18/11/2023
Ma garanaysaa sababta aan u akhrino ATAXIYAADKA, salaad walba?
Attahiyyaat waa duco aad u muhiim ah oo aan ku celcelino salaadaha maalinlaha ah.
Markii aan ogaaday asalka, dhab ahaantii way dhalaalisay qalbigayga. ❤
Attahiyat run ahaantii waa qayb ka mid ah sheekadii dhex martay Abuurahayaga Alle SWT iyo Nabigeena suuban ee Muxamed (SCW) intii uu ku guda jiray socdaalkiisii Al Isra Wal Miraj.
Nebi Muxamed (scw) markii uu la kulmay Alle SWT, ma odhan ‘Assalaamu calaykum’.
Muxuu odhanayaa marka uu Allaah SWT la kulmo?
ALLIHII na uumay Ma u rajayn karno nabad sababtoo ah dhammaan nabada iyo naxariis Alle ayey u sugnaadeen.
Markaa Nebi Muxamed (SCW) wuxuu yidhi:
"Attahiyyaatu Lillaahi Was Salawatu Wattayyibatu"
(Dhammaan mahad-naq, salaadda iyo cibaadada oo dhan Alle ayay u sugnaatay)
Allaah wuxuu ku jawaabay:
"Assalaamu Calayka Ayyuhannabiyyu 'Waraxmatullahi Wabarka'tuhu"
(Salallaahu calayhi wasallam, Nabiyow, naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye).
Wuxuu Nabi Muxammad (SCW) ugu jawaabay:
"Assalamu Calayna Wa'alaa'Ibadillaahis Saalixiin"
(Nabadgelyo korkiisa ha ahaato annaga iyo dhammaan addoommada Eebbe ee suuban)
Xusuusin*
Nebi Muxammad (SCW) wuxuu "annaga" nagu daray jawaabtiisa...
(iyo dhammaan addoommada Eebbe ee wanaagsan)
Malaa'iktu markay dhageysatay sheekadii dhex martay Alle iyo Rasuulkiisa (scw) waxay tiri:
"Ash'had'uun Laa-Ilahaillallahu Wa Ash'hadu Anna Muhammadun Abd'uhu Wa Rasuuluh"
(Waxaan ka marag kacayaa inuusan jirin cid mudan in la caabudo Alle mooyee, waxaana marag u ah Muxammad inuu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii).
Subxaan Allaah!
Waxaan hadda garanayaa nuxurka sheekadan iyo muhiimadda ay u leedahay salaaddeenna iyo sida Salaadda naloogu amray. 🌺
Hadda oo aad adiguba ogaatay, maxaad u malaynaysaa inaad ku samayso. Bal qiyaas haddii asxaabtaada ay akhriyaan oo ay ogaadaan muhiimada Ataxayaadka oo aad sii share gareyso iyaguna sii share gareeyaan sow ajar manaan wada shaweysan walaaal!!
Lasoco boggayga 👉 Waamo TV