15/08/2026
WOQOOYI-BARI: Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, Mudane George Conway ayaa ku wajahan Laascaanood, isaga oo shirar ku aadan howlaha gargaarka bani’aadannimo, xoojinta isku-duwidda hay’adaha & mashaariicda la yeelanaya mas'uuliyiinta maamulka & bulshada, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ka tirsan QM.
Socdaalkan ayaa lagu wadaa in uu jid-fur u noqdo hey'adaha gargaarka & horumarinta ee ka howlgala dalka oo aan haatan cagtoodu ku badnayn maamul kaas.