M daalo Media

M daalo Media M daalo Media kala soco xog sugan, Dhacdooyinka dalka iyo dunidaba. Fallow inaad inoo dhahdo waa inoo muhiim.

22/05/2025

Madaxwaynaha Dalka ee 2026.

21/05/2025

Daawo Khawaariijtii oo gododkoodii loogu tagay.

20/05/2025

Hadalba waa intaa uu yiri Wasiir dhaay.

12/05/2025

Tan anaa leh Xasan waraaboow maalin wacan.

Sayidka Ahmed Mohamed Islaam.

25/04/2025

Wiilkii yaraa Xayaysiin buu naf karaadiyay😂 😂Xafiiskii marxuumka in Qarash la’aan baahsan ay ka jirto buu cadaynaayaa Muuqaalkaan.

17/04/2025

Mid reer Laascaanood ah markii noo ducee la dhaho😂😂😂

17/04/2025

DAAWO: Ciidanka Jubbaland iyo Ciidanka xooga dalka oo Khawaariijta ku baacsanaayo duleedka degmada Xagar.

Deegaan xeebeed u dhaw degmada kunta-warey ee Gobolka shabeelada hoose ayaa xalay ay ka dhacday Deegaan xeebeedka oo ay ...
17/04/2025

Deegaan xeebeed u dhaw degmada kunta-warey ee Gobolka shabeelada hoose ayaa xalay ay ka dhacday Deegaan xeebeedka oo ay soo xirteen laba doon oo kuwa Xamuulka qaada sida la sheygana waday 100 fuusto oo shidaal ah ayaa dhowr gantaal lugu dhuftay waxaana goobta ku dhintay 8 qof oo laba ay yihiin yamaniyiin.

Doomaha oo ahaa kuwa u socday kooxda Khawaariijta islamarkaana shidaal u waday iyada oo la sheegaya in ilaa hada ay doomaha gubanayaan oo shidaalkii uu kusii faafay dhanka xeebta.

Weli wax war ah k**a soo bixin dhanka dowlada oo ku aadan duqeynta ka dhacday.

Dhanka kale kooxda khawaariijta ayaa wajaheysa sida la sheegay shidaal la’aan iyada oo dowlada ay saartay culeys dhanka shidaalka ah.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulank...
16/04/2025

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee isku xirka hay’adaha amniga iyo bulshada, kaas oo ka qabsoomay taliska qeybta guud ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku-xigeenka ahna Xoghaya Dowladda Hoose, gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo iyo saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga, kulanka inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta amniga, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha kala duwan, iyo wacyi-gelinta bulshada si loo gaaro horumar iyo xasilooni waarta. Intii uu socday shirka, hay’adaha amniga ayaa soo bandhigay warbixino ku saabsan waxqabadkooda isbuucyadii la soo dhaafay, waxaana laga soo saaray qodobo muhiim ah oo kala ah.

16/04/2025

Xalwo Cabdi Bare oo kala garan la Degmada Dhoobleey iyo Shangaani, Waxaas baa Magac Raisul-Wasaare wato.

12/04/2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odawa Yusuf Rage ayaa Geesiyaasha Xoogga Dalka ugu Hambalyeeyay 65 Guuradii kasoo wareegatay Aas Aaskoodii

Waxqabadka iyo Hogaaminta Wanaagsan ee Madaxweynaha Dowladda Jubaland - (Md. Axmed Maxamed Islaam).--------------------H...
03/04/2025

Waxqabadka iyo Hogaaminta Wanaagsan ee Madaxweynaha Dowladda Jubaland - (Md. Axmed Maxamed Islaam).

--------------------

H.E Ahmed Mohamed Islaam - waa hoggaamiye leh aragti dheer, dadaal joogto ah, iyo karti hoggaamineed oo wax ku ool ah. Tan iyo markii uu qabtay xilka Madaxweynaha Jubaland, wuxuu ku guuleystay horumarinta amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, iyo xoojinta iskaashiga heer gobol iyo heer federaal.

Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee Madaxweyne Ahmed Mohamed Islaam waa xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida deegaanada Jubaland, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah. Waxa uu ka shaqeeyay dhismaha ciidamo tayo leh oo awood u leh in ay sugaan amniga, taasoo horseeday dib u soo celinta nolol maalmeedka bulshada iyo koboca ganacsiga.

Sidoo kale, hoggaankiisa waxa uu muhiim u noqday horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxa uu dhiirrigeliyay dadaallo lagu dhisayo waddooyin, xarumo caafimaad, iyo xarumo waxbarasho oo sare u qaadaya nolasha dadka reer Jubaland.

Madaxweyne Ahmed Maxamed Islaam wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, isagoo hormuud ka ah wadahadallada dib u heshiisiinta iyo xoojinta xiriirka Jubaland la leedahay dowladda federaalka iyo beesha caalamka.

Hoggaamintiisa kartida leh iyo juhdigiisa joogtada ah waxa ay Jubaland ka dhigeen deegaan leh nidaam dawladnimo oo kobcaya, kaas oo rajo gelinaya shacabka. Waxa uu tusaale wanaagsan u yahay hoggaamiye mas’uul ah, daacad ah, kana shaqeeya danta guud.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Mohamed Islaam, waa hoggaamiye mudan in la bogaadiyo dadaalkiisa iyo horumarka uu ka sameeyay Jubaland, isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegaya shacabkiisa.

Runtii waa hogaamiye ku dayasho mudan.

Q/R:- Abdinasir Hussein Haji

Address

Kalkaal Street
Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when M daalo Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to M daalo Media:

Share