Jubbaland Daily News

Jubbaland Daily News Wacyi galinta iyo hormarinta bulshada somaliyed guud ahan iyo gaar ahan dadka reer jubaland

AHMED MADOOBE IYO AL-SHABAAB, QALCADDII JALDAYSTE !!.Waa horraantii October 2011, waxaan fadhinaa geed caan ah oo ku yaa...
08/12/2024

AHMED MADOOBE IYO AL-SHABAAB, QALCADDII JALDAYSTE !!.

Waa horraantii October 2011, waxaan fadhinaa geed caan ah oo ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka Dhoobley oo la dhaho XAADH-XAADHKA, waxaan la socdaa masuuliyiin ka socday dowladdii KMG ahayd ee xilligaa, waxaana ka mid ahaa DPM Xuseen Carab Ciise ahaana wasiirkii Gaashaandhigga, Gen Cabdulqaadir Cali Diini Taliyihii Ciidanka Xoogga ee xilligaas iyo Gen Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo ahaa Taliyihii ciidamada SNA ee Dhoobley joogay.

Waxaannu halkaas u tagnay inaan soo qaadno dhaawac fara badan oo ka dhashay dagaal saddex habeen ka hor ka dhacay Dhoobley oo dhexmaray SNA iyo Jabhaddii Raaskaanbooni oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab oo weerar ku soo qaadday Dhoobley, waxaana khasaaraha badiyay ciidamada Dhoobley wada joogay ee SNA iyo Kaambooniyiinta oo lagu soo wada tababaray xeradii KAMAANGA ee Kenya inaysan isku talis ahayn oo aysan isku dhufays ahayn oo kooxda argagixisada ah ee weerarka soo qaadday ay xabadda ka bilaabeen labada ciidan dhexdooda taasoo keentay in rag badan waxyeelo ka soo gaarto xabad ka soo dhacaysay saaxiibkii ciidankii ay xerada KAMAANGA kasoo wada baxeen.

Madaxdii dowladda KMG ka socotay dhaawicii ayay u qaadeen Nairobi oo ahayd meesha aan ka soo baxnay, aniga oo ahaa madaxa SNTV Nairobi, waxaan ku hadhay Gen. Dhuumaal oo Dhoobley u joogay inuu qiimeeyo gaadiid ka fadhiistay ciidamada SNA ee halkaas deggan, iskuna dubba-rido, maadaama weerarkii Dhoobley dhaawac weyn soo gaarsiiyay.

AXMED MADOOBE SHABAAB LAMA DAGAALAMO : HADAL MALAGGII GALAY IGA DHEH.

Axmed Maxamed Islaan wixii habeenkaas weerarka Dhoobley ka danbeeyay wuxuu go'aansaday inuu gudaha usii galo Soomaaliya oo ciidankiisa iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed haddii ay dhufays kaga sii wada jiraan Dhoobley ay cadowga Al-Shabaab ka faa'iidaysanayaan, wuxuuna degay meel la dhaho JALDAYSTE oo qiyaastii 30KM gudaha Soomaaliya ku jirta, waana maxallu shaahidka sheekadeena sida cinwaanka ka muuqata.

Dhul aan Jaldayste ka fogayn sida Bilis-Qooqaani,Taabta, Xayo, Afmadow iyo kaymaha Kaanbooni waxaa isaga habar wacday sidii dhurwaa raq arkay wixii Al-Shabaab joogay, waxaana la isu keenay xoogag argagixiso oo gaaraya 3000 oo dagaalyahan, waxaana labo maalmood gudahood la hareereeyay JALDAYSTE oo Axmed Maxamed Islaam iyo ciidan gaadhaya 600 oo Kaambooniyiin ah saldhig u ah.

Waxaan anigu dhinac fadhiyaa ( Xaadh-Xaadhka) General Dhuumaal oo ciidanka SNA ee Dhoobley ku hadhay taliye u ah, wuxuuna haystaa telephone Thuraya ah oo uu hayo qof Axmed Madoobe la jooga, waxaana toos la noogu soo gudbin duulaanku inta uu le'egyahay iyo diyaar garowga ciidamada Kaambooniyiinta ee dhufayska adag qotay, waxyaabaha kale ee Isgaarsiinta la noogu sheegi waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa ka socda safka cadowga iyo xataa in ninka dagaal gelinta qaabilsanaa maalintaas uu ahaa nin ajnebi ah oo luuqadda Carabiga ku hadlaya oo marna leh تقدم oo ah GALA marna leh انسحاب oo ah dib u gurta

Kooxaha argagixisada maalintaas Istiraatiijiyadda dagaalka ayaa ka khaldanayd oo ciidankii Kaambooniyiinta ahaa ee Jaldayste deganaa waxay ku soo weerareen qaab Giraan ah ( Circle ) haddaad rabtid ciidan inaad jebiso waa inaad u banaysaa meel uu ku cararo, laakiin kooxaha argagixisada hunguri ayaa qaaday oo waxay rabeen inay furtaan hub casri ah oo fara badan oo Kaambooniyiintu wateen, Halkaasna ku qabtaan ama ku dilaan Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhallinyaro ka tirsanaa Kaambooniyiinta ayaa ii sheegay maalintaas in waxyaabihii badbaadiyay ka mid ahayd, adkaysi iyo dhiirri-gelin xagga hogaamiyahooda Axmed Madoobe ka imaanaysa, waxayna ii sheegeen in ragga intiisa badan ay maro sida xariggii u samaysan ay jilbaha ku xirteen si ay cadowga u wajahaan oo aysan dhufayska uga bixin.

Waxyaabihii mucjisada ahaa ee dagaalkii Jaldayste waxaa ka mid ahaa in koox ka tirsan ilaalada khaaska ah ee Axmed Midoobey inta ay xoog ugu fureen wadiiqo ay kula cararaan Axmed Madoobe, laakiin inta uu ka diiday oo weliba qaarkood u gacan qaaday ayuu dhufayska dhinaciisa ka galay, halka uu markii h**e qoryaha u cabaynayay ragga ay rasaastu ka soo dhamaato, jidkaas xoogga loogu furay Axmed ee uu diiday inuu ciidanka kaga dhex tago cadow saddex jiho ka jooga waxaa markii danbe ku soo baxsaday nin madaxda sare ee jabhadda ka mid ahaa oo Dhoobley noogu yimid isaga oo noo sheegay inaan qof ka tirsan ciidamadii 600 ahaa iyo hoggaamiyahoodii Axmed Maxamed Islaam aan nolol loogi tegayn.

Waxaa markaa ka baxaya Dhoobley gurmad SNA ah oo uu hormuud u yahay nin sarkaal ahaa oo Cabdi Madoobe la dhihi jiray, laakiin waxay ku gaareen meeshii oo lagu kala baxay, oo kooxihii weerarka soo qaadayna ay afarta jiho u kala firxadeen, dagaalyahanno tiro beel ahna laga laayay.

Aniga iyo madaxdii kale waxaan soo gaarnay Jaldaysta oo dharaar cad lagu kala baxay, ciidamadii Kaambooniyiintuna u guureen Taabte oo gudaha sii jirta.

Wixii intaas ka danbeeyay xoraynta Jubbooyinku waxay ahayd taariikh maalintaas qorantay, oo dhiig loo huray.

Anigu halkaas k**a soo noqon balse waxaan sii raacay ciidamadii xoraynta waxaana dhowr bilood goob joog u ahaa weerarrada joogtada aha ee ka dhacayay Bilis-Qooqaani, Xayo ilaa aagga Afmadow

Maxamed ilkacase aya qoray warbixintan

Dhul Ragii laha xoreystay ayay usoo duuleen iney sawir kusoo galaan meelihi loo diray iney soo xoreeyaana Carar iyo firx...
29/11/2024

Dhul Ragii laha xoreystay ayay usoo duuleen iney sawir kusoo galaan meelihi loo diray iney soo xoreeyaana Carar iyo firxad ayay kalaso laabteen Away Cowsweyne

ODAYAASHA DHAQANKA JUBALAND OO GUDIGA DOORASHOOYINKA KU WAREEJIYAY LIISKA 75-TA XILDHIBAAN EE CUSUB.Odayaasha dhaqanka e...
19/11/2024

ODAYAASHA DHAQANKA JUBALAND OO GUDIGA DOORASHOOYINKA KU WAREEJIYAY LIISKA 75-TA XILDHIBAAN EE CUSUB.

Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega Jubaland ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland feylasha liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Saddexaad ee Jubaland.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland, Dr. Mursal Siyaad Maxamed, oo ay wehliyaan xubnaha guddiga doorashada, ayaa mid-mid u qaabilay odayaasha dhaqanka. Intii kulanku socday, oday kasta ayaa guddiga ku wareejiyay xubinta uu matalo, taasoo beesha uu ka soo jeedo ku meteli doonta Golaha Wakiillada cusub.

Odayaasha dhaqanka ee maanta soo gudbiyay liiska xubnaha cusub ayaa warbaahinta u sheegay in ay si buuxda u gutteen doorkii ugu muhiimsanaa ee dhismaha Golaha Wakiillada Jubaland, oo ah hay’adda sharci-dejinta ee aas-aaska u ah dowladnimada Jubaland. Waxay sheegeen in ay ka go’an tahay in ay ka shaqeeyaan midnimada, wadajirka, iyo horumarka deegaanada Jubaland, iyagoo markasta mudnaanta siinaya maslaxadda guud ee bulshada.

18/11/2024

Is-burinta hadallada Raisul Wasaaraha.

1-Ahmed Madoobe ma haysto sharciyad uu ku maamulo doorashada Jubbaland, laakiin wuxuu haystaa sharciyad uu doorashada Federaalka wax ka maamulo.

2-Ahmed Madoobe ma beddeli karo dastuurka Jubbaland, laakiin wuu nala beddeli karaa midka Federaalka ah.

3-Ahmed Madoobe ma haysto sharciyad oo wakhtigii wuu ka dhamaaday, laakiin hadduu nala shaqeeyo wuu sii joogi karaa.

pm waa nin shakhsiyad fiican, laakiin koox Mafia ah baa ilaahay wax ugu daray.

أَفَتُؤْمِنُونَ بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ

Jadwalka doorashada Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo shaacinta xubnaha Golaha Wakiilada ee Jubbaland.Doorashada ...
16/11/2024

Jadwalka doorashada Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo shaacinta xubnaha Golaha Wakiilada ee Jubbaland.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa la qabanayaa 25 bishan November.

Xildhibaanada Baarlamaanka JFS ku matala Jubaland ee shirka wadatashiga ah u jooga Magaalada Kismaayo ayaa tageeray go’a...
11/11/2024

Xildhibaanada Baarlamaanka JFS ku matala Jubaland ee shirka wadatashiga ah u jooga Magaalada Kismaayo ayaa tageeray go’aanka lagu qabanayo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Jubaland iyagoo ka horyimid qorshaha mudo kordhinta loogu samaynayo Dowladaha xubnaha ka ah JFS.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada guud ee siyaasada iyo marxaladan adag ee uu dalku marayo.!

10/11/2024

XASAN IYO XAMZOOW talada Ugaas QORANE qaata walee taladii ugu wacnayd ayuu idin siiyay walaal kujecelba kula taliyee

04/11/2024

"In kabadan 40 xildhibaan ayaa gaari doonta Jubaland wada tashiga Axmed Madoobe waan aqbalnay"

Xildhibaan Xasan Firinbi

War Saxaafadeedkii Jubbaland iyo Jawaabtii Warmartiyeedkii kasoo baxay GWQ  Wakana
31/10/2024

War Saxaafadeedkii Jubbaland iyo Jawaabtii Warmartiyeedkii kasoo baxay GWQ Wakana

Zaynab Cali Yuusuf oo ah ardayad dhigata dugsiga Waamo Stadium ee degmada Kismaayo ayaa kaalinta 1-aad ka gashay imtixaa...
24/08/2024

Zaynab Cali Yuusuf oo ah ardayad dhigata dugsiga Waamo Stadium ee degmada Kismaayo ayaa kaalinta 1-aad ka gashay imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024.

Deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada hoose.Jubbaland-Soomaaliya🇸🇴
07/08/2024

Deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada hoose.

Jubbaland-Soomaaliya🇸🇴

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu waday in Muqdisho ka dhaco ayaa Kismaayo loo wareejiyay dalab ka yimid Axmed Mad...
06/08/2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu waday in Muqdisho ka dhaco ayaa Kismaayo loo wareejiyay dalab ka yimid Axmed Madoobe.

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubbaland Daily News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Jubbaland Daily News:

Share