Waamo TV

Waamo TV Waamo TV is an independent and impartial online television news channel on YouTube, founded on August 16, 2025. The channel covers a wide range of topics

It is a 24-hour news platform delivering the latest breaking news and current events as they happen.

13/08/2026

CUMAR CARTAN | Garsoorihii Soomaaliya Taariikhda Ka Dhigay & Safarkii Uu Ku Gaaray Koobka Adduunka.

11/08/2026

DEG DEG: DAGAALKA BAYDHABO | BANNAANBAXA TURKEY & XOGO CUSUB

10/08/2026

DEG DEG BUURHAKABA OO LAGU KALA CARARAY | CIIDANKA LAFTAGAREEN OO LA WAREEGAY

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaas kulamo kula yeelan doonaa qaybaha buls...
08/08/2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaas kulamo kula yeelan doonaa qaybaha bulshada, saraakiisha amniga iyo maamulka 2da heer, iyadoo xoogana la saarayo amniga & kala dambaynta gobalka, sidoo kale dib u eegista nidaamka ilaa mashaariicaha gobalka ayaa socda.
Deni ayaa xalay ka safray Garoowe, una jiheystay Gaalkacyo, tan oo ka dhigan in Puntland oo kaliya ay Soomaaliyada Faderaalka suuragal tahay in habeenkii loo kala safro gobalada, gaar ahaana madaxda sare.

06/08/2026

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da Agoosto 2026, uuna shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku Xigeenka ayaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee Puntland.

Goluhu wuxuu bogaadiyey hawlgalada amni ee ay Ciidamda Difaaca Dowladda Puntland maalmahaan ka fuliyeen qaybo kamid magalooyinka Puntland, kuwaas oo lagu fashiliyey duullaan qorshaysan oo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku doonayey in lagu khalkhal geliyo amniga iyo dowladnimada Puntland.

Goluhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha amniga in aan gudaha deegaannada Dowladda Puntland lagula dhex socon karin ciidan iyo gaadiid aan ka tirsanayn hay’adaha amniga rasmiga ah ee Dowladda Puntland. Sidoo kale, in ciidamadu ka hortagaan, kana hawlgalaan dambiyada abaabulann ee ka dhaca biyaha badaha sida Burcad Badeedda iyo kallumaysatada sharci darrada ah iyo in cid kasta oo ku soo xad gudubta biyaha badaha Puntland talaabo adag oo waafaqsan sharciga laga qaado.

Goluhu wuxuu go’aamiyey in hay’adaha Caddaaladda ee Dowladda Puntland loo gudbiyo magacyada xubnaha siyaasiyiinta, saraakiisha iyo shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin falal lagu khalkhal gelinayo amniga iyo nidaamka dowladnimada Puntland si caddaaladda loo horkeeno.

Goluhu wuxuu xasuusinayaa dhammaan warbaahinta iyo saxaafadda ka hawlgasha gudaha Puntland inay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda Dowladda Puntland iyo anshaxa guud ee mihnadda saxaafadda.

Goluhu wuxuu go’aamiyey in tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaado mulkiilayaasha iyo adeegsadayaasha Baraha Bulshada ee caadaystay baahinta warar aan xaqiiqda ku dhisnayn, laguna sumcad xumaynayo nidaamka dowladnimada Puntland.

29/07/2026

I got over 4,500 reactions on my posts last week! Thanks everyone for your support! 🎉

25/07/2026

XIISAD CUSUB OO TAGAN GALKACYO IYO XASSAN SHEEKH OO KU FASHILMAY QORSHIHIISA PUNTLAND.

Xagee ayay maanta u socdaan xertaan? Bal nala wadaaga haddii aad xog ka hayso.
24/07/2026

Xagee ayay maanta u socdaan xertaan? Bal nala wadaaga haddii aad xog ka hayso.

23/07/2026

DEG DEG: Xiisad Ka Taagan Wajid iyo Qansaxdheere – Wararkii Ugu Dambeeyay

22/07/2026

DEG DEG CIIDANKA KA GOOSTAY LAFTA-GAREEN OO BAYDHABO LAGU SOO DHAWEEEYEY.

Address

Farjano
Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waamo TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share