Soomaal

Soomaal News related articles

Hooyaalayeey gabayga waa lagu wanaajaaye
Anna waayirkiisaan ahee waano iga qaata
Waageerka caadku waa indhaha walalac beeneede
Waxku-aragu waa wiilka oon waayo kaa heline
Addinkoy wax gaaadhaanna waa loo wakinayaaye
Weheluhu baddooy kala tagaan wiiqan ubadkiiye

Walaxdii dhinaataaba way kaa weyrixisaaye
Iyadana wadeecada aduun wiil kalaw baxaye
Wadaamii qalbiga waxa la tegey wililigteediye
Intay waaninaysan dhulbaan weel ka gurayaaye
Waa lay warramayaa dadbaan weeye leeyahaye

Waxakani wareer iyo ka badan caashaq waaxidahe
Walaalooyinoow waxan ka biqi inan ku waashaaye
Markan inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye
Wiirada ragiyo baan ka tegi wadhida naagaaye
Wadankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye
Wuxu Eebahay ii waciyo waadanbe an dhawro





Nimanyahow gabay waa murti iyo maaran kala waaye
Rag uun baa maroor wax u tusoo kaygu waa malabe
Sida Sheekh m***i ah oo cilmiga meel ku marinaaya
Waw muhanayaa maansadaad mari i leediine
Hadanse madal ka sheegaayo oon walle ku maansoodo
Martuba way ka dhici layd hablaha muxibbo owgeede
Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda

Miyi waxan la tegi waayey iyo madaxdii Daa'uudka
Meeraysigeedii waxaan ula madoobaaday
Nin mataanihiisii gacmaha meel dhigtaan ahaye
Mid kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye
Muruq kuma kaxaysanine rag buu magansanaayaaye
Haddii aanan mahiiggiyo ka biqin murabidkaa gaalka

Amase aan mashraqo lay sudhayn maalin ma hayeene
Alla magane sow dowladani meesha k**a dhoofto
Afartaa intaan miin ka dayey marin ma qaadsiiyey
Mid kalena waa maansaday muhatay laabtaydu
Mariid baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye
Mirirbaa la gooyaa cishqaan cidina maareyne

Inantaan naftayda u makalay way i moog tahaye
Mid kalaaba loo meheriyey ooy meel u gogoshaaye
Micna gaabanow dumar inaan malo la waydiinin
Waa waxa martiyo loogu xidhay marada shaydaane
Muxubiyo makaawo wakiil magac waxaan siiyey
Maydhkii khasaaraysay iyo maaddi gabayeede
Waa ii muraadday iyo waxaan uga muraaqoone
Misaalkeeda waan heli lahaa Maydh haddaan tago e
Mudanihii Cismaan iyo bal aan Maakhir haybsado

23/06/2026
23/06/2026

WAA DADKII SHAlAY LAGU XASUUQAY .

-tirada 25 ayay ka badangahay, aaxaa lagu laayey tiknikada dawladda waqooyi bari oi qaab qabiil loo adeegsaday kana soo baxday furnta guumays.

-These are the people who were massacred in the workplace in Aricadeeye.

The number is more than 25. They were killed using vehicles/equipment of the Northeastern State government of Somalia 🇸🇴.


Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Soomaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share