Radio Ramaas

Radio Ramaas Ku soo dhawaada Page ka Rasmiga ah ee Radio Ramaas.

Waa Idaacad Xooga saarto Arimaha Waxbarashada, Caafimaadka,Ganacsiga iyo u doodida Xuquuqda Haweenka Waxaad naga Dhageysan kartaan Mowjada FM 89.7MHTZ -Kismayo -Somalia

28/08/2026

Kulan lagu Xoojinayo Nabadda oo lagu Qabtay Deegaanka Gaashe ee Galbeedka Kismaayo

Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Hoose & Dhexe ee JubbalandWasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda...
27/08/2026

Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Hoose & Dhexe ee Jubbaland

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanka dugsiyada hoose iyo dhexe ee laga qaaday ardayda ku nool guud ahaan deegaannada Jubbaland.

6-da arday ee ugu sarreeya natiijada imtixaanka dhammaantood waa gabdho, taasoo muujinaysa kartida, dadaalka iyo horumarka gabdhaha reer Jubbaland ee dhinaca waxbarashada.

Guushan waxay sidoo kale ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha iyo fursadaha ay u helayaan inay kaalmo hoggaamineed ka qaataan mustaqbalka Jubbaland.

27/08/2026

Sheekh Cali Nuur, oo ka mid ah culimada magaalada Kismaayo, ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo ardayda kula dardaarmay inay Alle ka cabsadaan, isla markaana ay aqoontooda u adeegsadaan si wanaagsan.

Sheekhu wuxuu sheegay in maanta ay tahay maalin farxadeed oo loo dabaaldegayo guusha ardayda, balse uu xusuusiyay ardayda in guusha dhabta ahi ay ku jirto aqoon iyo dadaal ay si dhab ah ku kasbadeen.

Sidoo kale, Sheekh Cali Nuur ayaa waalidiinta ugu baaqay inay Alle ka cabsadaan, ayna ka fogaadaan wax kasta oo aan sax ahayn, gaar ahaan lacag ama waxyaabo kale oo loo adeegsado in ilmahooda si aan habboonayn loogu fududeeyo imtixaanka.

Sheekhu wuxuu sidoo kale farriin u diray maamulayaasha iskuullada iyo macallimiinta, isagoo ugu baaqay inay Alle ka cabsadaan, kana fogaadaan in xilliyada imtixaanaadka ay meelaha u kala ordaan si ay ardayda iskuulkooda ugu raadiyaan natiijo aan ku salaysnayn aqoon iyo dadaal.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali Nuur ayaa ardayda kula dardaarmay inay ogaadaan in natiijo lagu helo khiyaano iyo wax aan sax ahayn aysan aqoon dhab ah u kordhinayn, balse ay muhiim tahay inay ku dadaalaan waxbarashada, daacadnimada iyo Alle ka cabsiga.

27/08/2026

Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Jubbaland, Mudane Farxaan Xaaji, ayaa sheegay in Golaha Dhalinyaradu, iyagoo ka duulaya doorkooda bulshada, ay hambalyo u dirayaan dhammaan ardayda ku guuleysatay imtixaanka.

Waxa uu dhalinyarada ugu baaqay inay waxbarashada muhiimad gaar ah siiyaan, ayna ku dadaalaan sidii ay aqoontooda uga faa’iideyn lahaayeen naftooda iyo bulshadooda. Waxa uu sidoo kale sheegay in Golaha Dhalinyarada Jubbaland uu diyaar u yahay inuu fududeeyo wax kasta oo ay dhalinyaradu uga baahdaan dhinaca waxbarashada iyo horumarka.

27/08/2026

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland, C/Naasir Seeraar Maax, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa hambalyo u diray ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guusha ay gaareen.

Wasiirka ayaa sidoo kale ballanqaaday in ardayda kaalmaha h**e gashay la siin doono buugaagta manhajka waxbarashada si gaar ah, isla markaana ay dugsiga sare (Secondary) lacag la’aan ku dhigan doonaan.

27/08/2026

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo, Mudane Najiib Barre Salaad, oo ka qeyb galay munaasabadda, ayaa hambalyo u diray ardayda iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay kororka gabdhaha ee waxbarashada, isaga oo sheegay in gabdhuhu maanta si weyn uga qeyb qaataan waxbarashada, halka waagii h**e ay aad ugu yaraa tirada gabdhaha waxbaranayay. Waxa uu sidoo kale mahadcelin u jeediyay waalidiinta oo door muhiim ah ka qaata dhiirrigelinta iyo waxbarashada carruurtooda.

27/08/2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026.

Natiijada waxaa warbaahinta la wadaagay Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, Axmed Faarax Cali Aweys, oo faahfaahin ka bixiyay natiijada imtixaanka.

23/08/2026

Labada oday, hadalkoodu qalbiga ayuu taabtay Nabaddu waa waxa aan dhammaanteen u baahan nahay. Adigu maxaad ka qabtaa?

23/08/2026

Xildhibaan Khadiijo Axmed Ibraahim ayaa sheegtay in shirkii nabadeynta iyo is-cafinta ee laba jifo uu si guul ah ku soo dhammaaday, iyadoo bogaadisay dadaallada lagu gaaray heshiiska iyo nabadda labada dhinac.

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Ramaas posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Ramaas:

Shortcuts

Share

Category