Gojacade Tv

Gojacade Tv Guuto 1aad Media is SO’s 1st largest media owner in terms of the number of sites (State of SSC)

Degdegu maaha geesinimo, hubsiinaduna maaha fulaynimo. Dhinaca kale ayaan ka heli lahayn wixii aynu u duulnay,.halkaasin...
30/04/2024

Degdegu maaha geesinimo, hubsiinaduna maaha fulaynimo.

Dhinaca kale ayaan ka heli lahayn wixii aynu u duulnay,.halkaasina waxay ahaaan lahayd furin dagaal waxaan ka tagi lahaa kii dhibka gaystay.

Britain[ UK] ayaa qarnigii 19aad talo ku siiyay dadka qaar hadii wax lagu yeelo. Ka aamus labo faaiido ayaad helin waa dhul laga kala tagay inaad degtao iyo aarsi aad ka fiirsatay.

Waana sababta dhul badan oo aynu degaan jirnay uga hayaanay yadoo aan ilaa hada taako dhul ah oo dagaal lagu kala qabsaday aan taariikhda lagu xusin waynu guurnaa kadibna waa la soo degaa.

Ka soo bilow labidda Gaatama ilaa jidbaale afkiisa howdkana warkiisab daa.
Soo xasuuso dagaal goob ka dhacay oo laga soo guuray Ilaa hada lama hayo, halkan maxaa ku keenay ayaad isleedahay waa lagaa aamusay adna waad baqtay iskana soo guurtay

Hada waa qarniga 21aad khidaduna waa markaagii Hurdaayow..

Fahanaye ma fahanteen
Oday H**e

Horta waa su'aale Dowladdu malaha miyaa Hay'adda Aminga Qaranka. Magaceeda adigu qalbigaaga ku hayso.Waa su'aale kale  s...
30/04/2024

Horta waa su'aale Dowladdu malaha miyaa Hay'adda Aminga Qaranka. Magaceeda adigu qalbigaaga ku hayso.

Waa su'aale kale shirkaddaha ka howl SSC-Kh ee bixiya adeega Sahal, Zaad, E-dahab, sidee u aqbaleen oramada Ka howl Gasha Gudaha caasimada inay u diwaan galiyaan magacyo aan lagu aqoon Oromada.

Balaashle ayaad lacag u diraysaa waxaa kaaga soo baxaya Ismaciil Jaamac Faarax. Markaad waydiisana magacan sida loogu bixiyay wuxu kuu sheegayaa inaanu wali baran afsoomaaliga, howshan hoos ha loo eego. Qof aan wadan warqadda dhalashada ama warqad ogolaansho yaan loo furin adeeg [GSM Data, SMS, Call Ftth]

Aqoonsiga shakhsigu waa Aminga Qaybtiisa ugu Horaysa, qaybta xigtaan waa in dhaqdhaqaaqa iyo degaanka shakhsiga aan u dhalan meesha la ogaadaa, Mid xigta ee sadexaad qofka aan degaanka ahayn waa in loo sameeyaa hogaan laga xidhiidho jaaliyadaas sida oromada dagan Gobolka lana diwaan galiyaa lana sii ID

Hadaad aragto anoo wax so qoraya waxaan aamin sanahay in aad dowlada leeyahay bilowba ha ahaatee.
Waa Halkii Xasan sheikhe [Qabyo Ninkeedaa Dhamaystira]

Ciyaalka Facebook ayaa soo qori jiray waa la kala shakiyay.

Oday H**e

Waxaa dhici karta Taliye inaad xaafadaada jiifto, dhalin yaro idinkuna waxaa laga yabaa inaad tiktok daawanaysaan.Q1- Su...
29/04/2024

Waxaa dhici karta Taliye inaad xaafadaada jiifto, dhalin yaro idinkuna waxaa laga yabaa inaad tiktok daawanaysaan.

Q1- Su'aashu waxay noqonaysaa maxuu yahay dhaqdhaaaq Ka socda Caawa Caynaba, Burco, maxaadse ka ogtahay wada Hadalka ka socda dhanka Galbeed oog. Bari lama oga dhankay u dhici doonto
Q2- Dhankan sanaag Rag caydhsan ayaa u dhaqaaqay, degdeguna wuxuu keeni karaa ina lagaaga faaiidaysto oo aad gasho Cadowgu dabankii uu kula rabay, yadoo aan la seexanayn hada meesha aad xabad ku ridayso sii hubi si Jawaabtaadu u noqoto midii aad rabtay [ aan kala Hubsano ayaan maqali jiray ]

Inta seexatay yeelkeeda, qolada waagu u baryay hada indhaha haku hayaan inta aad ogtahay in rag aad is haysaan kaa jiro.

Waardiyaha waan ka seexday la wareega
Oday H**e

List hoose Hoose kuma soo darin D30 maadama aad wada aragteen badankiinu. waana hubka lagu wado inay goobta  keenaa Jabh...
28/04/2024

List hoose Hoose kuma soo darin D30 maadama aad wada aragteen badankiinu. waana hubka lagu wado inay goobta keenaa Jabhada SNM badan kiinuna waad aragteen yagoo sedex ah oo wada socoda dhanka Facebook.

Waxaa laga yabaa inaadan kala garan dhuumahan isu wada eeg, wax kaliya ee lagu kala soocaa waa cabirka xabada ay qaadanayaan meesha uu gaadhayo iyo wax yeelada goobta uu gaarsiinayo.

Hadaba uma soo qaadan qoraalkan xasaasiga ah inaad daawato oo kaliya waxaa la raba xuuraanku Dowladu iyo shacabkuba inay isha ku hayaan waxii soo kordha ee hub ah.

Kadib nala soo wadaag markaan hubino noociisa ayaan so shaacin doonaa si loo wada ogaado.

Sida la iskaga difaaco madaafiicadan waxaynu u dayn doonaa dadka faraha kula jira.

Nabadeey
Oday H**e

D-44. Artillery -85mm [ 1 xabo]
M101. Artillery -105mm. [ 1xabo]
D-30. Artillery - 122mm [ 2xabo]
D-74. Artillery - 122mm [ 1 xabo]
M-46. Artillery -130mm [ 1 xabo]

Wajiga labaad ee dagaalka nolol ama geeri yarkani horay ayuu u soo fadhiyay ilaa sanadkii H**e. Calaamada greenka ah aya...
28/04/2024

Wajiga labaad ee dagaalka nolol ama geeri yarkani horay ayuu u soo fadhiyay ilaa sanadkii H**e. Calaamada greenka ah ayaa I noo balan ah...

Marka laga hadlayo wax qeybsiga  shaqooyinka ku dhisan Qaabka siyaasada,  Laga soo bilaabo burburkii  Dowladdii dhexe  S...
28/04/2024

Marka laga hadlayo wax qeybsiga shaqooyinka ku dhisan Qaabka siyaasada, Laga soo bilaabo burburkii Dowladdii dhexe Soomaaliya, waxaan meesha ka maqneyn ineynu ka dhex muuqney Siyaasada Khaasatan Kuraasta Baarlamaanka oo macnaheedu Ahaa in Xildhibaanka, Wasiir Kasta uu matalo reerka uu ka soo jeedo kuna matalo wax qaybsiga shaqo, Deeq waxbarasho, Mid ciidan, Deeqaha caalamigaa, ama mashaariicda laga fulinayo degaanada Soomaalida.

Intaba waxaynu Ka Helnaa 0.001% oo ah in kunkii qof ee shaqo abuur loo sameeyo aynu ka helno Hal qof.

Sidoo kale mashaariicda Horumarinta degaanka waxay ka helnaa 0.00001% oo u dhiganta halkii Malyan ee shaqo ineynu helno hal mashruuc

Hadaba yaa seexday ma shacab mise siyaasiyiinta loo doortay degaankan
Ta aan la yaabay markaad waraysto hal qof ka shaqeeya shaqaalah rayidka ah wuxuu kuu sheegayaa in booskan uu soo geliyay saaxiibkiis , abtigiis seedigiis.

Wasiir hadii lamagacaabo oo aad u tako jawaabtiisu waa, aniga dadka degaanka iyo siyaasigoodu waxba iguma darsan oo uu ula jeedo waxba kuuma hayo, markaad ku laab laabto ayaad helaysaa jawaabtan anigu qaran baan u shaqeeya la I odhan maayo reerkiisa ayuu ka soo buuxiyay goobta la soco kii hada ka degan reerkiisii ayaa ilaa albaabka kaa furaya.

Hadaba hadii Maamul iyo maqaam siyaasi oo leh 10 xildhibaan ama ka badan ayeynan keeni karin Hal mashruuc ama hal shaqo, ugu yaraan ayay ka xishoonanyaan inay la hadlaan Saxaafada. Yaa u maqan alle ka sakow dadka ay matalaan.

F.G sidee lagu helaa shaqo ama mashruuc wa in xaqaaga aad u sheegtaa si dheer iyo si hoosaba.

Dowlada dhexe waxaan ogahay Hal wasiir, &hal agaasime guud. Dadka aynu saami qaybsiga isku midka ka nahay markii ay qaateen saamigoodii ayay af iyo adinba isku Dareen ayay ku qaateen shaqooyin wax ku ool u ah Umaddaa ay Matalaan.

Yaa aamusiyay ma siyaasiga mise shacabka waa suaale?

Hoos Fiiri waad fahmi doontaa hadalkee waa tusaale yaroo kooban.

Nabadeey
Oday H**e

Dagaalka wajiga labaad dhanka SNM waxaa ku soo biiray Hal qori PM- 21 Grad ah, kaas oo lagu magacaabo 8Tube ama 4Tube PM...
27/04/2024

Dagaalka wajiga labaad dhanka SNM waxaa ku soo biiray Hal qori PM- 21 Grad ah, kaas oo lagu magacaabo 8Tube ama 4Tube PM-21.

wuxuuna saaraan yahay gaadhi aad u dheereeya waxaana loo yaqaan Toyota 4.5 ama Cabdi Bile waana sababta keentay hal kii saacba inuu aag badasho kana soo tuuro Xabadda 122mm ah aagii H**e meel ka duwan..

Sababta aan u soo qoray ayaa ah in la sii ogaado loona diyaaro garoobo sanqadha ama qaylada qorigaas oo waliba ka imaan doona jiho kala duwan.

Ujeedku qoraalku sidaan u soo qoray maaha fahan yeelo .!!

Qorigan meesha uu ka soo galay waad taqaanaa SNM ee hubka la socoday ayaan Soo qori doonaa, qoraalkan ka xiga iyo tirada rasmiga ah ee taala Waqooyi Galabeed Somalia

Oday H**e

24/04/2024

Dalka iyo dakuba ha is difaaceen looma kala tagin

Hadalka  aan la qorin ee sida hoos la isula wadaagay markii aynu dhisnay Dowladda SSC-KH, waxaa ka mid ah in beesha caal...
22/04/2024

Hadalka aan la qorin ee sida hoos la isula wadaagay markii aynu dhisnay Dowladda SSC-KH, waxaa ka mid ah in beesha caalamka iyo Dowladda Dhexe la isku afgartay in Si ku meel gaar ah loo aqoonsado SSC-KH kadib la eego Mudo lix bilood ah yagoo ku fasiray in ay labo mid noqon doonto, mudadaas in shacabka reer SSC- KH ay ku milmaan oo ay raacaan Puntaland, ama SNM ay dib u qabsato Goboladda SSC Mar kale.
Hadii intaasi dhici waydo la filankaro in dhexdeena shaqaaqo ay ka dhacdo yadoo loo soo marayo dariiqyo kala duwan.

1- Dowlada dhexe inay yarayso furasdaha la siinayo Maamulka SSC-KH

2- Xildhibaanada inagu matala Dowlada Dhexe in lagu mashquuliyo arimaha dhex dhexaadinta Puntlnad iyo Dowladda dhexe si aynan fursad Ugu helin ka hadal Arimaha SSC-KH lagana yabee inay inta badan yihiin Self interest

3- UN ka in lagu qanciyo in wali aysan Jirin xasiloonli, maalin walbana dad gudaha joogaa ay siiyaan Update ah in hubku uu Gacmaha ugu jiro Dhalinyaro aan ciidamaysneen sawirna uga diraan dhaqdhaqaaqa magalada.

4- in xiisad dagaal Mar walba laga curiyo
Xuduudka beesha caalamkana la tuso saacad kasta inay bilaabmi karto xabadu.
la soco caynaba oo furin dagaal ahna waxaa loo sheegaa inay amni tahay waliba xafiisyadii Gobolka sool oo dhami ay si ku meel gaar ah ay uga shaqeeyaan

F.G

Ugu danbayn maamulka iyo madaxda Dowaladda SSC-Kh Oo ilaa hada aan laga hayn labo xal midna Isku tashi bulsho, ama xiriir dublamaasi oo ah in beesha caalamka loo sheego in lagu kalsoonaan karo amniga SSC-KH labadaa midna lagama hayo , waxayna qaateen aamusnaan [silent]

Markaad is waraysataan mid ka mid madaxdda Dowladda oo aad ku dhahdo dhaqdhaqaaq idin k**a aragno jawaabta aad markiiba helaysaa waxay noqonaysaa Dhaqaale lama hayo ku darso dowlada walba yadaa la timaada qorshaheeda dhaqaale Cidna cid ma caawiso alle Wayne mooyee

Aan raaciyo dagaalkii aan hada ka soo jeesanay waxaynu ku bixinay lacag dhan 1 Biyalan doolar + dhiig, taasiba waxay ku timi rabitaan shacab hadan la imow kalsooni shacab dhaqaaale wuu imaane
Qodobadan Hoose aynu isku dayno inay fulino

A- Aminga gudaha oo la xaqiiijiyo oo aadan u arag hadaba waa xaqiiq San yahay il dowladeed ku eeg
B- Beesha caalam oo aan ku macsuuno caasimada dalka
C- Ganacsatada soomaalida oo loo fasax maalgashiga
D- Dhiiri galinta Beerashada dhulka
E- Garoonka diyaarada oo la howl Galiyo
F- qorshaha cashuurta oo si cad loo qeexo lana diyaariyo Bank dhexe.
H- in aynu qaadano Lataliyayaal aan ku xulanay aqoontooda aynan ku xulan Saxiib ama xisbi siyaasadeed

Qoraal kale oo muhiim la soco Qormada danbe

Oday H**e

Maalmahan waxaan arkaynaa Agaasime Hebel shaqadii waa ka tagay iyo Waziir Hebel ayaa dalka Dibadiisa aaday. Suaasha aan ...
20/04/2024

Maalmahan waxaan arkaynaa Agaasime Hebel shaqadii waa ka tagay iyo Waziir Hebel ayaa dalka Dibadiisa aaday.

Suaasha aan qabaa waxay tahay
Masuulkan shaqada ka tagay labo midna lagama Hayo.

Shaqo uu bilaabay ama Documents uu qoray oo Masuulka danbe ee booskani uu sii tixraaco lagama hayo mana uusan Qorin

Sababta u shaqadan uga tagay oo aan ila hada cadayn. Dowaladani waa bilow waxay u bahantahay in la isla dhiso dhan walba dhan aqoon, Dhan dhaqaale, dhan Amni,

la soco muwaadan dowladaha marka la dhisaba horay lagama manafacaadsado, ee waa loo sabraa

Ilaa hada lama hayo Agasime Ama Waziir La yimi policy and procedures lagu hagayo wasaaradiisa. Ogow masuul Wasaaradan laguu magacaabay cid kaa soo horaysay ma jirto dhaqaalana ma ool wanaad ogayd

La imow qorshe wuu imaan doonaa dhaqaalee. Ama jawan qaadoo maamulada daris ka. la hoos orod. Sanadna u sii fadhi qoroxda kuna bixi laaluush kadib ha lagaa eryo ileen ma lihide

Maamulkan hadii uu helo dad is wata dhulkiisa waxaa yaala Khayraad nooc walba.
UAE Soomaaliya ayaad leedahay la imow xirfad iyo Aqoon kuna darso akhlaaq

Mise waxaan u aragnaa shaqo ka tagistan inay ka danbeeyaan siyaasado kale oo la suuro xumeeyo maamulkan dhisan.

Hal tusaale goob yaroo dowladii Somaliya lahayd oo qaxii ama burburkii dowlada dhexe la Degay, si badheedha ayaa ree
rkii iska degay dhulka dowlada ay iskugu raaceen in aan laga qaadi Karin dhulkaas oo ay ogyihiin in ay dowladii H**e lahayd

Xildhibaan
Askri
aqoonyahan
Tiktokar
Madaxweyne
Wasiir
Siyaasi
Intuba way isku raacneen dhulkaas in loo imaan karin lana taaban karin

Xildhibnaada Heer federal Hal masiir oo SSC-KH ah yagoo wada Jooga saxaafada lama Hadal Dan maamulkani leeyahayna ma soo hadal qaadin Xaawo Taako ama SYL idinku ma lihidin SSC ayaad leedihiin

Lakala dheeree orodse ma aha

Habeen wanaagsan
Oday H**e.

Hello Jamaahiirta Horgalo Badan ayaa soo dhuuntay tuulo ilaa magaalo hala is hubiyo. Hoos ha loo eego, ninkii galiya Mid...
19/04/2024

Hello Jamaahiirta Horgalo Badan ayaa soo dhuuntay tuulo ilaa magaalo hala is hubiyo. Hoos ha loo eego, ninkii galiya Midnimada SSC-KH oo xitaa aad ka dareentaan arayga ah EEN EEN ama LAAKIIN. Liinta haku cabo Jail ka 👎 Face Mask at

Oday H**e
Sool Las-Anod/ SSC-KH/Somalia

Tababar ku saabsan Qodobada Hoos ku xusan ayaan dhawaan  bixin doonaa waxayna khusaysaa Hay'adaha Aminga dhamaantood,  i...
19/04/2024

Tababar ku saabsan Qodobada Hoos ku xusan ayaan dhawaan bixin doonaa waxayna khusaysaa Hay'adaha Aminga dhamaantood, iyo dhalinyarada isu xilqaantay inay ilaashadaan degaankooda.

Tababarkan waxaanu ku Qaban doonaa Hall ka mid Ah Jaamacdaha Gobolka Sool. Waana soo sheegi doonaa goorta iyo Goobta.

The basic roles of a national intelligence agency typically include:

Collection of Intelligence:
Gathering information through various means such as
1-Human intelligence (HUMINT),
2-Signals intelligence (SIGINT),
3-imagery intelligence (IMINT),
4-open-source intelligence (OSINT)

Oday H**e
Sool- Las-Anod Somalia

Roobkii Guga oo ka curtay meelo badan oo ka mid Ah dhulka SSC-KH, Mid lagu badhaadho Alle Ha inooga yeelo. Inta Huradana...
17/04/2024

Roobkii Guga oo ka curtay meelo badan oo ka mid Ah dhulka SSC-KH, Mid lagu badhaadho Alle Ha inooga yeelo. Inta Huradana waxaan leeyahay Hurdo iyo rabi caabud isma galaan, waxaan kale oo aydan ogayn jiida caawa waxa ka soo cusboonaaday markaad so kacdo isoo waydii.

Sanaad ciidan ayaa soo gaartay SNM.  Maxaa xiga ayaad isleedahay. Adigu ma diyaarsatay Sanadaadii mana joogtaa dhufayska...
14/04/2024

Sanaad ciidan ayaa soo gaartay SNM. Maxaa xiga ayaad isleedahay.

Adigu ma diyaarsatay Sanadaadii mana joogtaa dhufayskaagii mise waad soo shaahdoontay? Sawirka Hoose waa tusaale

Jiida Howdka bilowga, dhanka laamiga iyo Nugaal dagaalka xoogiisa waa xuuraan hoose. Adoo jiifa yaan laguu imaan waa xeerka dagaalka.

Dhufayska waxaa la dhisaa ama la qotaa intaanu cadowgu kuu imaan.
Marka xabdu bilaabato inaad geed ku gabataa waxay tusaale u tahay inaad tahay wali maryo calas aanan hogaan ciidan lahayn. Dhufaysku adagi khasaaraha Dagaalka 80% wuu yareeyaa.

Oday H**e

Gaadiid in laga yeesho uu gorodda laalaadsho. Geeri bey ka doorteen shacbigu iney gumoobaane... Eid mubarak Oday h**e
09/04/2024

Gaadiid in laga yeesho uu gorodda laalaadsho. Geeri bey ka doorteen shacbigu iney gumoobaane...

Eid mubarak
Oday h**e

Eid kii  Ramadan ee sanadkii tagay  waxay bulshada reer SSC qaxooti ku ahaayeen Gobolo kala duwan,  qaar ka mid bacaha r...
09/04/2024

Eid kii Ramadan ee sanadkii tagay waxay bulshada reer SSC qaxooti ku ahaayeen Gobolo kala duwan, qaar ka mid bacaha roobka laga galo ayaa hoy u ahaa halka qaarna ayaynan haysanba, Hay'adaha Gaaleed waxay inoo diwaan galiyeen qaxii ugu balaadhnaa abid marka laga reerbo 1990.

Maanta oo aabe iyo caruurtii hooyo iyo caruurteed nabad ku wada tukanayaan waliba hal meel marka kowaad waa in alle lagu xamdi naqaa marka xigana la xasuusnadaa rag iyo dumar inay ciida ka hooseeyaan u dhintay nabadan aad ku ciidaysaan.

Hadaba dadka kiisa wax hogaamin kara ee dadkan iyo dalkanba sama tabixin karaa waa in lala tashaada loona dhaqaqaa sidii loo la tartami laha Maamulada dariska sidaad ka warhaysaan dhismihii maamulada dariska mid walba 50% ayaan ka dhisanay waliba qurxinay meeya ragii kuwaa dhisay tana dhisa idinkaa lehe
Fikirkiina ku darsada Hantidiina Galiya u soo jeeda ilaa aad ka dhigtaan meel lo soo daawasho tago amaantaas yaa leh ninkii wax gashaday talo iyo maalba.

Hadii intaas la famhi waayo waxaa la dhisi doona dowalada ku dhisan xukun militari. Waxaan la wareegi doona rag aqoon u leh ciidan sida uu u xukumo shacab..

Eid Mubarak
Oday H**e

Address

Sool
Laascaanood

Telephone

+252634999976

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gojacade Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gojacade Tv:

Share

Category