๐š๐Ÿ๐š๐๐๐š"
Galabta, abaare 4:00pm, waxaa gurigeyga sifo sharci darro ah oo daandaansi leh ku yimid ciidamo sheegey in ay ka socdaan gobolka, waxayna amreen in aan ka guuro xaafadda.
Aniga oo weli ixtiraamaya amniga iyo dowladnimada, waxaan ku dadaalay in aan wax dhib ah ka dhicin goobta, waxaana ku wargeliyey in ay shirciyad la yimaadaan, kuna laabtaan ciddii soo dirtey.
H**e ayaan u helayey fariimo digniin ah, kuwaas sheegayey in uu jiro qorshe lagu beegsanayo xubnaha Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed, iyo guud ahaan mucaaradka ka aragtida duwan madaxda dowladda, waxaanse garan waayey sababta dowlad kasta ay Maxamed Madarkicis uga bilaawdo howlgalkeeda.
Haddii dowladnimada iyo sharciga la baalmaro, raggu waa siman yahey ee taa hala ogaado.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaank...
24/06/2025

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka qeybta 5-aad ee Ciidamada AUSSOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Dhanka ciidamada AUSSOM waxaa hoggaaminayey Col. Oscar Hatungimana.

Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guutadda 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Yuusuf.

Saaka weerarada Iraan waxay gaysteen musiibo wayn, dhimasho iyo dhaawac la qarin waayay ayaa jira, tiro yar ayay sheegee...
24/06/2025

Saaka weerarada Iraan waxay gaysteen musiibo wayn, dhimasho iyo dhaawac la qarin waayay ayaa jira, tiro yar ayay sheegeen wargaysyada waawayn laakiin wariyayaal madax banaan ayaa sheegay inay dhimashadu toban kor u dhaafayso. Burbur xoog leh ayaa jira sidoo kale, dad faro badan ayaa lugu la yahay oo la raadinayaa.

Isra1l waxay samayn jirtay inay wariyayaasha aad u xakamayso, si aysan xogta dhimashada iyo dhaawac si sax ah ugu tabin, hadda waxaa laga yaabaa inay talo gacanta ka baxday.

Isra1l waxay diraysaa digniino ku aadan inay Iraan wali soo waddo madaafiic xoog leh iyo weerarro.

Wixii kasoo kordha, mar walba nala socda.

6 lix markab oo nooca shidaalka qaada ayaa dib uga laabtay 24 saac ee la soo dhaafay marinka Hormuz, iyagoo ka walaacsan...
24/06/2025

6 lix markab oo nooca shidaalka qaada ayaa dib uga laabtay 24 saac ee la soo dhaafay marinka Hormuz, iyagoo ka walaacsan badqabkooda , waxayna xaaladan si dhaqso ah saameyn ugu yeelatay qiimaha shidaalka caalamka oo in ka badan 20% maraakiibta shidaalka caalamka ay adeegsadaan marinkan Hormuz ee ay Iiraan gacanta ku heyso, sida uu ku warramay wargeyska Wall Street Journal.

Kuuriyada waqooyi waxay cambaaraysay weerarka Maraykanku ku qaaday Iraan, halka Sacuudigu uu cambraareeyay weerarka Iraa...
23/06/2025

Kuuriyada waqooyi waxay cambaaraysay weerarka Maraykanku ku qaaday Iraan, halka Sacuudigu uu cambraareeyay weerarka Iraan ku qaaday saldhigyada Maraykanka ee Qadar ku yaalla.

23/06/2025

Caawa iyo xaalada qadar # # #@@@@

Taliyaha Cusub Qeybta 60aad ee CXDS G/Sare Maxamed Yariisow , Nin dhallinyaro ah Aqoonyahan Soodhowow Taliye ๐Ÿซก.
23/06/2025

Taliyaha Cusub Qeybta 60aad ee CXDS G/Sare Maxamed Yariisow , Nin dhallinyaro ah Aqoonyahan Soodhowow Taliye ๐Ÿซก.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY HIIGSIGA QARAN 2060Muqdisho, Juun 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
23/06/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY HIIGSIGA QARAN 2060

Muqdisho, Juun 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taas oo xoojinaysa hiigsiga nabadda, midnimada iyo horumarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hiigsiga 2060 uu yahay ballan-qaad qaran oo ku wajahan jiilasha soo socda, kuwaas oo fursad u heleya dhaxalka aynu maanta u abuurayno iyo in dalkeennu uu la tartamo dalalka horumaray.

โ€œWaxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barriโ€.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddo cusub oo lagu gaari karo horumar waara ayaa soo bandhigay tiirarka uu ka kooban yahay Hiigsiga Qaran 2060-ka.

"Aragtidan waxay ku saleysan tahay saddex tiir oo muhiim ah:
โ€ข Midnimo qaran iyo ilaalinta qiyamka Soomaaliyeed.
โ€ข Xalka Soomaaliyeed oo lagu saleeyo xaqiiqooyinka gudaha.
โ€ข Mudnaanta danta guud ee shacabka Soomaaliyeed".

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba, in ay qayb ka noqdaan hirgelinta qorshahan qaran, isagoo adkeeyay in guusha qorshahan ay ku xirnaan doonto dadaalka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Mohamed Dugoow ,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
[email protected]

๐‘ซ๐‘ฌ๐‘ฎ๐‘ซ๐‘ฌ๐‘ฎ: ๐‘ฐ๐’Š๐’“๐’‚๐’‚๐’ ๐’๐’ ๐‘ฎ๐’‚๐’๐’•๐’‚๐’‚๐’๐’๐’ ๐’Œ๐’– ๐’˜๐’†๐’†๐’“๐’‚๐’“๐’•๐’‚๐’š ๐‘บ๐’‚๐’๐’…๐’‰๐’Š๐’ˆ๐’ˆ๐’‚ ๐‘จ๐’-๐‘ช๐’–๐’…๐’†๐’š๐’… ๐’†๐’† ๐‘ช๐’Š๐’Š๐’…๐’‚๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ด๐’‚๐’“๐’†๐’š๐’Œ๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐’Œ๐’– ๐’๐’†๐’†๐’š๐’Š๐’‰๐’Š๐’Š๐’ ๐’…๐’–๐’๐’†๐’†๐’…๐’Œ๐’‚ ๐’Ž๐’‚๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ซ๐’๐’‰...
23/06/2025

๐‘ซ๐‘ฌ๐‘ฎ๐‘ซ๐‘ฌ๐‘ฎ: ๐‘ฐ๐’Š๐’“๐’‚๐’‚๐’ ๐’๐’ ๐‘ฎ๐’‚๐’๐’•๐’‚๐’‚๐’๐’๐’ ๐’Œ๐’– ๐’˜๐’†๐’†๐’“๐’‚๐’“๐’•๐’‚๐’š ๐‘บ๐’‚๐’๐’…๐’‰๐’Š๐’ˆ๐’ˆ๐’‚ ๐‘จ๐’-๐‘ช๐’–๐’…๐’†๐’š๐’… ๐’†๐’† ๐‘ช๐’Š๐’Š๐’…๐’‚๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ด๐’‚๐’“๐’†๐’š๐’Œ๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐’Œ๐’– ๐’๐’†๐’†๐’š๐’Š๐’‰๐’Š๐’Š๐’ ๐’…๐’–๐’๐’†๐’†๐’…๐’Œ๐’‚ ๐’Ž๐’‚๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ซ๐’๐’‰๐’‚ ๐’†๐’† ๐’…๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ธ๐’‚๐’•๐’‚๐’“.
Wararka hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ilaa saddex Gantaal ay ku dhaceen saldhigga Al Udeid ee Ciidamada Mareykanka, waxayna Ilaalada Kacaanka Iiraan shaaciyeen goor dhoweyd inuu bilowday Weerarkii rogaal celinta ee gardarrada Mareykanka, isla markaana uu sii socon doono.
Waxaa kaloo duqeyn kale ay Iran la beegsatay Saldhigga ciidamada Mareykanka ee dalka Ciraaq, waxaa kaloo laga cabsi qabaa inay Iran weerarto saldhigyo kale.

Address

Kismayo

Telephone

+252617253125

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Ramaas posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Ramaas:

Share

Category