19/10/2025
Xildhiban Durba Lasoo Baxay Ifafaalaha Matalaada Dadkiisa.
Muxuu Daaranaa Kormeerka Xildhibaan Xasan Qoorgaab ee Garoonka Diyaaradaha Buuhoodle
Xildhibaan Xasan Qoorgaab oo ka mida xildhibaanada ugu firfircoon maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa noqday xildhibaan metelaada dadkiisa ka dhabeeyey, Xildhibaan Xasan Qoorgaab, ayaana maanta kormeer shaqo ku tegey garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle.
Xildhibaan Xasan Qoorgaab, oo ka tirsan xildhibaanada cusub ee maamulka, ayaa caan ku ah dhiifoonaan, firfircooni, iyo sida uu mar walba ula damqado dadkiisa.
Waxa uu si joogto ah uga shaqeeyaa sidii loo hormarin lahaa adeegyada bulshada iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Maamulka Waqooyi Bari.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Xildhibaanku waxa uu bogaadiyey hormarka weyn ee laga sameeyey dhismaha garoonka diyaaradaha Buuhoodle, kaas oo hadda maraya meel gabogabo ah.
Waxa uu ku ammaanay shaqaalaha iyo maamulka mashruuca sida ay ugu dedaaleen in garoonku ku dhamaado waqtigii loogu talagalay.
Kormeerka Xildhibaan Xasan Qoorgaab ayaa calaamad u ah hoggaan firfircoon, dadkiisa la dareen ah, oo ku taagan waddada horumarka iyo midnimada bulshada Buuhoodle.