01/12/2024
Ma Ka Mid Tahay Dadka Sokorta Ama Macaanka Aadka U Jecel Iskana Jari Waayay Macaanka?
Hurdo la’aantu waxay kordhisaa rabitaanka cunista sonkorta.
Hurdo la’aanta waxay saameysaa hab-dhaqanka maskaxda iyo jirka, gaar ahaan qaybaha maamula rabitaanka cunnooyinka.
Marka aad hurdo la’aan noqoto ama dhafarkaagu bato, hormoonnada gaajada iyo dharagta, sida ghrelin iyo leptin, waxay ka baxaan isu-dheellitirka caadiga ahaa
Sida ay u dhacdo:
1. Ghrelin: Waa hormoonka kiciya gaajada, waxaana heerkiisa kor loo qaadaa marka hurdadu yaraato ama dhafarku bato
2. Leptin: Waa hormoonka sheegaya inaad dhagarsan tahay, waxaana hoos loo dhigaa marka aad hurdo la'aan tahay ama dhafarkaagu badan yahay
3. Natiijada: Marka dhafarkaagu bato Waxaad dareemeysaa gaajo badan, gaar ahaan rabitaanka sonkorta iyo cuntooyinka dufan leh si aad tamarugu hesho.
Saamaynta
Dhafarku wuxuu hoos u dhigaa awoodda maskaxda ee maaraynta rabitaanka cunnada, taasoo kuu keenta inaad doorato cuntooyin aan caafimaadkaaga u fiicneen
Waxay kordhisaa heerka tamarta degdegga ah ee jirku u baahan yahay, sidaas darteed waxaad u baahan tahay sonkor oo ah isha tamarta ugu fudud ee qofku heli karo
Tusaale:
Marka aad habeen dhan dhafarto, subaxda waxay u badan tahay inaad rabto cabitaan sonkor badan leh ama waxyaabaha burka laga sameeyo, halkii aad ka dooran lahayd cunno caafimaad leh sida digir, qamadi ama salbuko.
Faa'iidooyinka hurdada xilli h**e:
1. Waxay yareysaa rabitaanka sonkorta.
2. Waxay ka caawisaa jirka inuu hormoonnada u maamulo si sax ah.
3. Waxay hagaajisaa awoodda maskaxda ee xulashada cuntooyinma caafimaadka leh.
4. Hurdo caafimaad leh oo ku filan (7 saacadood habeenkii) ayaa lagama maarmaan u ah ilaalinta rabitaanka maskaxda iyo jirka labadaba.
📝Dr. Waahin Sabriye