The Kismayo Times

The Kismayo Times KT is a multi-media outlet that will provide you with the latest and . Stay tuned for The Kismayo Times is your news.

We provide you with the latest breaking news and videos straight from the event when they are occurring .

RW Mohamed Hussein Roble ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ka dib safarkiisii Jubaland.
11/07/2021

RW Mohamed Hussein Roble ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ka dib safarkiisii Jubaland.

08/07/2021

RW Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynaha Jubaland oo wadajir u shirgudoomiyey shirkii Golaha Wasiiradda ee labada heer.

Kullanka kadib labadda masuul ayaa goobjoog ka noqday heshiis wadashaqeyn oo ay kala sixiixdeen wasaaradda Qorsheynta ee heer Federaal iyo Heer Dowladgoboleed.

Isha ~ Jubaland State House

Natiijooyinka hordhaca ah Ee 6 degmo waxaa hogaaminaya Xisbiga Kulmiye.
02/06/2021

Natiijooyinka hordhaca ah Ee 6 degmo waxaa hogaaminaya Xisbiga Kulmiye.

29/05/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Hindiya Mudane Virander Kumar Paul

Kismayo Times

Ugu danbeyn hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa ka heshiiyey khilaafkii doorashada ee soo taagnaa tan iyo Oktoobar 2020. Ray...
27/05/2021

Ugu danbeyn hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa ka heshiiyey khilaafkii doorashada ee soo taagnaa tan iyo Oktoobar 2020. Raysalwasaare Mohamed Hussein Roble ayaana dalka ku hogaamiyey meelin taariikhiya.

Shirkii Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka ayaana lagu wadaa si guul ah in uu koldhow ku soo gabagaboobo.

The Kismayo Times

Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Itoobiya oo ka jawaabeysey go'aanka ay xanibaada dhanka socdaalka ah ku duldhigeen mas...
24/05/2021

Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Itoobiya oo ka jawaabeysey go'aanka ay xanibaada dhanka socdaalka ah ku duldhigeen masuuliyiinta ku lugta leh dagaalka ka socda Gobalka Tigreyga ayaa nasiib daro ku tilmaamtay cadaadiska aan sharciga ahayn ee oga imaanaya dhanka dowladda Mareykanka.

Goor sii h**eysey oo Isniinta maanta ah, ayey go'aamo dhanka socdaalka ah dhuldhigtay masuuliyiinta ka qayb qaadanaya dagaalaka iyo xasarada ka taagan gobalka Tigreyga ee Itoobiya.

The Kismayo Times

Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah maamuusay safiirka   ee waqtigiisu dhamma...
24/05/2021

Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah maamuusay safiirka ee waqtigiisu dhammaaday ee # Somalia, Amb. Mudane Qin Jian, isga oo waxyaabo safiirku wadankeena ku xasuusan ku gudoonsiiyey xaflada ka dhacday magaalada ee caasimada Qaranka.

Dowladda Biritin ayaa Soomaaliya u soo direysa 250 askari oo ka mid ah ciidamadeeda sida gaarka ah u tababaran si ay oga...
23/05/2021

Dowladda Biritin ayaa Soomaaliya u soo direysa 250 askari oo ka mid ah ciidamadeeda sida gaarka ah u tababaran si ay oga qayb qaataan dagaalka ay Dowladda Federaalka ah kula jirto Alshabaab, sida lagu sheegey warbixin ay daabacday jariirada The Express ee wadankaas ka soo baxda.

Warbixinta ayaa soo xiganeysa sarkaalsare oo ka tirsan Ciidamada Boqortooyada oo ka hadlayey goorta ay qorsheynayaa in ay ciidamadaas geeyaan Soomaaliya. Sarkaalka ayaana sheegey 12 Bilood gudahood in ay Ciidamadu Soomaaliya ku soo gaari doonaan.

UK Express

BRITAIN is to send 250 troops to Somalia as the country battles against Al Shabab terrorists. The move, to take place "within the next 12 months:", will represent the first official engagement of the new Army Ranger regiment.

Madaxweynaha dowladda Koonfur-galbeed ee Soomaaliya Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen ayaa hoyga uu ka degen yahay Muqd...
21/05/2021

Madaxweynaha dowladda Koonfur-galbeed ee Soomaaliya Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen ayaa hoyga uu ka degen yahay Muqdiaho ku qaabiley Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed.

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah la qaatay madaxweyneyaasha...
20/05/2021



Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah la qaatay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubaland iyo Koofurgalbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ka hor furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.

The Kismayo Times

Liiska cusub ee Golaha Xukuumada Dowladda Jubaland ee Soomaaliyeed ayaa goordhow la shaaciyey waxaana saxaafada u akhriy...
19/05/2021

Liiska cusub ee Golaha Xukuumada Dowladda Jubaland ee Soomaaliyeed ayaa goordhow la shaaciyey waxaana saxaafada u akhriyey agaasimaha JubalandTv Cabdirixmaan Mustaf.

Xukuumada cusub oo ka kooban 50 xubnood ayaa isugu jirta 23 Wasiir, 22 Wasiir ku xigeen iyo 5 Wasiiru-dowlo. Waxaana ka mid ah 4 haween ah.

Tirada wasaarada oo kordhay ayaa waxaa ku soo biiray wasaaradda Badroolka iyo Macdanta, Wasaarada Maareynta Masiibooyinka. Halka Wasaaradii Warfaafinta iyo Isgaarsiinta labo loo kala qaaday.

The Kismayo Times

19/05/2021

DEGDEG: Saxaafada ayaa goordhow looga yeeray Madaxtooyadda Jubaland, waxaana la filaya liiska xukuumadda cusub ee Jubaland yeelandoonto in lagu dhawaaqo.

Madaxweynaha Jubaland Muddane Ahmed Mohamed Islam Madoobe oo lafilayo in uu beri gelinka h**e u ambaboxo magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya si uu oga qayb galo shirka Golaha Watashiga Qaran ee arimaha doorashada looga hadli doono ayaa la filayaa in xukuumadiisa cusub caawa shaacin doono.

Saacadii la soo dhaafay magaalada Kismaayo waxaa aad u haystey guuxa magacaabista xukuumada cusub ee Jubaland. Qaar ka mid ah Wasiiarddii ka tirsanaa xukuumada Jubaland illaa 2013 ayaa caawa liiska cusub iska weyn doona sida ay The Kismayo Times ogaatay.

Address

Kismayo
252

Telephone

+252907799196

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when The Kismayo Times posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to The Kismayo Times:

Share