
12/07/2024
"Reer SSC-Khatumo Waa Inay Alle u mahad naqaan Nimcooyinka kala duwan ee uu siiyey ,
Waa inay iska Ilaaliyaan Kala taga iyo Tafaraaruqa, Waxaan doonaynaa inaad noogu timaadaan Midnimadii iyo wadajirkii aad talada noogu dhiibteen, Sidoo kale Waxaanu doonaynaa inaad Dowlad dhiska nala garab istaagaan, Waa inaan Isku tashiga xoojinaa oo danteena u tashanaa "
"Dowlad dhiskeenu meel wanaagsan buu marayaa ee aynu sii wadno , 33 Sano ka dib baan ku guulaysannay inaan ubadkeena Waxbarasho Tayo leh siinno"
Madaxweynha Maamulka SSC-Khaatumo .
C/Qaadir Axmed Aw-Cali oo ka hadley Masjid Jaamaca Laascaanood .