Tooshka Siyaasada SSC

Tooshka Siyaasada SSC codka shacabka deganada Sool sanaag cayn

Mid ka mida Warbaahinta Laasacaanood oo wareersan 🤣🤣🤣 Qac Way Dhaaftay Tani
27/05/2025

Mid ka mida Warbaahinta Laasacaanood oo wareersan 🤣🤣🤣 Qac Way Dhaaftay Tani

15/02/2025

👀👀👀👀👀👀👀👇

Madaxda Soomaaliya, kuwa geeska afrika, iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay isha ku hayaan go'aamada shirweynaha SSC uga s...
02/02/2023

Madaxda Soomaaliya, kuwa geeska afrika, iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay isha ku hayaan go'aamada shirweynaha SSC uga socda Laascaanood.

Dadka reer SSC waxaa laga rabaa inay u diyaar garoobaan hirgelinta go'aamada.

Inta ka horaysa go'aamada shirka qof kasta oo reer SSC ah waxa laga rabaa in uu iska ilaaliyo abuurida dacaayaad iyo cadaawad lid ku ah madaxda dalka iyo weliba kuwa geeska afrika.

Dacaayaadkaasi waxay fursad siinayaan gooni u goosadka Somaliland sheegta ee dhulkeena khasabka ku jooga,Waxayna Cidkasta Rabaan in Ay Cadow inooga dhigan Oo Ay Garabkoda Noqoto,Taagero Caalami ahna Uu helan.

Madaxda dhaqanka iyo Waxaa Laga raaba in ay si dhakhso ah usoo bandhigeen go'aamadii bulshadu ka sugeysey oo wax ku oolin ah .

Go'aamada shirka kadib cid kasta oo isku dayda in ay ka hortimaado masiirka dadka SSC ha ahaato madaxda Soomaaliya ama kuwa geeska waa lagula xisaabtami Doona.

“Guud ahaan Soomalida Midnimo Doonka ah Oo idil Waxa aan ka raabna in ay Nagu Garab is Taagan la xisaabtankoda Madaxdas iyo Fulinta go”amadas.

FG:-Hoos ka Akhriso Qodobki 1aad Ee Warmurtiyeedki Shalay Oo Diifacaya Midnimada Iyo la Dhowro Madaxbanaanida dalka taaso Meesha ka Sareysa Cid Kasta Oo Midnimo diid ah.

Midnimadda Soomaaliya waa muqadas
Soomaaliya ha noolaato
SSC GUUL IYO GOBANIMO


Boocame Media

Is waafaji adba."Ciidanka anagaa calanka Somalia u fasaxnay" "ciidanku waa kuwayagii ""Ciidanku rasaas bay nagusoo faraq...
02/02/2023

Is waafaji adba.

"Ciidanka anagaa calanka Somalia u fasaxnay" "ciidanku waa kuwayagii "
"Ciidanku rasaas bay nagusoo faraqeen,oo nayare baacsadeen"
"Ciidanka kuwo burco laga keenay baa ku jirey"
"Ciidanku waa kuwii degaanka u dhashay oo anaga u dirnay meeshay joogeen baana loogu geeyey" Ina Kaahin baa hal goob ka yiri.

Bal is waafajiyo, waxaasoo is diidooyin ah.! Kk

Marka aadan ilaahayna ka xishoonayn,ummaddana aadan ka xishoonayn waa sidan.Is waafaji adba.

Magaciisu waa Xusseen Aadan Cadde. ( Stockholm-Syndroom) Xuseen Aadan Cadde 5-nin ee walaaladiis ah SNM baa dishay. Maan...
02/02/2023

Magaciisu waa Xusseen Aadan Cadde.

( Stockholm-Syndroom)

Xuseen Aadan Cadde 5-nin ee walaaladiis ah SNM baa dishay. Maanta ayuu kasoo dhex-muuqday Warbaahinta SNM isagoo ku sugan saldhiga SNM ee Goojacade. Waligay nin ka damiir xun ma arag Balse nin sixiran inuu yahay un baan u daayay ileen wax kale oo qiil ah baan u waayay. Waa nin ay Suqaaro ka dhargiyeen.

1. Iidaan Aadan Cadde
2. Yuusuf Aadan Cadde
3. Ciise Aadan Cadde
4. Ismaaciil Aadam Cadde
5. Jaamac Aadan cadde

Boocame Media

“Ismaaciil Cumar Geelle wax xidhiidh ah nagama dhaxeeyo , wakiilna uma ihi  umana shaqeeyo ““Maamulka Hargeisa  ha isaga...
02/02/2023

“Ismaaciil Cumar Geelle wax xidhiidh ah nagama dhaxeeyo , wakiilna uma ihi umana shaqeeyo “

“Maamulka Hargeisa ha isaga baxaan gobolka Sool , waa sida kaliya ee lagu kala nabad geli karo , Oog waa inay ka sokeyn , Waxay mudadii ay haysatay gobolka ka gaysatay Dil qorsheysan iyo dil toos ah iyo cabudhiin “

Daauud Bisinle Oo waraysi siinayey Warbaahinta lBoocame Media

02/02/2023

Xog Cusub; Taliska Argagixisada Jabhada SNM kaga sugan tahay Sool ee Goojacadde maanta waxa ka dhacday ceeb weyn kadib markii ay halkaasi ku qabsadeen waxay ugu yeedheen xuska Sanad guurada Ciidanka SNM, waxa khilaaf xoogan ku yimid Askarta iyo saraakiisha Ciidanka dhexdeedo.

Ciidan badan oo u dhashay Beesha Gadabuursi ayaa iska diiday inay ka qayb galaan xuska iyagoo markaasi ka cadhaysnaa Askar badan oo maxaabiis ahaan Wali u afduuban Argagixisada Jabhada SNM, askartaas oo ka gadoodsanayd dilkii dhowaan loo gaystay Askari Gadabuursi ah oo si badheedh ah Askari habar Awal ugu toogtay xerada dhexdeeda.

Ciidankaasi waxa iyana ku biiray Askar kale oo isugu jirta Habarjeclo iyo garxajis kuwaas oo cadaadis badan ay saareen eheladooda isla markaana maalmihii ugu danbeeyey waday dadaalo ay dib ugu laabanayaan xaafadahoodi, balantu xalay waxay ahayd inay saaka ku gaardiyaan xerada Goojacadde ciidan lagu qiyaasay 258 Askari balse aroortii ayaa wax badani is badaleen ciidankiina dhexdoodi khilaaf xoogan ayey ku waa biraysteen si cad ayeyna u diideen inay kasoo muuqdaan camera-da iyagoo ka cabsaday in wajiyadooda la aqoonsado.

Nuux taani ayaa aad ugu xanaaqay saraakiishii gacanta ku haysay abaabulka ciidanka oo kamid yahay Cali Barre oo isaga awoodiisa la dhimay waxaana jira saraakiilo ku xigeeno badan oo iyagana xilka qaadis lagu sameeyey saaka Nuux taani wuxu qaatay go’aan uu kala tashaday nin lagu magacaabo Ahmed diinaari oo Sacad Muuse cabdale saciid ah kana mida saraakiishii Muuse biixi keenay xeradan Goojacadde waxayna go’aansadeen inay soo bandhigaan 108 Askari oo isugu jira Askar labisan iyo kuwa baanbayda garaaca.

Ciidanka ayaa u badnaa habar awal badankood waxay yihiin istaafka Nuux taani majirto gaadiid dagaal oo ay soo bandhigeen waxaana ay saxaafada kula hadleen gudaha xerada taliyayaashii horgalada ahaa ee Dhulbahante labo Nin kaliya ayaa ka tegay halka horgaladii kale ee hargaysa kala yimid ay ahaayeen kaliya Horgal Saleebaan Yuusuf Cali koore, Horgal Cabdirisaaq ragaad, horgal ina cali qase iyo hal nin oo ciise ah inta kale waxay ahaayeen iiddoor Waxa muuqata kala furfurasho weyn oo dhexdooda ah.

Daaquud, Dhiigyacab, Dad qal ah oo Hal Milyan oo uu xukumo ay gaajo kunoolyihiin taladda SSC waxba laga waydiin maayo.Bo...
02/02/2023

Daaquud, Dhiigyacab, Dad qal ah oo Hal Milyan oo uu xukumo ay gaajo kunoolyihiin taladda SSC waxba laga waydiin maayo.

Boocame Media

02/02/2023

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu si toos ah ula soo xidhiidhay isimmada qaarkood toddobaad ka hor. Waxa uu kala hadlay in wadahadal ay la galaan Beesha Isaaq kaddibna ay wax la qaybsadaan si loo hawlgaliyo filinkii ay caammada ku marinhabaabin jireen ee SNM la wada leeyahay. Waxa uu u sheegay marka ay shirka dhammaystaan in ay yimaaddaan Xamar kaddibna Jabbuuti oo ay soo qaadaan lacag $10 Million ah oo ay ku dejiyaan dadka kacsan. Isimmadii uu la soo hadlay qaybtood waxa ay u sheegeen in marka shirku dhammaado ee ay aayahooda ka tashadaan oo ay iska saaraan malleeshiyada cadowga ay ka hadli karaan waxyaalo kale balse hadda aysan u oollin. Qaar ka mid ah isimmada ayaa debecsanaan badan u muujiyey qorsheha Ismaaciil balse aan toos u badheedhin.

Si kacdoonka loo xididdo siibo, waxa Saadiq Joon looga soo dhiibay Jabbuuti lacag dhan $500,000 oo uu isna u sii xilsaartay qaybinteeda iyo qorshedejinteeda xubno xildhibaanno iyo shakhsiyaad caadi ahba isugu jira oo kala jooga Muqdisho iyo Garoowe si shaqadii loogu talogalay ay ugu qabtaan wejiga h**e. Xubnahaas ayaa isku dayay in ay khilaaf weyn abuuraan oo waxa ay si gaar ah xoogga u saareen la shaqaynta labadii guddi mid ka mid ah iyaga oo tan kalena baaddil ku sheegay si khilaafku u sii bato. Arrnta guddiyada ayaa gebi-ahaanba shirka lagaga gaadhay go'aan rasmi ah oo ah in labadii guddi ee sagaalka iyo 33da ahaa la isku daro oo iyaga loo qaybiyo madaxyo kala duwan si shaqadu u sii socoto taasi oo god dheer ku ridday rajadii Jabbuuti iyo dillaaliinteeda.

Markii qorshehaasi fashilmay waxa ay u wareegaan qorshe kale oo ka halis badan kaasi oo ah in la faafiyo dacaayado ah in beelaha qaarkood aysan dagaal diyaar u ahayn. Waxa ay dheeleen shax h**e loo soo daawaday oo in badan cadowgu soo adeegsaday oo ah in Faarax Garaad iyo Maxammuud Garaad loo kala jabiyo guddida iyo isimmadaba. Tan ayaa iyana fashilantay oo u shaqayn weyday. Qorshe saddexaad oo ah in wadahadal lala galo malleeshiyada cadowga inta aan dagaal la qaadin ayay haddana uga wareegeen. Waxa kale oo jira weli xeelado kale oo ay ciyaarayaan kooxaha danleyda ah ee ay Jabbuuti qandaraaska soo siisay balse u muuqda kuwa aan shaqayn doonin.

Cabdirisaaq Khaliif oo lagu amray in uu magaalada ka soo baxo si uu jaanis u siiyo xubno kale oo isimmada iyo guddiyada ka mid ah iyo kuwo kale oo bannaanka ka yimid oo fikirkan laga gaday si ay iyagu shaqada la rabo u qabtaan maaddaama oo aan culays saarnayn ayaa soo laabtay shalayto markii waxba u dhaqaaqi waayeen kooxahaas. Illaa shalay waxa uu Cabdirisaaq oo kaashanaya xubnahaas h**e gudaha ugu joogay uu la yimid xeelad cusub oo uu ku soo qanciyey Muuse Biixi iyo iyo Geellaba in ay shaqayn doonto ee iyada lagu maalgeliyo. Cabdirisaaq ayaa xeeladahan u adeegsan doona kooxo ganacsato ah oo uu ku qanciyey in ay la shaqeeyaan una ballanqaaday dhaqaale xooggan. Kooxahaas ayaa la filayaa in qaybtood maanta hadasho si ay u abuuraan niyadjab hor leh. Waxa kale oo uruurinayaa cuqaal midkiida loo ballanqaado lacag aad u tiro badan oo aysan malaysan karin si ay ugu debcaan qorshehan cusub.

Dhagaraha halganka ku gadaaman ayaa badan balse waxaa iyana tixgalinteeda mudan in halgankastaa maro waddooyinka noocan ah oo mararka qaar qarka u fuulo in uu burburo. Halgan aan qarka u fuulin in uu burburo oo aan qodxo badan lahayn oo guulaystaa ma jiro taariikhda. Hadda innagu waaba sahlannahaye bal suureyso SNM markii ay Mingiste iyo Madaxweyne Siyaad heshiiyeen iyaga oo Itoobbiya ku wada sugan Soomaaliyana ay xuduudaheeda ka xidhatay aysanna garanayn meel ay aadaan oo kale. Jid dheer ayaa la mari doonaa oo lagu kala hadhi doono. Halgankana dhallinyaraa leh oo ilaashanaysa.




Boocame Media

02/02/2023

Galabta iyo isku soo baxa jamaahiirta ku nool magaalada Laascaanood taas oo markale loogu quus goynayo Cadowgeena Argagixisada Jabhada SNM 3:30 galabta iyo is-goyska Shuhadada.

02/02/2023

Guddiga saddex iyo soddonka ah wali waxa laga warsugayaa go’aankii ay isla qaateen, dhanka kale jamaahiirta kacdoonka bulugga ah ayaa iyaguna sugaya in maata ay bilow u noqoto go’aan godobeed iyo in aan sinba looga baydhin jidkii ay dhallinyaradu u godgaleen.

Igad 8 qodob ayey war murtiyeedkeeda Soomaaliya kaga hadashay, arrinta Laascaanood waxay ku soo qaadatay qodobada 48, 49...
02/02/2023

Igad 8 qodob ayey war murtiyeedkeeda Soomaaliya kaga hadashay, arrinta Laascaanood waxay ku soo qaadatay qodobada 48, 49.

Waxaad ka helaysaa page kooda.

Haddaba dadka aan halistan dareemayn ee waxa ka socda shirka aan dhugmada u lahayn waxaa la gudboon in aad dhawr qodob ogaataan.

Saamaynta Ismaaciil Cumar Geelle ku leeyahay madax dhaqameedka qaarkood oo baasabooro Jabuutiya wata, iyo saamaynta Hargeysa ku leedahay madax dhaqameedka qaarkood , waxay cidla taagi kartaa laba qolo, kuwaas oo kala ah Jamaahiirta hawshanba iyagu laf dhabarta u ah oo ay ka adkaato aragtida Ismaaciil Cumar Geelle oo qodobkan xataa in lagu xuso Igad ka dalbaday oo aan badhiidhihiisaba qarsan, oo ay muujinayso in uu kalsooni ku qabo in uu hawshaa soo afjari karo.

Aragtida Ismaaciil Cumar Geellena waa “Somaliland” wax bay idiin ogoshee wadahadal la gala, waana aragtida ay hadda aad ugu ololaynayaan labada xubnood ee ay “Somaliland” aadka uga rajada qabto.

Waxa kale oo ay artintan dhaawac ku noqonaysaa ragga mayalka adag ee aragtida “Somaliland” Aad uga soo horjeeda, sababaha shirka daahiyeyna qodobadani qayb Libaax ayey ku leeyihiin.

Address

Mowlaca
Laascaanood
2529

Telephone

+252907604011

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tooshka Siyaasada SSC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share