ALTA JUBBA TV

ALTA JUBBA TV ALTA JUBBA CABLE TV
WAA ISHA WARARKA SOOMAALIDA

17/08/2025
16/08/2025

Xeebta Kismaayo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehelinayeen Wasiiru-dowlaha...
16/08/2025

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehelinayeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Senatar Aadan Cabdinaasir Maxamed.

Hay'adda aqoonsiga Qaranka oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqday in ay hubiyaan xogtooda xilliga isdiwaan galinta .
16/08/2025

Hay'adda aqoonsiga Qaranka oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqday in ay hubiyaan xogtooda xilliga isdiwaan galinta .

16/08/2025

Shacabka Magaalada kismaayo ayaa cabasho ka muujinaya sicir barar baahsan oo deeganadaas ka jira ,

16/08/2025

Shalay Reer Kenya oo si weyn u xusay maalinta Ogandenia

16/08/2025

Dhalinyarada Qaaradda Afrika waxay ku le'anayaan Tahriib

16/08/2025

Wasaradda Maaliyada Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hanaanka danabaysan ee Maaliyada uu shaqada Maaliyada horumar u yahay #

Muqdisho, Agoosto 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamk...
16/08/2025

Muqdisho, Agoosto 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay ilaa 11 Khawaarij ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalka koowaad oo dhacay 12-kii Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.

Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah.

Howlgalka saddexaad oo 14-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.

16/08/2025

Puntland # Munaasabad lagu dhaarinayay ciidan boolis ah ayaa askarta lagu dhaariyay In puntland dal ay tahay .

15/08/2025

Madaxwyne Mustafa oo fariin u diray Mucaaradka xukuumadiisa

15/08/2025

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam

Address

Mogadishu Main Road
Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ALTA JUBBA TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ALTA JUBBA TV:

Share