Radio Marka-KGS

Radio Marka-KGS ku Soo dhawoow Bogg Rasmiga ah Ee Radio Marka Codka Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed.

ku Soo dhawoow Warbaahinta Marka Oo ah warbaahin u shaqeeysa Bulshada iyo hormarka Guud Ee dalka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay E...
02/10/2025

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hey’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga, gaar ahaan horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta, dardargelinta wajiga labaad ee barnaamijka JPP iyo ka hor-tagga askareynta carruurta.

Wasiirka Amniga Gudaha Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa uga mahadceliyey danjiraha taageerada kala duwan ee ay siiyaan hey’adaha amniga Dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga, si loo gaaro horumar wax ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo guulaha la gaaray.

Dhankiisa, Danjire James Swan ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey’adaha amniga dalka, gaar ahaan arrimaha mudnaanta weyn leh, sida amniga caasimadda iyo xaqiijinta barnaamijyada lagu taageerayo hey’adaha hey’adaha amniga Soomaaliya.

02/10/2025
Mareykanka wuxuu Turkiga u gudbiyay codsi la xiriira in shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ay xarumo w...
02/10/2025

Mareykanka wuxuu Turkiga u gudbiyay codsi la xiriira in shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ay xarumo wax soo saar ka furato gudaha Mareykanka , si Mareykanka uga faa’iideysto tiknoolajiyada Turkiga ,sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ,Hakan Fidan.

Laakin muxuu Mareykanka uga baahanyahay Baykar?

Mareykanka wuxuu leeyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo loo arko kuwa ugu sarreeya caalamka , balse waa kuwo ku fadhiya dhaqaale badan si ka duwan kuwa Turkiga oo leh tiknooliyad iyo awood casri ah, balse toban jibbaar qiimo ka hooseeya kuwa Mareykanka lagu soo saaray.

Wuxuu ka walaacsanyahay Mareykanka , wax soosaarka Shiinaha ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo xarga goostay, taa oo Mareykanka uusan sameyn karin , sabab la xiriirta qiimaha badan ee ku baxaya diyaaradahiisa, si taa meesha looga saaro iskaashiga wax soosaarka ee Turkiga ayaa u suragelin kara inuu qeyb ka noqdo tartankaa. Si fudud , waa wax la mid ah tallaabada uu Ruushka ku adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, isagoo heysta kuwa leh awood sare, hadana qiimaha hoose ee ay ku kacayaan diyaaradaha Iiraan ayaa ku qasbay inuu adeegsado diyaaradaha Shahed, si uu ugu adkeyso dhaqaale ahaan dagaalka waqtiga dheer socda ee Ukraine.

02/10/2025

Is rasaaseen ka dhacday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo
keentay dhimasho iyo dhaawac,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan S...
02/10/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka qeyb galay kalfadhiga guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay New York, Mareykanka.

Intii uu safarka ku maqnaa, Madaxweynaha wuxuu kulamo muhiim ah la qaatay madaxda caalamka iyo madaxda hay'adaha QM, isagoo diiradda saaray taageerada Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, deyn cafinta, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyed Gaar ahaan Ururka 95aad Guutada 9aad Qaybta 60aad Ciidanka Dhulka XDS Ayaa Maanta Howga...
02/10/2025

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyed Gaar ahaan Ururka 95aad Guutada 9aad Qaybta 60aad Ciidanka Dhulka XDS Ayaa Maanta Howgal Qorshaysan Ka fuliyeen Degaanada Ceel-Xarar,Lafale ,Garas,shimbirow Iyo Degaano Kale O ka tirsan Degmada Waajid Howlgalka Waxaa Hogaaminayey Taliyaha Ururka 95aad Guutada 9aad Qaybta 60aad Ciidanka Dhulka XDS L/X/Le Isaaq Mohamed Ibraahim Howlgalka Inta Uu Socoday Ayaa Lagu Burburiyey Saldhigyo Ay Ku Lahayeen Degaanada Maanta Howgalka Laga Fuliyey

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay Madasha Wadatashi...
28/09/2025

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay Madasha Wadatashiga Aasaaska iyo Xoojinta Wadashaqeynta Ganacsatada iyo Hay’adaha Maaliyadeed.

Madashan muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada, maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo, ganacsato, bankiyo iyo marti sharaf kale oo ka kala socday qaybaha bulshada.

Ujeeddada madashu waxay ahayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa ganacsatada iyo hay’adaha maaliyadeed, iyadoo la abuurayo jawi suuq ganacsi oo dhiirrigeliya horumar dhaqaale iyo maalgashi joogto ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoo...
28/09/2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Charles King, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta xiriirka labada dal.
Danjiraha oo ugu horeyn Guddoomiyaha uga mahadceliyay soo dhoweyntiisa ayaa xusay in mudadii uu xilka hayay uu xoogga saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada wadan, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Ingiriiska ka go’an tahay sii adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo joogteynta taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska iyo shacabka reer UK taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga iyo dhismaha dowladnimada.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa safiirka uga warbixiyay shaqooyinka Golaha Shacabka iyo horumarka ka socda dalka, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Soomaaliya kalfadhiga todobaad uu xooga saari doono dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caddeeyay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga dib loogu celinayo si ay madaxdooda si toos ah ugu soo doortaan.

28/09/2025

“Wallahi Soomaaliya ma is dhiibeyso, Qof dareen Soomaalinimo iyo Muslimnimo leh inta uu nool yahay, Khawaarij dalkan ma xukumi karaan.”
G/Sare Xasan Cali Nuur (Shute)

28/09/2025

Xiriirka Sportiga Degmada marka oo agab Sport ugu deeqay nadiyada sport ee ka dhisan magaalada marka gobalka sh.hoose.

Address

Merca

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Marka-KGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share