14/08/2025
Dalxiis Qurux Badan oo ay Sameeyeen Xarumaha Imaamu Shaadibi
Maamulka Guud ee Xarumaha Imaamu Shaadibi ayaa dalxiis xiiso leh u qabtay ardaydii dhamaystirtay dawrrada xagaaga ee Xifdiga Qur’aanka Kariimka. Ardayda ayaa booqday goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Garowe, sida Jaamacadda Bariga Afrika iyo meelo kale. Sidoo kale, waxaa loogu sameeyay qado iyo madadaalo qurux badan Beerta 22-Naad
Ujeeddada dalxiiska ayaa ahayd dhiirigelinta iyo farxinta dhallinyarada baranaysa Kitaabka Alle, arrin kor u qaadda dadaalka iyo niyadda dadka Qur’aanka ku hawlan. Maamulka ayaa uga mahadceliyay dhammaan cidda ka qayb qaadatay guusha barnaamijkan, gaar ahaan waalidiinta iyo haldoorka magaalada ee khayrka jecel.