Jubbaland TV

Jubbaland TV Telefeshin-ka Dowladda Jubbaland "Waa isku xiraha bulshada Soomaaliyeed"

Jubbaland State TV Jubaland State television owned by the Jubaland state of Somalia.

14/09/2026

Shacabka Harta Qaanle oo Bannaanbax Kala Hor Yimid Duqeymaha, Calanka Turkigana Lagu Gubay Goob Fagaare ah.

14/09/2026

Warka Saacadda Ee Jubbaland TV 14-09-2026.

14/09/2026

Xaflad Lagu Soo Dhaweynaayay Arday Kasoo Qalin Jabisay Jaamacadaha Kala Ah Jamacada Uma Somaliyeed Iyo Jamacada Gedo University Ayaa Maanta Lagu Qabtay Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo.

Xaflad Lagu Soo Dhaweynaayay Arday Kasoo Qalin Jabisay Jaamacadaha Kala Ah Jamacada Uma Somaliyeed Iyo Jamacada Gedo Uni...
13/09/2026

Xaflad Lagu Soo Dhaweynaayay Arday Kasoo Qalin Jabisay Jaamacadaha Kala Ah Jamacada Uma Somaliyeed Iyo Jamacada Gedo University Ayaa Maanta Lagu Qabtay Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Jubaland ayaa maanta qabatay kulan muhiimka ah oo ku saabsan Dejinta Sharciga/Xeer...
13/09/2026

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Jubaland ayaa maanta qabatay kulan muhiimka ah oo ku saabsan Dejinta Sharciga/Xeerka Dawooyinka Xoolaha, kaas oo si gaar ah diirrada u saaraya xoojinta iyo nidaaminta sharciyada ku saabsan daawooyinka iyo agabka xoolaha, taas oo ka tarjumeysa rabitaanka Jubaland ee ah in la xaqiijiyo caafimaad-qabka wanaagsan ee xoolaha, isla markaana laga hortago khataraha ka dhasha isticmaalka daawooyinka aan la hubin tayadooda.

Shaqada Wasaaradda ayaa tilmaamaysa in xoojinta nidaamyada sharciyeed iyo maamulka ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagu ilaalin karo caafimaadka xoolaha, isla markaana loo xaqiijinayo mustaqbal waara oo ku saabsan dhaqaalaha Jubaland.

13/09/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa ka warbixiyey waxa uu daarnaa Kormer maanta ay wada sameyeen Wasiirka wasarada Arimaha Gudaha Jubbaland.

13/09/2026

Xulka Wararka ee Jubbaland TV 13-09-2026

13/09/2026

Warka Jubbaland TV 13-09-2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Oogle, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Degma...
13/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Oogle, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay qaybo ka mid ah magaalada Kismaayo, iyagoo soo indha-indheeyey shaqada ay waddo Degmada Kismaayo ee la xiriirta bilicda magaalada, horumarinta waddooyinka iyo biyo-mareennada.

Ugu horreyn, masuuliyiintu waxay ka qaybqaateen geed-beeris laga sameeyey hareeraha waddooyinka magaalada, iyagoo sidoo kale kormeeray geedihii horey ay u beertay Degmada Kismaayo.

Masuuliyiinta ayaa intaas kadib soo indha-indheeyey mashruuca dhismaha waddooyinka laamiyada ee Nagaad, iyagoo arkay isbeddelka iyo faaโ€™iidada ay waddooyinku u leeyihiin magaalada. Kormeerka ayaa sidoo kale lagu eegay sida waddooyinka laamiyada ahi uga qaybqaateen fududeynta isu-socodka bulshada, kobaca ganacsiga iyo horumarinta adeegyada ka jira hareeraha waddooyinka.

Intii uu kormeerku socday, masuuliyiintu waxay booqdeen maqaayadaha ku dhinac yaalla laamiga, iyagoo indha-indheeyey sida horumarinta waddooyinku u abuurtay fursado ganacsi iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale oo ka muuqda magaalada.
Sidoo kale, masuuliyiintu waxay soo kormeereen biyo-mareennada magaalada Kismaayo, kuwaas oo muhiim u ah maaraynta biyaha roobka, yareynta fatahaadaha iyo ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada.

13/09/2026

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland ayaa magaalada Dhobley ku qabatay ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž oo looga hadlaayay arrimaha biyaha ee degmada Dhobley.

Kulankan ayaa bulshada iyo masuuliyiinta fursad u siiyay in ay si wadajir ah uga wada hadlaan waxyaabihii qabsoomay iyo caqabadihii jiray muddadii halka sano ee ay shaqaynaysay Shirkadda Biyaha ee ๐ƒ๐ก๐จ๐›๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐ญ๐ž๐ซ ๐’๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐ฅ๐ฒ ๐‚๐จ๐ฆ๐ฉ๐š๐ง๐ฒ, iyo sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada biyaha ee degmada.

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubbaland TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Jubbaland TV:

Shortcuts

Share

Category