03/05/2026
DIGNIIN CIMILO OO RASMI AH
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari
Waaxda Maareynta Masiibooyinka.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda ilaalinta badqabka bulshada iyo ka hortagga khataraha masiibooyinka, waxay Bulshada ku dhaqan Deeganada iyo Goboladda Dowladda Waqooyi bari, si rasmi ah ugu wargelinaysaa in la saadaalinayo roobab xooggan oo wata dabaylo kuwaas oo la filayo inay ka daβaan caawa iyo maalmaha soo socda Deeganadda Dowladda Waqooyi Bari.
Xogaha saadaasha cimiladu waxay muujinayaan suuragalnimada roobab mahiigaan ah oo keeni kara daadad iyo fatahaado, iyadoo sidoo kale la filayo dabaylo xooggan oo xawaarehoodu gaari karo 35β50 km/h, kuwaas oo sababi kara khataro la xiriira badqabka bulshada, guryaha nugul, iyo kaabeyaasha muhiimka ah.
Fadlan Muwaadin Qaado Talooyinkan Muhiimka ee wasaaradda gargaarka iyo maareynta nasiiboyinka kasoo baxaya.
1 .Ka fogow goobaha biyo-mareennada, togagga, iyo meelaha daadadku mari karaan.
2.Ha ku hoyan guryo jilicsan ama saqafyo nugul inta ay socdaan dabaylaha iyo Roobabku.
3. Ka fogow geedaha waaweyn, darbiyada daciifka ah, iyo tiirarka korontada.
4. Damii korontada haddii ay jirto khatar biyo soo galaan guriga.
5. Xoolaha u raro meelaha sare ee ka fog daadadka iyo dabaylaha.
6β’ yaree safarrada aan muhiimka ahayn inta Roobku Da,ayo.
7. La soco digniinaha iyo warbixinaha rasmiga ah ee wasaaradda gargaarka iyo laamaha dowladda.
Ugu dambayn, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari waxay bulshada ugu baaqaysaa feejignaan buuxda, diyaargarow h**e, iyo wada shaqayn bulsho, maadaama taxaddar, is-kaashi, iyo u hoggaansanaanta tilmaamaha badbaado ay door weyn ka qaadan karaan yareynta khasaaraha ka dhalan kara khataraha roobabka iyo dabaylaha.