01/01/2026
*Waa maxay asalka debaaldega sanadka cusub?*
Waagii Ruum-kii h**e, qiyaastii sanadka 46 BC, boqor Julius Caesar wuxuu ka dhigay Janaayo kowdeeda bilawga jadwalka cusub. Bishan waxaa loogu magac daray Janus, ilaahii Rumaaniyiinta ee bilawga iyo dhammaadka.
Rumaaniyiintu waxay rumaysnaayeen in ilaahan "labada weji leh" uu dib u eegi karo sanadkii h**e, horana u arki karo kan soo socda. Kadib markuu sanadku dhamaado allabaryo ayay u samayn jireen ilaahooda Janus, waxayna u ballanqaadi jireen inay camal wanaagsan samayn doonaan sanadka soo socda. Dhaqankani wuxuu soo jiray qarniyo badan oo la soo cusboonaysiinayay.
Ka dib, dhowr kooxood oo Masiixiyiin ah ayaa habeenka sanadka cusub u qaatay fursad ay ku milicsadaan/kaga fekeraan xumaantoodii sanadkii tegay, waxayna sii go'aansan jireen in ay beddelaan dhaqankooda sanadka cusub.
Waayahan dambe, tani waxay noqotay dhaqan cilmaani ah oo ay dadka qaar naftooda u dejiyaan in ay wax ka beddelaan caadooyinka ama horumar ay ku sameeyaan noolashooda. Si kastaba ha ahaatee, sahan dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kaliya 8%(boqolkiiba siddeed) dadka go'aamadaas sameeya ay sheegaan in ay go'aankooda sii wadi doonaan ilaa dhamaadka sanadka. Sidaa darteed go'aamada sanadka cusub waxay ku saleysan yihiin jaahilnimo, gaalnimo iyo cilmaaniyad.
Qofka Muslimka ah waxaas oo dhan wuu ka xoroobay: shirkiga wuu ka xoroobay, gaalada in uu ku daydo wuu ka xoroobay. Qofka Muslimka ah waxa uu rajaynayaa in uu naftiisa wanaajiyo daqiiqad kasta oo noolashiisa ka mid ah, waxaana uu go’aansadaa in uu maalin kasta dhaqankiisa xun ku beddelo cibaado iyo adeecid.