Las-Anod Media Inc.

Las-Anod Media Inc. Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Las-Anod Media Inc., Media/News Company, Las-Anod Sool, Laascaanood.

“Markasta oo qof aad ka dishaan shacabka Laascaanood, guri aad ka dumisaan Laascaanood waxaan ka sii qaadeynaa Karti, dh...
05/06/2023

“Markasta oo qof aad ka dishaan shacabka Laascaanood, guri aad ka dumisaan Laascaanood waxaan ka sii qaadeynaa Karti, dhiiranaan, adkeysi iyo wax ka iska celin, halka ay iyagu doonayeen inay na baqo geliyaan”

SHEEKH AADAM WELI

"Qaraxyadii ka dhacay Buuhoodle 3 sano ka hor ee lagu diley labada  masuul waxaa ka danbeeyey mid ka mid ah wasiirada So...
05/06/2023

"Qaraxyadii ka dhacay Buuhoodle 3 sano ka hor ee lagu diley labada masuul waxaa ka danbeeyey mid ka mid ah wasiirada Somaliland, Waxaanu u haynaa cadeymo 10 markhaati oo culimo ka mid tahay, Waxaan haynaa Caddeymo muujinaya inay qaraxii lagu diley Sh. C/Naasir Xaaji Axmed alle ha u naxariistee ay Somaliland ka danbeysey"

"Somaliland waynu iska saaraynaa annaga oo Alle kaashanayna waynu ka awood badannahay maanta Somaliland millitrary ahaan waynu iska kicineynaa"

XUBIN GUDDIGA HOGGAANKA SSC
SHEEKH AADAM WELI

“Waa nala laayey hadhihina, ee waanu islaynaa dhaha, rag badana waan iska kala dilney, iyagaana naga khasaare badan, gur...
04/06/2023

“Waa nala laayey hadhihina, ee waanu islaynaa dhaha, rag badana waan iska kala dilney, iyagaana naga khasaare badan, guryahana waynu dhisanaynaa"

GARAAD CABDILAAHI GARAAD SALEEBAAN

"Isimada dhaqanka iyo guddida 33-ka warar waawayn ka fisha caawa insha allah"ABDIWAHAB ADAM ALI
01/06/2023

"Isimada dhaqanka iyo guddida 33-ka warar waawayn ka fisha caawa insha allah"

ABDIWAHAB ADAM ALI

"Nin daad qaaday xumbo cuskay, maamulka isaaq maanta ma wuxuu marayaa yaa garaad ku abtirsada, goortee mar horay ahayd i...
01/06/2023

"Nin daad qaaday xumbo cuskay, maamulka isaaq maanta ma wuxuu marayaa yaa garaad ku abtirsada, goortee mar horay ahayd in garaadada sidaa loo jeclaado"

MAAYARKA DEGMADAA LAASCAANOOD
ABDIRAHIM ALI ISMAIL

Madaxwayne Qoorqoor ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah isimmada dhaqanka gobollada SSC, waxaanan iska xog wareeysteen x...
31/05/2023

Madaxwayne Qoorqoor ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah isimmada dhaqanka gobollada SSC, waxaanan iska xog wareeysteen xaaladda guud ee dalka si gaar ahna sidii xal waara loogu heli lahaa arrinta magaalada Laascaanood.

“Dalkan meesha uu joogo waxaa dhaafin kara qof u diyaar garooba surwaalka labadiisa gadaf in lagu dhago , jaakadda laga ...
31/05/2023

“Dalkan meesha uu joogo waxaa dhaafin kara qof u diyaar garooba surwaalka labadiisa gadaf in lagu dhago , jaakadda laga jeex jeexo , wax kasta lagu sameeyo - laakin meesha uu u socdo ay caddahay, mararka qaar la lagdayo , haddana waad iska kici .. meesha aan rabno ee aan u socono way caddahay - Shabaab dalka innan ka xorreyno weye , dastuurkeennu waa inuu dhammeystirmaa.”

Wuxuu intaa ku daray “Annaa maqan hebela maqan, haddaad maqantahay kaalay cid miya ku diiddan waliba waa lagugu tog-tuuga , caqligaaga loo baahanyahay , maskaxdaada loo baahanyahay , waxaad dooneysid ayaa la rabaa .. waa lagu tanaasula , laakin soo fadhiiso , haddaad soo fadhisan waydo , adiga shaqsiyan dadka ha ugu soo hormarin .. shacabka in la dhumiyo lama rabo .. Siyaasiga Soomaaliyeed isaga dantiisa wada kaligii , lamo rabo inuu dantiisa iyo danta Shacabka isku daro.”

REYSAL WASAARAHA JFS
XAMSE CABDI BARE

"Ilaa hadda waxaan tabayaa go'aankii ay labada garaad ee siyaad maxamuud iyo cuqaashoodu ka yidhaahdeen guulwadaha anago...
31/05/2023

"Ilaa hadda waxaan tabayaa go'aankii ay labada garaad ee siyaad maxamuud iyo cuqaashoodu ka yidhaahdeen guulwadaha anagoo isku dhan isimadayadu baanu go'aan kasoo saaraynaa ragga wali somaliland lasii jooga.

Raggaa maqnaashahooda, waxyeeladooda iyo magac xumadooda waxaa kun jeer igaga xun iyagoo waxa la og yahay sameeyay inay bari intay iska yimaadaan dhahaan dadkayagaanu la dareen noqonay waanuna khaldanayn ee halana cafiyo kadibna alalaase iyo soo dhawayno loo sameeyo.

Tawbada illaahayba mar aanu aqbalin baa jirtee inagu goormaynu soo xidhaynaa"

Fihiima Yuusuf Quuje

“Dadkiina difaacda, diintiina difaacda, dadnimadiina difaacda, walaalkaa oo lagugu hor dilayo ha daawanin, cadawgan kugu...
30/05/2023

“Dadkiina difaacda, diintiina difaacda, dadnimadiina difaacda, walaalkaa oo lagugu hor dilayo ha daawanin, cadawgan kugusoo duulay hadii uu ku adkaystay in uu dhiigaaga daadiyo xaq ayaad u leeday sharciyan iyo caqliyan ba ee iska celi, taa marwalba waan leeyay”

GARAADKA GUUD EE SSC-Khaatumo
GARAAD JAAMAC GARAAD CALI

"1991 shirkii ka qabsoomay jabuuti, ilaa kii u danveeyay Embegaati, waxaa lagu heshiiyay nidaam Parliamnetry ah oo leh M...
30/05/2023

"1991 shirkii ka qabsoomay jabuuti, ilaa kii u danveeyay Embegaati, waxaa lagu heshiiyay nidaam Parliamnetry ah oo leh Madaxweyne iyo raysal-wasaarw, barnaamij ilaa waqtigaas lagu soo dhaqmayay ma dhacayso in dhawr qof ay habeen madaw bedelaan, wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah, hadana sabab loo bedelo ma muuqato, ififaalaha uu madaxweynuhu ula dhaqmayi waan arkaynay, awalna wuu baabi'iyay xafiiska awood qaybsigga oo awoodihiisii buu qaatay, hadana si bareer ah buuba u yiri maba jiri.

Waxaa jira Baarlamaan 2 Aqal ah, oo waxaa loo sameeyay oo loo adkeeynayay in 2 qof say doonaan aysan ka yeelin, Anigu shirkii u danbeeyay ee aan taggay waxaa naloo keenay dastuurkii oo sidii la rabo loo bedellay, waana diidnay.

Dastuurka Puntland waxa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta la helayo, Puntland-na qayb k**a aha arimahaas, gudigii wada-xaajoodka Puntlnad iyo DFS dhawaan way hadlayaan, oo bulshada Puntland wada-tashi bay la yeelanayaan. Dawlada Puntland waxay u taagantahay midnimada"

MADAXWAYNAHA DOWLADDA PUNTLAND
SAID ABDULLAHI DENI

"Puntland qayb k**a ahayn, mana qusayso warkii dhawaan soo baxay, kuwii h**e waxaan uga baaqsanay oo aan u saxiixi wayna...
30/05/2023

"Puntland qayb k**a ahayn, mana qusayso warkii dhawaan soo baxay, kuwii h**e waxaan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay meel qaldan in loo wado dalka.

hadii la rabo xasilooni la'aanta Soomaaliya in la xaliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyo, hadii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan.

Qaab-dhismeedka dawlada ee hadda laga hadlayo waa arin khatar ah, bulshadaan 60ka sano xorta ah, waxaa jirtay fahan-daro ah habka loo qaybinayo ama loogu dhaqmayo awoodaha dawladnimada, Puntland waa ka digaysaa waxkasta oo khatar ah"

MADAXWAYNAHA DOWLADDA PUNTLAND
SAID ABDULLAHI DENI

30/05/2023

Address

Las-Anod Sool
Laascaanood
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Las-Anod Media Inc. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share