
26/09/2023
Golaha Wasiirrada cusub ee Maamulka Ssc-Khaatumo oo shalay loo dhaariyay xilka ayaa caawa xaflad soo dhowayn iyo casho sharaf ah loogu sameeyay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.
Xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah Madaxda ugu sarraysa Maamulka, Isimmada dhaqanka, Cuqaasha, Saraakiisha Ciidanka, dhallinyaro, aqoonyahanno iyo qaybaha kale ee bulshada kuwaas oo dhammaantoodba soo dhowayn iyo duco isugu daray wasiirradan cusub iyagoo dhanka kale kula dardaarmay in ay si daacad ah u gutaan waajibaadka loo igmaday.
SSC Somali TV