Radio Marka-KGS

Radio Marka-KGS ku Soo dhawoow Bogg Rasmiga ah Ee Radio Marka Codka Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed.

ku Soo dhawoow Warbaahinta Marka Oo ah warbaahin u shaqeeysa Bulshada iyo hormarka Guud Ee dalka

02/05/2025

WARBIXIN~ Waxqabadka 100, Maalmood ee Bilawga Muddo-Xileedka Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Mudane Ibrahim Adan Ali Najah.

Wasiirka waxbarshada dowllada koonfur galbeed ibraahim aadan Cali najax iyo xildhibaan xuseyn Cali Xaaji oo maanta gaara...
20/10/2024

Wasiirka waxbarshada dowllada koonfur galbeed ibraahim aadan Cali najax iyo xildhibaan xuseyn Cali Xaaji oo maanta gaaray Magaalada Marka ee Xarunta Ganacsiga dowllada koonfur galbeed Ayaa waxaa si diiran u Soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka magaalada

20/09/2024

Wiilkan dhallinyarada waxa dhibkaan geystay kooxha khawariijt Waxaana ay saameyn ku yeelatay Nolashiisa,
WARBIXIN




13/09/2024

Guulaha, laga gaarey hawlgaladii ugu dambeeyay ee khawaariijta lagu naafeeyay deegaanada Jubbaland? | Warbixin

Dadkaaga kamid noqo





07/09/2024

Yuusuf Xuseen, dhallinyarada la khalday ee Khawaarijta ku jirta waa in ay ka baxaan safkooda waayo kooxdaas qof la joogo ma heysto nolol iyo waxbarasho toona. Halkan dhinaca dowladda ayey taallaa daryeel iyo wax kasta oo muwaadinka u baahan yahay," Dhuumaal.




30/08/2024

Mid kamid ah dhalinyarada soomaaliyeed ayaa baaq u jeediyay dhalinta ku jirta kooxda Al-shabaab inay kasoo laabtaan ayna Ka faaideystaan fursadda ay dowlada u fidisay




24-8-2024; War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa...
24/08/2024

24-8-2024; War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:

“Waxaa nasiib darro ah in aan wali kusii aragno waddooyinka dalkeenna muhiimka u ah isbaarooyin sharci darro ah oo ay dhigtaan kooxo dano gaar ah leh. Tani waxay si toos khatar ween ugu tahay horumarka, nabadda, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Isbaarooyinkan waxay sababeen: Nabadgelyo-darro, Hor-istaag Dhaqaalaha, Kala-fogaansho bulsho, kala shaki iyo Amni daro baahsan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya waxay xoojineysaa si buuxdana ugarab taagan tahay xoogaga amniga ee wada Howlgalka sifeynta isbaarooyinka, oo h**eyna madaxda Dowladda go'aano cad ka soo saareen in aan la aqbali karin isbaarooyin sharci dara ah shaar walbo haloo galiyee, ayadoo la adeegsanayo: Wacyigelin iyo Xiriir Dadweyne, Sareynta Sharciga, Xoojinta iyo kaladanbeyta, ladagaalanka wax walbo oo liddi ku ah Amniga iyo Nabadgalyada deegaanada Dowladda kgs.

Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa xadkagudbay kana soo horjeedo Nabadgalyada, habeen iyo maalinna u taagan dhibaateenta dadweynaha Masaakiinta ee ku safra Waddooyinka Deegaanada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilaahay asagoo ka hadlaayo kuwa noocaas ah ayna banaantahay in halmeel looga soo wada horjeesto ilaahay quraankiisa waxa uu ku yiri:

﴿ إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلَافٍ أَوْ يُنفَوْا مِنَ الْأَرْضِ ۚ ذَٰلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ﴾

Ugu dambayntii, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan bulshada ku dhaqan deeganada dowladda koonfur Galbeed Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hortagaan isbaarooyinka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanada.

Wadajir baynu ku gaadhi karnaa horumar iyo Nabad galyo waarta.

Dhammaad.

Musharax Madaxweyne Galmudug Liiban Ahmed Xasan iyo Wafdi uu Hoggaamiyayo Ayaa Galabtay si weyn loogu soo dhaweeyay Degm...
24/08/2024

Musharax Madaxweyne Galmudug Liiban Ahmed Xasan iyo Wafdi uu Hoggaamiyayo Ayaa Galabtay si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Ceel-guula ee Gobolka Mudug.

Waxaana soo dhaweyn Musharaxa ka qeyb gallay Culimada-udiinka, Odayaasha dhaqanka Iyo qeybaha Kala duwan Ee Bulshada Magaalada Ceel-guula.

Musharaxa Liiban Ahmed xasan ayaa Bulshada Magaalada Ceel-guula, oga mahad-celiyey doorkii ay ku lahayeen Xoreynta Degaanada Kunfurta Gobolka Mudug, iyo Garab istaaga ciidamadda Qaranka iyo kuwa deegaanka.

23/08/2024

Gaarsiiya Dhalinyarada Ay Qaldeen Kooxaha Khawaarijta:

"Dhalinyaro, waxaad tihiin ubaxa iyo mustaqbalka dalka ee hoggaamin lahaa berrito. Ka waantooba fikirka qaldan ee la idiin ku shubay oo dadkiinna kasoo mid noqda."

Sheikh Mowliid Shariif

Dadkaaga Kamid Noqo

20/04/2024
20/04/2024

Maydka haweyneey iyo nin kii ay h**e u kala tageen oo laga helay meedkowda gaari nooca aan xabada karin.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha...
20/04/2024

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah XFS ,Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta,iyo sidoo kale Xubno ka socday Jamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa Magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay ,Magaaleynta taariikhda dhaqanka ee Muqdisho ,Dhaqaalaha badda ee rajada horumarka ee Soomaaliya,
Iyo Wax ka qabashada Caqabadaha Magaalada, Dhaqaalaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caafimaadka Bulshada.

Shirka oo Socday muddo sedax Cisho ah
Waxaa Soo qabanqaabiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi

Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa Xariga ka jaray bandhig sawireedkii h**e ee Muqdisho iyo horumarkeeda taariikheed ee Magaalo ahaan Waxa uuna ka Sheekeeyay Guddoomiyaha Xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda talyaaniga iyo Dowladda Soomaaliya ay leeyahiin loona baahanyahy ayuu yari' in la soo nooleeyo Taariikhayadii barisamaadkii h**e, xarig Jarkaan bandhig sawireedkii h**e waxa uu xasuuus gaar ah galinayaa waaya joogii h**e ee Soomaaliya;

Ugudanbeeyntii guddoomiyaha waxa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Jaaliyadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay shirkaan oo u ugu Horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.

Address

Merca

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Marka-KGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share