06/08/2025
Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya waa cutub cusub oo ka mid noqonaya dhismaha qaranimo ee dalka.
Aqoonsiga rasmiga ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siisay maamulka cusub waa guul taariikhi ah, laakiin guusha dhabta ahi waxay ku xirnaan doontaa sida loo maamulo fursaddan. Waxaanu ognahay inuu waqtigu yahay mid qaali ah, fursadduna ay tahay mid xadidan sidaa awgeeda, hoggaanka cusub waa in lagu saleeyaa aqoon, karti, iyo daacadnimo.
Waa in si cad loo doortaa:
1. Shaqsiyaad leh aragti horumarineed oo fog.
2. Aqoonyahanno faham qoto dheer u leh dowlad dhiska.
3. Hogaan daacad u ah shacabka, kana fog musuq iyo eex.
4. Hoggaan mideeya bulshada, ilaalin kara hantida guud, oo horumarin kara adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga.
Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari hadda uma baahna loollan siyaasadeed oo nacfi laโaan ah waxay u baahan tahay midnimo, iskaashi, iyo hoggaan u hogaansan masโuuliyadda shacabka.
Sidoo kale, masuuliyiinta isu sharaxaya xilka madaxweynaha waa in ay muujiyaan xasillooni, is ixtiraam. Ma aha waqtigii mucaarad la abuuri lahaa, waa waqtigii loo midoobi lahaa sidii loo dhisi lahaa dowlad goboleed shacabkaa dhibaataysan wax u qabata.
Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari waa in uu noqdaa tusaale cusub oo qaranka dhisa, kaa oo ka duwan nidaamyadii h**e ee lagu cabiray qabyaaladda, danno gaar ah, iyo maamul aan waxtar lahayn.
Aqoonsi la'aantii, horumar gaarimayno, aqoon laโaanteedna, maamul inoo hirgali maayo. Shacabka Waqooyi Bari waxay mudan yihiin dowlad si hufan ugu adeegta, cadaalad ku dhisan, kana tarjumaysa rabitaankooda.