Jubbaland TV

Jubbaland TV Telefeshin-ka Dowladda Jubbaland "Waa isku xiraha bulshada Soomaaliyeed"

Jubbaland State TV Jubaland State television owned by the Jubaland state of Somalia.

02/01/2026

BARNAAMIJKA DHALINYARADA Jubbaland TV 02-01-2026

Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo ee Xarunta KMGka Dowladda Jubbaland  ee Magaalada Kismaayo ayaa maanta martigeliyay furi...
02/01/2026

Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo ee Xarunta KMGka Dowladda Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa maanta martigeliyay furitaanka tartanka xafadaha iyo tuulooyinka ku teedsan Dagmada Kismaayo.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland, Guddoomiyaha Ciyaaraha Degmada Kismaayo, Guddoomiyaha Xafadda Farjano ee Bahda Ciyaaraha, iyo taageerayaal aad u fara badan.

Tartankani wuxuu qeyb ka yahay dadaalka Dowladda Jubbaland ay ku horumarineyso ciyaaraha heer deegaan, waxaana sidoo kale uu dhiirrigelinaya isdhexgalka bulshada iyo nabadda Jubbaland.

02/01/2026

BARNAAMIJKA GAROOMADA CIYAARAHA Jubbaland TV 02-01-2026

02/01/2026

WARKA JUBBALAND TV 02-01-2026

02/01/2026

Howlgallo lagu qaarajiyay Xubno khawaarijta ka tirsan ayeey sameeyeen Halyeeyada Dowlada Jubbaland.

02/01/2026

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay xeerka mihnadlayaasha caafimaadka Jubbaland, kaas oo dhawaan uu Sixiixay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland,

02/01/2026

Dowladda Jubaland ayaa si rasmi ah dhul ugu wareejisay Xiriirka Kubadda Cagta Jubaland, si halkaas looga hirgeliyo garoon ciyaareed, kaas oo dhalinyarada fursad u siinaya inay hormariyaan xirfadooda ciyaaraha.

02/01/2026

Maamulka Degmada Dhoobley ayaa kulan looga hadlaaye abaaraha la qaatay Waxgaradka Degmada.

02/01/2026

Haween dhawaan guryahooda laga dumiyay ayaa sheegay in ay la kulmeen jirdil iyo tacaddiyo kale oo ay ku eedeeyeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS),

Xilli ay abaari si ba’an uga jirto deegaanno badan oo ka tirsan Jubaland, isla markaana ay saameyn xooggan ku yeelatay d...
02/01/2026

Xilli ay abaari si ba’an uga jirto deegaanno badan oo ka tirsan Jubaland, isla markaana ay saameyn xooggan ku yeelatay dadka iyo duunyadaba, ayaa maamulka degmada Dhobley ee gobolka Jubbada Hoose shir ballaaran la yeeshay guud ahaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Ujeeddada shirkan ayaa ahayd sidii bulshada deegaanka ay isugu tashan lahayd, loogana wada shaqayn lahaa garab istaagga dadka ay abaartu saamaysay. Sidoo kale, waxaa shirkan lagu dhamaystiray dhismaha guddigii abaaraha ee horay uga jiray degmada Dhobley, si ay door muuqda uga qaataan gurmadka degdegga ah.

Xaaladda abaarta ayaa haatan gaartay meel aad u daran, iyadoo odayaasha dhaqanka ee ka hadlay shirka ay sheegeen in waqtigan aan loo baahnayn hadal badan, balse loo baahan yahay ficil degdeg ah. Waxay ku baaqeen in gacmaha la is qabsado, lana istaago sidii raashin iyo biyo loo gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee ku nool miyiga fog.

Dhanka kale, Guddoomiyaha degmada Dhobley, Xasan Cabdi Xaashi, ayaa wakiillada dowladda Jubaland uga warbixiyay qodobadii shirka looga hadlay iyo qorshayaasha lagu wajahayo xaaladda abaarta ee ka sii daraysa.

02/01/2026

Xildhibaan Cabdinuur Cali Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Jubbaland TV, isaga oo ka hadlay arrimo la xiriira siyaasadda dalka, xaaladda Jubbaland iyo arrimo kale oo muhiim ah.

02/01/2026

WARKA SAACADDA JUBBALAND TV 02-01-2026

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubbaland TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Jubbaland TV:

Share

Category