Daldoontv

Daldoontv Waxaanu Nahay Warbaahin Dhex Dhexaad Ah Oo Ka Howl Gasha Meel Kasta Oo Somaali Joogto

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka,Sergey Lavrov ayaa hadal uu maanta sii daayay telefishinka Ruushka ee RT , wuxuu sheeg...
07/09/2026

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka,Sergey Lavrov ayaa hadal uu maanta sii daayay telefishinka Ruushka ee RT , wuxuu sheegay inay Iiraan u muuqato ugu dambeyn inay ku biiri karto heshiiska difaaca wadajirka ah ee Pakistan,Turkiga iyo Sacuudiga.

Wuxuu yiri;

“Iiraan waxay mustaqbalka ku biiri kartaa Isbahaysiga Difaaca Maka, sidoo kale haddii Masar iyo Aljeeriya ay ku biiraan taasi waxay noqon lahayd tallaabo wax-ku-ool ah oo aad u wanaagsan oo lagu hirgelinayo fikraddii Ruushka ee aan markii h**e soo jeedinay.”

Fiiro gaar ah;

Fikradda Ruushka ee Lavrov tixraacayo waa qorshe Ruushku muddo dheer waday oo ku saabsan in amniga Gacanka Faaris iyo Bariga Dhexe lagu dhiso hannaan ay dalalka gobolka laf ahaantoodu maamulaan, halkii amniga intiisa badan lagu tiirsanaan lahaa Maraykanka ama quwado shisheeye.

Ruushku wuxuu fikraddan si rasmi ah u soo bandhigay tan iyo 2019, waxaana 2026 dib loo cusboonaysiiyay oo loo gudbiyay Iiraan iyo dalalka Carabta ee Khaliijka.

Soomaaliya iyo Masar ayaa ku dhawaaqay in ay si buuxda isku garab istaagayaan marka la joogo fagaareyaasha Caalamiga ah,...
07/09/2026

Soomaaliya iyo Masar ayaa ku dhawaaqay in ay si buuxda isku garab istaagayaan marka la joogo fagaareyaasha Caalamiga ah, sida lagu shaaciyay bayaan laga soo saarey kulan ay yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda labada dal.

Roobab iyo dabaylo xooggan oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan xeebaha koonfurta SoomaaliyaKhariidadda cimilada ayaa muu...
07/09/2026

Roobab iyo dabaylo xooggan oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan xeebaha koonfurta Soomaaliya

Khariidadda cimilada ayaa muujinaysa nidaam roobaad oo ka jira Badweynta Hindiya, gaar ahaan dhanka bari iyo koonfur-bari ee Soomaaliya.

Qaybo ka mid ah nidaamka ayaa laga arkayaa daruuro roobaad oo leh midabbo cagaaran, jaalle iyo casaan, kuwaas oo muujinaya kala duwanaanshaha xoogga roobabka. Meelaha jaallaha iyo casaanka ah ayaa u muuqda unugyo roobaad oo xooggan oo ka samaysmay gudaha badda.

Khariidaddu sidoo kale waxay muujinaysaa jihada iyo socodka dabaylaha ku hareeraysan nidaamka roobaadka, taasoo tilmaamaysa dhaqdhaqaaq cimilo oo muuqda.

Haddii nidaamkan uu sii wado inuu u dhaqaaqo dhanka dhulka Soomaaliya, waxaa suuragal ah inuu keeno roobab xooggan iyo dabaylo saameeya qaybo ka mid ah xeebaha iyo koonfur-bari Soomaaliya, gaar ahaan nawaaxiga Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, xogaha saadaasha cimilada ee saacadaha iyo maalmaha soo socda ayaa muhiim u ah xaqiijinta jihada uu nidaamku u socdo, xooggiisa iyo meelaha ay u badan tahay inuu saameeyo.

Puntland ayaa shaacisay inay si weyn uga xuntahey geerida shimbir nooca Xuur-cadda ah oo ku geeriyootay deegaanka Dhuudo...
07/09/2026

Puntland ayaa shaacisay inay si weyn uga xuntahey geerida shimbir nooca Xuur-cadda ah oo ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee degmada Bandar-bayla, Gobolka Karkaar.

Shimbirtan oo summaddeedu ahayd UK43 ayaa ka soo duushay dalka Hungary, iyadoo safar dhan 5,180 KM ku soo gaartay Soomaaliya.

Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa bulshada ugu baaqday in haddii ay la kulmaan shimbiraha guur-guura ee dhaawacan ama gargaarka u baahan ay la soo xiriiraan Wasaaradda si loo badbaadiyo.

07/09/2026

Hotel Xudun Caasimadda

LGabdhihii ciidanka Kurdiyiinta ee dhawaan la kala direy, kana tirsannaa guutooyinka adag ee aadka looga baqi jiray oo d...
07/09/2026

LGabdhihii ciidanka Kurdiyiinta ee dhawaan la kala direy, kana tirsannaa guutooyinka adag ee aadka looga baqi jiray oo doonaya inay Mustaqbalkooddii dib u dhistaan nolol cusubna raadinaya hada.

1,500 oo haween ah ayaa ku jirey ciidanka Kurdida YPG kuwaasoo dhawaan jiritaankoodii
la soo afjaray- ka dib markii Maraykanka iyo Isr*** u wareegeen la shaqeynta kooxda Al Sharax ee hadda hogaaminayo Suuriya.

Maraykanka ayaa jabhada Kurdida dhaqaalaha siin jirey, balse isbedel ayaa dhacay markii Bashar Al Asad ka baxsaday dalka Suuriya dhamaadnkii 2024tii.

Trump ayaa caashaqay Al Sharax, wuxuuna ugu wacaa sida wiilkiisa oo kale, taas micnaheedu waa inay iyagu soo tababarteen markii h**e hadana madaxweyne ka dhigeen.

“Maanta Soomaaliya waa dalka keliya ee gobolka ku yaalla oo aad Muqdisho dhexdeeda intaad istaagtid, Xasan Sheekh Maxamu...
07/09/2026

“Maanta Soomaaliya waa dalka keliya ee gobolka ku yaalla oo aad Muqdisho dhexdeeda intaad istaagtid, Xasan Sheekh Maxamuud sidaad doonto u dhaliili kartid, Laakiin Abiy Ahmed sidaas kuma sameyn kartid, Jabuuti kuma sameyn kartid, Eritreana kuma sameyn kartid.” Aqoon yahan Prof Feysal Rooble oo la dhacsan siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sh oo dib ugu soo laabtay Dalka kadib safar mudo uu ku maqnaa uu muran dhaliyay
07/09/2026

Madaxweyne Xasan Sh oo dib ugu soo laabtay Dalka kadib safar mudo uu ku maqnaa uu muran dhaliyay

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa si rasmi ah u daahqaaday markabka dagaal ee weyn ee "Kang Kon", kaas oo...
07/09/2026

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa si rasmi ah u daahqaaday markabka dagaal ee weyn ee "Kang Kon", kaas oo ah nooca wax burburiya (destroyer) oo culeyskiisu yahay 5,000 oo tan, kaas oo xambaaraya gantaallada madaxyada Nukliyeerka, sida ay tebisey wakaaladda dowladda ee KCNA.

Kim, waxa uu sheegay in waqtigii ay madaxbannaanidooda ku muujin lahaayeen badda dusheeda ay timid, iyada oo markab kani qayb ka noqon doono nidaamka difaaca iyo weerarka nukliyeerka ee dalkaas, si uu u fuliyo wax uu Kim ku tilmaamay;weeraro aargudasho ah oo burburiya cadowga.

Shirkadda diyaaradaha ee Cumaan laga leeyahay SalamAir ayaa soo banddhigtay qiimaha duulimaadyada: India Hyderabad $560,...
07/09/2026

Shirkadda diyaaradaha ee Cumaan laga leeyahay SalamAir ayaa soo banddhigtay qiimaha duulimaadyada:

India Hyderabad $560, halka uu h**e ugu dhowaa $1,200, iyo Dubai $510, halka uu h**e uga gaari jiray $830.

Tallaabadan ayaa muujinaysa faa’iidada tartanka suuqa, oo rakaabka u horseedaya qiime jaban iyo fursado safar oo badan.

Address

Laascaanood
252

Telephone

+252906824496

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daldoontv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share