20/03/2025
TAARIIKHDU MAXAY KU XUKUMI DOONTAA JIILKEYGA?
Dadkii dhashay horraantii Sagaashameeyadii xiligii ay burbureysay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya haatan waxa ay u dhexeeyaan soddon illaa afartan sano. Waa jiil imtixaan badan la kulmay oo aan badankoodu fursad u helin in ay ku koraan xasillooni iyo nabad, isla markaana aan helin adeegyada asaasiga ah ee dowladeed sida waxbarasho hagaagsan. Jiilkan inta waxbaratay ee waalidkood iyo waayuhu ba saacideen waxa ay la nool yihiin duruufo ay shaqo la'aan ugu sahlan tahay.
Waa jiil aan la tartami karin dhiggiisa adduunka kale, iyo xitaa faca la ayniga ah ee ku koray dalal aan isku xilli gobonnimada helnay, balse ka badbaaday qaranjab. Si gaar ah dhibkan waxa u arkay qeytbtooda gobollada koonfureed ee dalka ku koray ee aan anigu ka mid ahay.
Waa jiilkeenna kuwa bixiyay qiimaha ugu badan ee qaranjabka, colaadaha sokeeye, abaaraha, iyo kala qeybsanaanta siyaasadeed. Intaasi musiibo way inoogu filnayd, balse dhowr iyo tobankii sano ee ina dhaafay waxaa inoo dheeraa Khawaarij u dilaysa dadka Soomaaliyeed "gaalnimo".
Soomaaliyada Maanta.
Tan iyo shirkii Carta, dalkeena waxaa ka jirtay dowladnimo heshiis ku dhisan, dastuuri ah, xukunka doorasho lagula kala wareego oo ku salaysan awoodqeybsi illaa xad la iska wada dhex arko. Way soo kacaakufaysay, balse way kobcaysay. Gaabis kasta oo jira ma joogno sannadihii fowdada iyo dowlad la'aanta, iyo maalmihii waddooyinka Muqdisho Khawaarijta lagula loolamayay.
Haatan dunida waxaa ka dhacaya isbeddelo waaweyn oo saamayn toos ah iyo kuwo dadbanba ku leh dalkeena. Waxaa taagan khataro ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo dowlad-dhiska dalkeena oo ka imanaya gudaha iyo dibadda. Cadawgeenu wuu noocyo badan yahay, maalinba maalinta ka danbeysana godadkiisa ayuu ka soo baxayaa. Khataraha innagu hareeraysan maalinba mid baa si cad innoogu soo muuqanaysa.
Khatarahaa midda ugu weyn waxa ay ka imaanaysaa khawaarijta oo ah kansar aan muddo la soo tacaalaynay. Sooyaalka argagxisada Shabaab waa hoog, qarax, burbur, cunaqabatayn, go'doomin, iyo qurgooyo. Haba yaraatee ma matalaan oo shuqul kuma leh islaannimo, soomaalinimo, bini’aadannimo, ehelnimo iyo dhammaan tiirarka jiritaan ee ummadeenu ku taagan tahay.
Sidaas oo ay tahay, waxa ay doonayaan in ay dadkeena inta ugu badan laayaan, jiritaankeena ummadnimo iyo astaamaheena qarannimo tirtiraan. Hadafkoodu waa intaa, balse waa mid aan hirgalayn. Hubaal iyagaa la ciribtirayaa oo adduun iyo aakhiraba hoog u sugnaaday. Gabyaa h**e oo Soomaaliyeed ayaa laga hayay: “Muslim kuma cabiidsamo walloon madaxa kaa goyn.”
Maxaa la gudboon Jiilkeenna?
Maanta jiilkeenna waxaa horyaalla in ay si dhab ah xaaladda dalka iyo tan dunidaba u qiimeeyaan, dabadeed go’aan qaataan. Ma oggolaan karnaa Soomaaliya oo midnimadeeda iyo dowladnimadeedu meesha ka baxaan? Maxaa inaga hallaabaya haddii aynaan si qotodheer mustaqbalka uga fekerin?
Noloshii aan xaqa u lahayn ee aan waynay qaybtii h**e ee cimrigeena iyo nolosha ay tahay in aan ubadkeena u diyaarinno sida kali ah ee lagu xaqiijin karo waa dowladnimo. Doorashada qudha ee aynu haysannaa waa dowladnimo suuragalisa nolosha aan u baahannahay. Haddii aysan jirin lahayn dowladdaasi waajibkeenna ayay ahaan lahayd in aan dhisanno, balse nasiib wanaag Soomaaliya haatan dowladnimo, haba tabaryaraatee, way ka jirtaa. Cidda majaraha u haysta muhiim ma aha oo way timid, dabcan wayna tagaysaa, balse waajibka koobaad ee innaga saaran ayaa ah in aan dowladnimadeena jidka toosan ku ilaalinno, jabkana ka ilaashanno.
Reer Mudug waxa ay dhahaan oraah ah "Waayeel waa innaga oo aan is yeelyeelayn." Dookh inna horyaallaana wuu cad yahay. Iyada oo tartan, hirdan iyo xifaaltan ba innaga dhexeeyo, oo siyaasad ciyaarayna, kala duwanaasheheenna qirsan, iskuna ixtiraamayna, ma ilaashan karnaa dowlanimadeenna, midnimada ummaddeenna iyo tan qarankeenna? Mise qaarkeen ayaa Khawaarij taageeri oo soo garabgali, borobogaandadooda ku farxi ama warkooda buunbuunin, kaliya in colaad siyaasadeed (ama mid qabiilba dheh) oo kala dhexeysa Soomaali kale darteed?
Dad Habaabay iyo Masuuliyadda Taariikhda
Ayaantan waxaa soo labo kacleeyay dad isugu jira kuwo u kasay iyo kuwo talaxumaaday oo u jabay dacaayadaha khawaarijta iyo shisheeye khawaarij kalkaal ah. Taariikh ayaa qormaysa, mana illoobi doonto ninka ama gabadha jiilkan ka tirsan ee khawaarijta u noqda askari faysbuug iyo tiwitar u jooga. Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in aysan Alshabaab dalkan ku lahayn mustaqbal aan ka ahayn in la ciribtiro. Xukun ay xoog iyo dhiig ku gaari waayeen ku gaari mayaan borobogaando abaabulan oo baraha bulshada laga sameeyo. Rag iyo haween Soomaaliyeed oo Ciidanka Xoogga Dalka ah iyo kuwo kale oo isxilqaamay oo duruufo qallafsan ku shaqaynaya ayaa jihaadka dowladnimadu khawaarijta kula jirto naftooda u huraya, dhiigoodana Ummadda Soomaaliyeed kaga hortaagan horor habeen madow ku habsada.
Taageero af iyo adin ah, oo hiil iyo hooba leh ayay naga mudan yihiin ciidankeenu. Qofkii intaas aan yeelin ee argagixiso habeen madow nagu habsada noo rajeeya, taariikhdu ma cafin doonto. Gafkaas doqonniimo, cuqdad, iyo maangaabnimo wixii lagu galaba, ninkii galay waa sida uu u galay. Cududaar uma noqon doonto hoggaanka markaas dalka joogay baan mucaaradayay. Meel aan mucaaradnimo galin ayaa jirta, waana khiyaanada iyo cadow la safashada.
Gabagabadii, jiilkayga ayaan la hadlayaa e, waa in aynu meel iska dhignaa arrimaha yaryar ee ina kala qaybiya, sida haybta iyo siyaasadda. Waa in aan ka fogaannaa hunguri iyo musuqmaasuq, kuna shaqaynnaa waddaniyad, aragti iyo xilkasnimo. Jiritaanka dowladnimada ee la iska dhaxlayo, ahna waddada kali ah ee aan nolol aayatiin leh ku heli karno waa in aysan inaga saamayn khilaafyada danaha gaaban ku salaysan ee inoo dhexeeya. Waa jidka kali ah ee inoo furan haddii aynu doonayno in aan carruurteena ka samatabixino ayaandarradii dalka ka jirtay xilligii aan dhallanay. Soomaaliyada mustaqbalka waxa ay ku jaango’naan doontaa go’aanka uu jiilkeenu maanta qaato.
Mohamed Dugoow
Cadale, March 20, 2025