Radio Marko

Radio Marko Warar Sugan oo Xaqiiqo ah ugu hir Radio Marko.📻

04/09/2026

Xildhibaan h**e Abukaate Cumar Xasan Zubeer ayaa isku soo taagay kursiga Beesha Dabruuwe Maxamed ee Hope-151, isagoo sheegay inuu sannado badan u soo fadhiyay Carta iyo Eldoret, ilaa uu gacan u soo geliyay kursiga Beesha.

Wuxuuna sheegay in kursiga in lahelo uu garab ku siiyay Alle ha u naxariistee Eng. Siid Cali Dabruuwe, oo uu sheegay inuu Eldoret ku wehelinayay ilaa kursiga laga helo.

Laakiin wuxuu nasiib-darro ku tilmaamay inuu kursiga ka fara-maroojiyay Cabdulla Xuseen Cali, oo uu sheegay inuu kursiga ka dhacay. Sidoo kale, ku dhowaad 20 sano kursigu wuxuu ahaa mid aan reerka lagu matalin.

Xildhibaan h**e Abukaate Cumar Xasan Zubeer ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu kursiga dib ugu qaato ninkii kursiga ka dhacay, ee aan Beesha waxba u qaban 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Wuxuuna Xildhibaan Cabdulla ku eedeeyay inuu si cad ugu sheegay inuu yahay Ismaaciil Cumar Gellaha Beesha Dabruuwe, uusan kursiga ka degi doonin ilaa uu ka dhinto.

Cabdulla ayaa sheegay inuu rabo in la aaso isagoo xildhibaan ah.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Cumar Xasan Zubeer ayaa sheegay in sababta uu ugu biiray Koonfur Bari ay tahay in sannad kasta Koonfur Galbeed kursiga u xirto xildhibaanka waqtigiisu dhammaaday, Cabdulla Xuseen.

04/09/2026

Ciidanka amniga Degmada Qoryooley ayaa Sheegay in ay u dhimanayaan calanka koonfur
bari state, Sido kale Degmooyinka Gobalka Shabellaha hoose inay ka taagayaan ayay Sheegeen.

03/09/2026

Madaxda Dowlada koonfur bari oo Ku Wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somaaliya.

03/09/2026

Ciidanka madaxweynihii h**e Laftagareen baay iyo bakool ex Koonfur galbeed ayaa maanta ka dhex Dagaalamaya gudaha Magaalada Baydhabo.

Magaalada Marko ee Caasimadda Dowladda Koonfur bari state.
02/09/2026

Magaalada Marko ee Caasimadda Dowladda Koonfur bari state.

02/09/2026

Gudoomiye Abshirow oo xildhibaanadda ka maqan Fadhiyadda Golaha oo canaanaaya in ay gabayn Waajibkii saarnaa asiga ma gutay waajibkii ka saarnaa dadkii iyo deegaankii uu 20 sano matalaayay mise waajib k**a saarna.

02/09/2026

DEGDEG:- Xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS oo ku buuqay Gudoomiye Abshirow, oo maanta Shirgudoominaayay Golaha Shacabka BJFS.

02/09/2026

Taliyaha guutada 14-ka octoober gaashaanle
Osman Muse Mohamed tan iyo markii xilkan
loo soo magacaabay wuxuu ku sugan yahay furumaha h**e ee dagaalka, taas oo ka dhigan
In taliyaha ka go,an tahay xoreynta deegaanada
Gobalka Shabellaha hoose.

01/09/2026

Madaxweynaha Koonfur bari state, Cumar Cali Ahmed ayaa Magaalada Marko ka soo gootiyay
Wafdigii Dowadda Faderaalka maalmahaan ku Sugnaa Magaalada Marko.

Address

Merca

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Marko posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share